Author Topic: Su'aal: Codkeeyga aad ayoo u Yar Yar yahay?  (Read 3846 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ashom

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 97
  • Points: +0/-0
Su'aal: Codkeeyga aad ayoo u Yar Yar yahay?
« on: December 04, 2016, 06:28:27 PM »
Codkeeyga aad ayoo u Yar Yar yahay 27 ayaa jiraa walal keey 18 jiro ayaa iga codweeyn sideey ku yeelan karaa codweeyn (deep voice) majirtaa qaab loo sameeyn karo taba bar ama dawo
Thanks somalidoc.com




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Codkeeyga aad ayoo u Yar Yar yahay?
« Reply #1 on: January 04, 2017, 09:26:44 PM »
Codka waxaa u xilsaaran xubinta loo yaqaano qulaanqulyaha, afka qalaadne lagu dhaho "Larynx", waxay ku taallaa dhuunta waxayna kortaa xilliga qaangaarka.

Waxyaabaha keeno in qulaanqulyaha waynaado waa hormoonka ragga ee loo yaqaano "Testosterone".

Saa darteed wiilasha isku waqti hormoonkaas uma bato, qulaanqulyahane uma koro, qaar baa dhakhso codkooda isbadalaa, qaarne wuu ka soo daahaa.

Waxaa jiro astaamo kale oo ku saabsan qaangaarka oo ka horeeyo in codka isbadalo, akhriso qoraal ku saabsan mawduuca qaangaarka oo iska fiiri haddii ay jiraan cillado kale: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6522.0

Haddii astaamaha kale kuu saxan yihiin, fadlan la xiriir dhakhtarka si lagaaga fiiriyo isu-dheelli tirka hormoonada iyo haddii cillad xagga dhuunta ay jirto.

Way jiraan dad ku takhassusay codka oo tababarro sameeyo waxaa loo yaqaanaa "Vocalists".
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Nin jidhkisu kala weyn yahay (XAGA SARE OO YAR IYO XAGA HOOSE OO WEYN)

Started by Hotboy911Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 23474
Last post June 13, 2015, 03:26:34 PM
by SomaliDoc
Muxuu yahay "Internal Medicine"?

Started by AdminBoard Clinical Rotations

Replies: 0
Views: 51230
Last post February 11, 2007, 12:34:45 PM
by Admin
Ogow waxa uu yahay "Ummu-Sibyanka"!

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 0
Views: 291912
Last post December 05, 2018, 08:41:26 PM
by SomaliDoc
Albaabkaas markii la furo nalku shidmaayo, markii la xidhona damaayo, muxuu yahay?

Started by CilmiSabcaBoard Medical Stories and Jokes

Replies: 2
Views: 30487
Last post December 08, 2012, 08:50:56 PM
by CilmiSabca
Su'aal: Ma jiraa Natural Viagra - Maadaama Kiniiniga Viagra Dhib-badan yahay?

Started by AarDacarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 78995
Last post August 12, 2015, 01:45:58 PM
by SomaliDoc