Author Topic: Isbandhayska Iyo Caafimaadka (Cilmibaaris!)  (Read 27365 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Isbandhayska Iyo Caafimaadka (Cilmibaaris!)
« on: November 30, 2016, 11:22:43 AM »


Bismillah

Maanta waxaan ka hadlaynaa geedka loo yaqaanno "Isbandhays", waa miro cabbir ahaan la eg ukunta ama geedka saytuunka sida ka muuqdo sawirka kore, waa miro dhanaan oo badanaa laga isticmaalo koonfurta soomaaliya.

Isbandhays-ka waxaa laga isticmaalaa wadamo kooban gaar ahaan wadamada laatiin ameerika, qaar ka mid ah wadamada aasiyada fog iyo wadamo fara ku tiris ah oo qaaradda Afrika ku yaallo, cunno iyo cabitaan ahaanba waa loo adeegsadaa, saladkane waa lagu jarjartaa inta qolofta sare laga fiiqo, lafta gudaha ku jirtane laga tuuro.

Mirahaan wuxuu leeyahay faa'iidooyin nafaqeed markii cilmibaaris lagu sameeyay:
  • Waxaa Isbandhayska aad uga buuxa maadada kaalsiyamta ama lafaha kobciso, muhiimna u ah caafimaadka wadnaha, dalka indonesia waxaa laga aaminsan yahay in isbandhayska uu daawo u yahay wadne xanuunka.
  • Isbandhayska waxaa ka buuxo fitamiinka A iyo C, kuwaasoo sun-saarayaal u ah jirka (Anti-oxidants), faa'iidooyin kalane xambaarsan sida caafimaadka aragga, maqaarka, ciridka iyo xuubka jirka.
  • Cilmibaaris cusub waxay sheegtay in isbandhayska ay ku jirto maadada loo yaqaano "phosphorus", taasoo muhiim u ah ilkaha iyo lafaha jirka.
  • Isbandhayska waa miro ay cuni karaan dadka dhiig-karka qabo maadaama aysan ku jirin cusbada loo yaqaano "Sodium", laakiin waa muhiim in aysan cusbo ku darsan sida dadka qaar ay sameeyaan.
  • Isbandhayska waxaa la arkay in xoogaa bir ah ay ku jirto, loona qaadan karo ka hortagga dhiig-yarida, laakiin haddii uu dhiigga kugu yar yahay waa in siyaabo kale laguula tacaalaa.
  • Isbandhayska waxaa kaloo ku jiro dhowr macdan oo jirka uusan ka maarmin sida fitamiinka B1, B2, B3, B6 iyo E, bootaasiyam, zinc iyo magniisiyam. intaba waa macdan muhiim ah.

Isbandhayska wuxuu hoos u dhigaa lallabada xilliga uurka, wuxuuna u roon yahay wallaca sadax sababood dartood: dhanankiisa, fitamiinka B6 oo lallabada ka hortago iyo hoos u dhigista aashitada caloosha oo ka qeyb qaadato laabjeexa iyo matagga.
Sidaas darteed, hooyooyinka uurka leh way u adeegsan karaan inay ku joojiyaan lallabada xilliga wallaca laakiin wa in aysan cusbo ku cunin, sababtoo ah cusbada badan caafimaadka uma roona khaasatan xilliga uurka.

Akhriso "Siyaabo Kale oo Wallaca Ku Yarayn Kartid": http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=200.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: