Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Baxdin iska dhacaamaya qaliin malagu sameyn karaa?

(1/1)

Sahal143:
Asc dr. Waxan rabaa in aad wax iiga sheegtid baxdin iska dhacaamaya qaliin malagu sameyn karaa  waxaa ila tahay in bakteriyadiisa ku jirto mahadsanidiin 8)

SomaliDoc:
Hadduuba dheecaan jiro waa in qalliin looga sii daayaa wasakhdaas, haddii kale qallajiye wax ma tarayo.
Soomaalidii hore waxay dhihi jirtay "Milil Guudkii Lama Dhayo" oo macnaheeda ah, malax dusha lagama dhayo waa in la dillaacayaa oo jirka laga soo wada saaraa si ay u bogsato, haddii ay ku sii daahdane waxay u sii gudbi kartaa qeybaha hoose ee jirka sida lafaha.

Nabraha qaarkood ayagoo dheecaamayo ayay u baahan yihiin in la dillaaciyo si wasakhda jiridka jirto loo soo saaro, nabraha qaar waxay samaystaan godad malaxda ku aruurto, waana muhiim in godadkaas la faarujiyo.

Akhriso qoraal la xiriira nabraha dheecaama iyo siyaabaha loola tacaalo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7524.0

Navigation

[0] Message Index

Go to full version