Author Topic: Waa maxay Isnadaamis (Scabies)?  (Read 45683 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Waa maxay Isnadaamis (Scabies)?
« on: May 06, 2008, 07:52:51 AM »


Muxuu yahay?
Isnadaamisku waa cuncun maqaarku yeesho waxaana keena bahala yaryar oo ku nool maqaarka dushiisa, kuna dhala jirka aadamiga dushiisa (sida ka muuqato sawirka kore).

Cayayaankaas yaryar markuu qofka ku dhaco wuxuu ukumo ku dhalaa maqaarka hoostiisa, tan oo keento in xasaasiyad siyaado ah qofka yeesho, Isnadaamisku wuxuu dhaliyaa is cuncunid siyaada ah dhibca guduudan (maqaarka cad wuxuu noqdaa guduud, kan madoobina wuxuu noqdaa beerbal) jirka meelihiisa laalaabka ah. Badanaa kuma dhacdo madaxa iyo qoorta. Cuncunku wuxuu u daran yahay habeenka marka hawadu kulushahay.
Jeermisku wuxuu galaa maqaarka, khaasatan farah wareegooda, wuxuu kaloo galaa carruurta yaryar lugahooda. Wuxuu kaloo galaa gacmaha iyo cagaha carruurta dhalinta yar. Waxaa laga yaabaa inuu ku dhaliyo nabara yaryar meelahaas. Jeermiska waxaa kaloo laga helli karaa canqawga, kilkilada, guska, xiniinyaha agagaarkooda iyo ibta agagaarkeeda. Dadka waxaasi ku dhacaan waxay u yeeshaan xasaasiyad dulamka maqaarka. Dabadeedna korka oo dhan ayaa xajiimooda waxayna yeeshaan furuuruc xasaasiyadeed.

Sidee lagu gudbiyaa?
Isnadaamiska waxaa badanaa loogu gudbiyaa kuwa kale iyadoo la isku dhowaado qofka qabo, sida marka gacanta la qabto. Badanaa waxaa isqaadsiiyaa qoyska. Carruurta wada cayaaraysa badanaa waa is qaadsiiyaan. Isnadaamisku kama yimaado nadaafad xumo. Isnadaamisku kuma noolaado meel ka baxsan aadanaha sidaas darteed lagama qaado kaarbitka ama gogosha.

Sidee looga hortagaa?
Dhamaan xubnaha qoyska iyo dadka u dhow qof qaba isnadaamis waa in la daweeyaa, ama ha qabeen ama yaanay qabin cudurkee. Daaweynta qofka qaba cudurka iyo weliba kuwa kuu dhow ayaa ah habka ugu fiican oo lagaga hortegi karo xaalladaan.

Sidee lagu daweeyaa?
Dadka badankiis waxaa lagu daweyn karaa kareem ama lowshan la mariyo maqaarka dila ugxanta nool. Waa in dhakhtar lagala tashadaa daawada ugu fiican. Kareemka waa in la mariyaa jirka oo idil, iyadoo tixgelin gaara la siinayo gacmaha iyo meesha maqaarku ka laaban yahay oo u dhow xubnaha dhalmada. Waa in loo daayaa ilaa 24 saacadood lagana dhaqaa maalinta ku xigta. Haddii gacmaha la dhaqo waqtigaan, waa in kareem ama lowshan la mariyaa gacmaha mar labaad.

Xubnaha guriga degan oo dhan waa in isku mar la daweeyaa. Sarriiraha lagu seexdo habeenka daaweynta iyo dharka la qaatay maalmihii ugu dambeeyey waa in la dhaqaa. Waxaa ku filan in lagu dilo ugxanta iyo kiimikada daawada wax lagu dhaqo si ay u disho Jeermiska. Badanaa waxaa la soo jeediyey in daaweynta mar labaad lagu celiyo.

Mar daawada la isticmaalo, furuuraca cuncunka lihi wuxuu qaataa 2 ilaa 3 asbuuc inuu dhamaado. Dakhtarka waxaa laga yaabaa inuu kuu qorro kareemka loo yaqaan cortisone si loogu kantaroollo cuncunka iyo jirada maqaarka taas oo ugu dhacda qofka isnamadaamiska dartiis. Carruurtu waxay aadi karaan dugsiga maalinta daaweynta maalinta ku xigta.

Akhriso qoraal ku saabsan Kasoobaxa: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1163.0.html

Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66532
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69546
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62470
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46734
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 44989
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc