Author Topic: Cabidda Shaaha badan ma laga qaadaa dhiigyari?  (Read 35968 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Cabidda Shaaha badan ma laga qaadaa dhiigyari?
« on: December 02, 2016, 12:08:53 PM »


Bismillah,

Soomaali badan ayaa aaminsan in shaaha laga qaado dhiig yari, qaar kalane waxay aaminsan tahay in shaaha uu dhiigga kordhiyo, sidaas darteed, waxaan qoraalkaan ugu kala gar qaadaynaa labadaas koox.

Shaaha, koffeyga iyo cabitaanka shukulaatada (kookaha) intaba waxaa ku jiro maaddo loo yaqaano "Polyphenols", maadadaan waxay hoos u dhigtaa macdanta birta ee laga helo cunnada.

Sidaas awgeed waa in aadan shaaha, kaffeyga iyo cabitaanka shukulaatada aadan cabin xilliga cunnada, haddii aad cabayso waa in ugu yaraan ay hal saacad ka soo wareegataa.

Haddii ay caado kuu tahay in shaaha aad cunnad ku cabtid ama isla markibia aad ka daba cabtid waxaa hoos u dhaca maadada birta ee dhiigga laga sameeyo maadaama jirka uusan ka faa'idaysan karin birta ku jirta cunnada aad cuntay, taasina waxay keentaa dhiigyarida loo yaqaano "Iron Deficiency Anemia" oo laga wado dhiigyarida ka dhalatay bir la'aanta.

Caruurta yaryar iyo hooyooyinka uurka leh ayaa ugu baahi badan macdanta birta sidaas awgeed waa inay ka fogaadaan cabista shaaha xilliga cunnada.

Laakiin haddii aadan cunno ku cabaynin, shaaha kaligiis  oo la cabo ma keeno dhiigyari, sida aan horay uga soo hadalnayba wuxuu leeyahay faa'iidooyin caafimaad oo aad ka daalcan kartid halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4270.0.html

Akhriso Sababta Liinta loogu darsado Shaaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6520.0
Akhriso Faa'idooynka Shaaha Cagaaran: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6210.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Dhidka badan iyo Cabsida"xishoodka"?

Started by AhmeddaahirBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15847
Last post October 19, 2016, 06:58:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxan qabaa cabsi ah in aan dadka ka cabsado sida meelaha dadka badan joogan?

Started by FaraxBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21109
Last post May 11, 2011, 04:28:24 PM
by Shenamic
Su'aal: Birta dhiiga oo badan? Wareega dhiiga oo yar? Qufac markii aan ordo?

Started by DurdurBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15533
Last post May 19, 2011, 08:49:53 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ma jiraa Natural Viagra - Maadaama Kiniiniga Viagra Dhib-badan yahay?

Started by AarDacarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 78265
Last post August 12, 2015, 01:45:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55935
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc