Author Topic: Su'aal: Carab gajanimada?  (Read 27623 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Yusufabdifatah1

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Carab gajanimada?
« on: December 08, 2016, 08:04:31 PM »
asc dictoore qofka inuu  carabgaja ah ama ay dhibayaan xarfaha qaar inuu ku dhawaaqo maxaa  keeno ma cuddura amase waa iska caadi mahadsanid.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Carrab gajanimada?
« Reply #1 on: January 17, 2017, 12:23:51 PM »


Bismillah,

Carrab gajanimada waxaa badanaa lagu arkaa caruurta inta aysan gaarin 6 sano, laakiin qaarkood ayaa la waynaado oo cillad ku noqotaa.

Cilladaan ma ahan cudur ama iin abuuris ah toona, waxayna ka dhalataan carrabka oo booskii loogu talagalay gaarin ama dhaafo markii la soo saarayo xarfaha qaar, waxaana dhakhaatiirta hadalka ku takhassustay sheegaan in qoysaska qaar ay ku badan tahay sidaa darteedne la aaminsan yahay inay dhaxal noqon karto.

Cilladaan waxaa afka ingiriiska lagu dhahaa "Lisp" ama "Sigmatism", waxayna keentaa mararka qaar in qofka aad la hadlayso uu fahmi waayo hadalkaaga haddii xarfaha qaar aad ku badashid xarfo badali karo macnaha erayga aad ku dhawaaqday.

Sidee loo baaraa carrabgajanimada?
Waxaa cilladaan caafimaad ahaan loo qeybiyaa 5 qeybood markii la rabo in la ogaado nooca ay tahay:
  • Carrabka oo horay u soo dhaafo booskii loogu talagalay "Frontal lisp"
  • Carrabka oo dhinac u leexdo ku dhawaaqista erayada qaar "Lateral lisp"
  • Sanqada oo hawo gasho markaad ku dhawaaqi rabtid erayada qaar "Nasal lisp"
  • Hawada oo ciriir u dhex marto carrabka iyo afka markaad ku dhawaaqi rabtid erayada qaar "Strident lisp"
  • Carrabka oo dhenxanaga ku dhego markaad ku dhawaaqi rabtid erayada qaar "Palatal lisp"

kala qeybintaan waxay caawinaysaa in la ogaado xarfaha ku dhibayo noocyada ay yihiin, sababtoo ah qofba xaraf gooni ah ayaa dhibo markuu hadlayo, wuxuuna u badalmaa xaraf kale, tusaale ahaan qof baa dhibayo xarafka "S" oo markuu hadlayo wuxuu u badalaa xarafka "Th", qofne waxaa dhibayo xarafka "R" oo markuu hadlayo wuxuu u badalaa xarafka "W" ama "L".

Waxyaabaha kale oo keeni karo carrabgajannimada waxaa ka mid ah in ilkaha aysan booskoodii saxda ahaa ka soo bixin ama in laguu xiray biraha ilkaha lagu toosiyo da' hore ama afka oo kuus ama nabar ka soo baxo, kaasoo horistaagayo dhaqdhaqaaqa carrabka, waa cillado lagu baraarugi karo markay caruurta yar yihiin.

Sidee loo xalliyaa arrintaan?
Caruurta marka ay yar yihiin waa in la tababaraa carrabkooda si aysan ula qabsan carrabgajannimada, hadhowna ugu adkaan in laga saxo, hadduu waalidka arko in cunuga uu dhaafay 6 sano, welina xarfaha qaar uu ku badalanayo xarfo kale waa inuu juhdi ku bixiyaa siduu u sixi lahaa isagoo ka dalbanayo cunuga inuu afkiisa fiirsado, kuna celceliyo erayo ka bilaabanayo xarfaha dhibka ku ah, tusaale ahaan hadduu cunuga dhibayo xarafka "S": wuxuu ku tabaranayaa erayada ka bilaawdo xarafkaas sida: "Sariir, Saliid, Sakiin IWM".

Waxay kaloo dhakhaatiirta badankood isku waafaqsan yihiin hadduu qofka waynaado uusan u baahnayn tababar ama sixid erayadaas laba sabab dartood: midda 1-aad iyadoo dhib tahay in la saxo, midda 2-aad iyadoo qofka isku dayi karo inuu ka wareegsado erayadaas ama isku taxallujiyo inuu hadalkiisa waadixiyo si loo fahmo maadaama qofka uu ka war hayo inuu carrabgajo' uu yahay.

Waana cillad laga helo ummad walba, luqadday rabaan haku hadlaan, waxaa taariikhda carrabaha xusi jirtay gabyaa caan ahaa oo lahaa cillada carrabganannimada, wuxuu gabayadiisa oo idil ka ilaalin jiray inuu adeegsado xarafka (?) oo dhibi ku ahaa.

Way dhacdaa mararka qaar in qofka isaga kaligii isi saxo isagoo juhdi ku bixiyo in erayada dhibayo uu saxo, waxayna u baahan tahay tababar iyo go'aan adag.

Khaladaadka laga aaminsan yahay dadka carrabagajada ah
Cilmibaaris lagu sameeyay ummado kala duwan iyadoo la fiirinayay fikradaha ay ka heystaan dadka leh carrab gajannimada ayaa waxaa ka soo baxay natiijadaan.
  • Haweenka Carrabgajada Ah: waxaa laga aaminsan yahay inay yihiin dad naxariis badan, saaxiibtinimada iyo isfahanka ku fiican, lana sasaban karo. (taasi waa khalad carrab gajannimada wax saamayn ah kuma lahan dabciga qofka, dabciguu rabo ayuu yeelan karaa.
  • Ragga Carrabgajada Ah: Sidoo kale waxaa laga aaminsan yahay in maskaxdooda ay hoosayso, waxbarashada aysan ku fiicnayn ama ragannimadooda ay ka liidato ragga kale, taasina waa khalad kale ay dadka qaarkood iska dhaadhiciyaan, dadka qabo carrab gajannimada xag maskax iyo xag dabci dadka kale ayay kala mid yihiin.

Waxaan jawaabtaan ku soo gunaanadayaa in carrabgajanniamda ay ku fiican tahay in la saxo xilliga caruurnimada, waalid walbane waa inuu ku baraarugaa arrintaas.

Akhriso qoraal ku saabsan "ShigShigga": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3222.0.html
Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid iigu soo gudbi qeybta su'aalaha adigoo mahadsan.
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Carab gajanimada?

Started by Yusufabdifatah1Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3013
Last post March 26, 2017, 10:22:05 AM
by SomaliDoc