Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Qanjirrada soo kuusto?

(1/1)

Mr Mahamed:
Asc maxaa sababa qanjirada mararka qaar ka sookuusada kilkisha ama shiirtada hadana kaligooda baa ba a

SomaliDoc:
Qanjirrada waxay ka qeyb qaataan difaaca jirka, haddii cillad ay jirto ka agdhaw qanjirkaas wuu bararaa tusaale, sida infekshan ku dhaca gacanta ama naaska, wuu la bararaa qanjirka kilkisha, haddii qanjirka laftirkiisa jirrado sida tiibishada ku dhacdo qanjirrada ama kansarka ku dhaco qanjirrada wuu la bararaa.

Qanjirka oo barara oo hadane dama wuxuu noqon karaa infekshan jirka uu ka takhallusay, laakiin hadduu joogto noqdo bararka waa in aad dhakhtar la xiriirtaa si dheecana ama cad looga qaado qanjirkaas loona baaro.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version