Author Topic: Su'aal: Xudunta ama buufka kuusan?  (Read 4940 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hibaq11

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
Su'aal: Xudunta ama buufka kuusan?
« on: December 04, 2016, 12:43:53 AM »
Xudunta ama buufka kuusan ee ilmaha yar yar maxa keeno dhib miyey keenta cafimadka ilmaha wax miyey udhimeysa waxa jirta canug yar oo walalkey dhalay oo xudunta ka kuusan wax dhib ahna kuma qabto wiilka kayarna wuu ka kuusan yahay ma cudur ba mise waa farac ama udhalasho mahadsanid




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xudunta ama buufka kuusan?
« Reply #1 on: December 29, 2016, 07:22:18 PM »
Meesha xudunta ku aadan oo soo buurato waxay ku timaadaa murqaha caloosha oo ka dabcay meesha xudunta ku aadan waxa soo kuusan waa mindhicirradii oo soo cadaadiyay meesha jilicsan, ilmaha badankood way ka baaba'daa markii ay waynaadaan oo murqahooda adkaadaan, waxyaabaha keeno waxaa ka mid ah, qufaca badan, calool majiirka, saxaro adeegga, culeys qaadista, ooyinta badan iyo wax kasto oo cadaadiska caloosha siyaadiyo, waxaa lagu tiriyaa cilladaa eernooyinka mid ka mid ah waxaana loo yaqaanaa "Umblical Hernia", aqoon u yeelo waxa Eerno laga wado: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6097.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Muruq kuusan oo ka so dhex baxa bartanka shafqasha(kilkisha)?

Started by WalaalkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15557
Last post October 07, 2011, 05:06:53 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: XANUUN MEESHA DHAXDA AH EE KU AADAN XUDUNTA ILAA ISKU WEERKA OO DHAN?

Started by SiihaamBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21641
Last post April 26, 2011, 06:57:47 PM
by Drkheyre
Su'aal: Qanjiro kuusan ayaa waraqda iiga yaallo?

Started by Maaji29Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12181
Last post December 03, 2018, 04:34:04 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxay madaxa ku leedahay buro yar oo kuusan?

Started by Hassandheer1Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13322
Last post August 23, 2013, 04:46:51 PM
by SomaliDoc
Nabar Kuusan oo Dheecaan leh, Futadane udhow!

Started by A/qadir AbdiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 7
Views: 68078
Last post September 11, 2017, 01:38:29 AM
by Muxiyo