Author Topic: Cunnooyinka Laga Qaado Kansarka (Digniin)!  (Read 69968 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Cunnooyinka Laga Qaado Kansarka (Digniin)!
« on: November 27, 2016, 09:48:06 PM »


Bismillah,

Sida la wada ogyahay waxaa dunida aad ugu soo badanayo cudurka kansarka noocyadiisa kala duwan, waxayna cilmibaarayaashu badanaa sababta la xiriiryaan isbadallada ku dhacay nolosha bini'aadanka iyadoo la cunayo cunno caafimaadka u daran, la neefsanayo hawo caafimaadka sun ku ah, la samaynayo caadooyin iyo dhaqamo u daran caafimaadka bini'aadanka.

Awal waxaa la aaminsanaa in cudurka kansarka uusan ka hortag lahayn, laakiin waxyaabo badan oo la ogyahay ayaa jira maanta oo dadka lagula taliyo inay ka fogaadaan, waxyaabahaas waxaa ka mid ah cunnooyinka qaarkeed, kuwaasoo cilmibaarayaashu ay sheegeen in cudurka kansarka xiriir la yeelan karaan:

  • Cunnada gacan ku rimiska ah: Cunnooyinkaan waxaa loo yaqaanaa "Gene Modified Foods(GMO)" waa cunno aad ugu badan dunida, waxaana looga dan leeyahay in baahida cunno ee dunida ka jirto lagu daboolo, waxaana aad looga helaa wadamada hormaray, cilmibaarayaashu waxay ka cabsi qabaan isticmaalka cunnadaan oo la joogteeyo inay isbadal ku sameeyaan unugyada jirka bini'aadanka.
  • Daangada lagu dubay Microwave-ta: Dood ayaa ka taagan in daangada lagu dubay qalabka microwave-ta inay keento kansarka sambabada ku dhaco maadaama cilmibaarayaal ay sidaas sheegeen.
  • Cunnada lagu keydiyo qasacadaha: waxaa jirto daawo la mariyo qasacadaha inta aan cunnada lagu soo ridin si aysan birta ula fal galin, halkaan ka akhriso qoraal faahfaahsan oo aan uga hadalnay yaanyada ku timaado qasacadaha iyo dhibaatada ay keento daawada lagu soo daro: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6921.0
  • Hilibka la soo warshadeeyay kadibne la shiilay: waxaa ka mid ah hilibka loo yaqaano "hot dogs", cilmibaarayaashu waxay sheegaan hilibka qaabkaan loo soo warshadeeyo markii la shiilo inuu soo daayo maaddo kansarka keento oo loo yaqaano "heterocyclic aromatic amines", sidaas awgeed hilibka noocaan oo kale waxaa haboon in biyo lagu karkariyo ama dabka lala saaro digsi ama birtaawo.
  • Sokorta loo yaqaano "High Fractose Corn Syrup": waa nooc ka mid ah sokorta oo warshad soo martay weliba qaarkeed laga sameeyay geedka qasabka oo gacan ku rimis ah.
  • Cabitaannada aashitada leh: cabitaannadaan waxaa lagu soo daraa sokorta kor aan ku soo xusnay, wax nafaqo ahne lagama helo, dood ayaana ka taagan waagii la bilaabay cabitaankaan illaa iyo hadda inay cudurka kansarka keenana iyo in kale, laakiin waxay cilmibaarayaashu isku waafaqsan yihiin inay caafimaadka u daran yihiin, akhriso qoraal aan hadda ka hor uga hadalnay: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5964.0
  • Kalluunka la dhaqdo: meelo badan oo dunida ka tirsan kalluunka laga cuno lama soo dabto oo waa la dhaqdaa, waxaa lagu xanaaneeyaa barkado waawayn oo lagu daaweeyay qallajiyeyaal iyo sunta cayayaanka disho ee barkadaha lagu shubo, sidaa darteed cilmibaarayaashu waxay sheegaan in kalluunka ganacsi ahaanta loo dhaqdo in halistiisa ay ka badan tahay faa'idadiisa, dhici kartane inuu keeno cudurka kansarka.
  • Saliida lagu daray macdanta "hydrogen-ta: waxaa saliidaan loo yaqaanaa "Hydrogenated oil", waa saliid aad looga isticmaalo dunida hormartay, waxaana lagu soo daraa kiimiko kala duwan si urka iyo dhadhanka saliidaan loo badalo, waxay cilmibaarayaashu arkeen in saliidaan ay badasho xuubka ku daboolan unugyada jirka taasoo tilmaan u ah inay kansar keeni karto.
  • Baradhada shiilan oo bacaha lagu keeno: waxaa kaloo loo yaqaanaa "chips", waxay ahayd sanadkii 2002, markii climibaarayaal u dhashay dalka sweden ay sheegeen in baradhadaan lagu kariyay dab kor u dhaafay heer-kul-beegiisa 120C inay ku jirto maadada loo yaqaano "acrylamide" oo la isku waafaqsan yahay inay tahay maado kansarka keento, nasiib xumo aad ayay ugu soo badanaysaa dalka, waalidiintane iyagoo aan ogayn ayay caruurtooda u gadaan.

Sidee looga fogaan karaa halista cunnooyinkaan?
Haddii aad u fiirsatid liiskaan kore waa cunnooyin aan si dabiici ah usoo bixin oo bini'aadan farsameeyay ama uu wax ka badalay, taas ayaa ka dhigayso mid halis ku ah caafimaadka, waxaa mahad Alle ugu sugnaatay inay yihiin cunnooyin laga fogaan karo khaasatan haddii aad ku nooshahay wadamada aan ku tiirsanayn cunnooyinka la warshadeeyo, badankoodne waa cunnooyin dibadda noo laga keeno sida yaanya shiishiidka, cabitaannada SODA-da iyo cunnooyinka gacan rimiska ah.
Cunnooyinkaan badankeed waxaa ka dambeeyo shirkado waawayn oo caalami ah, kana awood iyo dhaqaalo badan wadamo badan, waxayna ku bixiyaan malaayiin doollar maalin kasta oo xayaysiin iyo suuq geyn iskugu jira si loo gaarsiiyo meelo badan oo dunida ka tirsan, loona abuuro dad badan oo ku tiirsan badeecadahooda.

Cunnooyinkaan waxay aad u saamayn ogyihiin caruurta yaryar iyo hooyooyinka uurka leh, fadlan qoyskaaga kala dagaallan cunnooyinkaan si ay caafimaad u helaan, mahadsanidiin.

Aqoon u yeelo cudurka Kansarka:http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1073.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid ku soo dir qeybta su'aalaha:http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Maaji29

  • Newbie
  • *
  • Posts: 17
  • Points: +0/-0
Re: Cunnooyinka Laga Qaado Kansarka (Digniin)!
« Reply #1 on: November 28, 2016, 04:07:24 PM »
Su'aasha taagan waxaythay dalkeena waxaan kacunaaa qudaar faresh ah lkn waxaad kusoodarty yaanyo shiishiida oo kale dadkeena bdnaaa wey isticmaalaaan marka sidayna iisheeg aan iska ilaaalinkarnaaaa


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55922
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Cudaradee laga talaalaa bilaheena la talaalaa?

Started by Awil5Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8687
Last post October 26, 2016, 06:39:23 PM
by SomaliDoc
Faa'iidada laga helay qandhada "Rifty Vally"

Started by DoctoorBoard Feel Free Here

Replies: 0
Views: 10265
Last post November 14, 2007, 12:30:34 AM
by Doctoor
Su'aal: Cabidda Shaaha Iyo Biyaha Cusbada Laga saray Makeni Kartaa Kaadi Xannun?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18432
Last post August 08, 2011, 07:55:39 PM
by SomaliDoc
Dhibaatooyinka laga dhaxlo daawada oo aan sidii loogu talo galey loo qaadan

Started by JamaaluddiinBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 14205
Last post April 03, 2016, 10:41:02 PM
by Jamaaluddiin