Author Topic: Su'aal: Timaha labeerto iyo dawada loo cuno?  (Read 39092 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Abdull

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Timaha labeerto iyo dawada loo cuno?
« on: December 10, 2016, 06:10:06 PM »
Asc dhaqtarka iyo dhamaan inta kale oo lashaqeeyso. Salaan kadib wayadaan waxaa soo badate timaha labeerto marka waxaan rabaa labo sual oo kusaabsan arinkaas oo kala ah beerashada timaha maxeey saameyn kuyeelataa cafimaadka guud ee qofka? Tan kale waxaa maqlay marka timaha labeerto kaniini ayaa looqoraa qofka kaniinigaas oo timaha nafaqeeyo inkastoo aan kaniinigaas magaciisa haaynin marka suasha labaad kaniinigaas cafimaadka qofka wax ma udhimaa isna?  Suasha sadaxaad Madhaleeysnimasa makeenaa kaniinigaas timaha lagu kariyo?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Timaha labeerto iyo dawada loo cuno?
« Reply #1 on: January 20, 2017, 08:48:40 PM »


Bismillah,

Tinta oo la beerto waa farsamo qalliin taasoo jiridka laga soo jaro qaybta fiican ee tinta si loogu beero meesha bidaarta ku taallo, waxaa badanaa farsamadaan lagu sameeyaa bidaarta dhaxalka ah, inkastoo loo adeegsan karo xaalado kale sida sunniyada, baararka indhaha, garka, xabadka si loogu qariyo dhaawacyo horay qofka u gaaray.

Waa in qofka lagu sameynaayo qalliinkaan la diraaseeyo xaaladda bidaartiisa iyo rajada ay yeelan karto inta aan la beerin ka hor, kadib ayaa go'aan la qaataa in qalliinka uu wax u tarayo iyo in kale, midda kale waa in qofkaas usbuuc ka hor qalliinka uusan qaadan wax daawo ah noocay rabto ha ahaato, waana inuusan cabin ama isticmaalin wax maandooriye ah sida sigaarka, khamriga IWM.

Badanaa qalliinkaan waa mid loo sameeyo bukaan socod ahaan, uma baahna badanaa qofka in isbitaal loo jiifiyo, waxaa la isticmaalaa kabaabiso ee lama suuxiyo qofka.

Sadax siyaabood ayaa loo sameeyaa timo beerista:
  • Mid waa in maqaarka iyo tinta la isla fiiqo, kaasoo sidiisa loogu beero meesha bidaarta leh, waxaana loo yaqaanaa "Strip harvesting", badanaa qaabkaan wuxuu reebaa haaro yar yar, laakiin tinta ayaa lagu qariyaa, wuxuuna dhaawaca qalliinkaan ku reestaa 2 usbuuc gudahood, markaas oo tolmada ama biinanka laga furo.
  • Mid waa in tinta hal hal illaa afar afar xabo loo siibo siibo, kadibna lagu tallaalo meesha bidaarta leh, waxaana farsamadaan loo yaqaanaa "Follicular unit extraction", noocaan wuxuu qaataa waqti dheer, hal marne lama sameeyo oo dhowr jeer ayuu dhakhtarka ku ballaminayaa, wuuna ka lacag badan yahay kan hore mana reebo wax haaro ah, wuuna ka natiijo fiican yahay, laakiin dhakhaatiir kooban ayaa qaabkaan adeegsato.
  • Nooca saddaxaad, waa mid cusub oo dunida lagu soo kordhiyay sanadkii 2009, lana ansixiyay sanadkii 2011, waxaana timaha beerayo qalab mashiin ah "Robots", farsamadaan ceebteedu waa inuu qaali yahay oo dad dhif ah ayaa awoodo.

Waxyeellooyinka Beerista Timaha:
Qaabkii la isticmaalaba waxay keeni kartaa waxyeello loo yaqaano "Shock loss", taasoo ah in tinta ay dib u daadato ama khafiif noqoto ama meelo banaan ay soo baxaan. boqolkiiba 5% waxaa la qiyaasaa in qalliinka uu fashil ku dhamaado. dadka qaar ayaa tinta cusub ee la beero xasaasiyad ka qaado taasoo halis ku noqoto maqaarka iyo tinta la beeray labadaba.

Qalliinka ka dib
Tinta la beeray waxay u baahan tahay daryeel joogto ah maalmaha qalliinka ka dambeeyo si looga hortago in qalliinka uu fashilmo, waa in qoraxda laga ilaaliyaa, waa in shaambooyin khaas ah lagu dhaqaa laga bilaabo laba maalin ka dib qalliinka.
Waxaa jiro daawooyin la qaato timo beerista ka dib, inkastoo ay dhakhaatiirta ku kala duwan yihiin laakiin waxaa ugu caansan daawada loo yaqaanno "Propecia", waana daawo leh waxyeello badan aan oo horay uga hadlay, waxaadna ka akhrisan kartaa qoraalkaan:http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6487.0

Akhriso Bidaarta Cudurka Ah iyo Noocyadeeda: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5726.0
Haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahan tahay, iigu soo gudbin qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Joogto U Xiirida Timaha Madaxa, Dhib Miyaa Ka Imaan Kara?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17047
Last post January 29, 2012, 12:07:55 PM
by SomaliDoc
Daawada Indhaha: ma loo isticmaali karaa soo nooleynta Timaha daatay?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 11659
Last post January 02, 2013, 10:07:40 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Daawooyinka lagu rifo timaha wax dhib ah ma keeni karaan?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 22755
Last post April 24, 2013, 01:33:28 PM
by CilmiSabca
Su'aal: Timaha garkeeyga ayaa waxaa kujiro timo gaduudan?

Started by AshomBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4175
Last post January 23, 2016, 02:26:10 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Qasilka Oo Jirka & Timaha La Marsado, Faa'iido Ma Leeyahay?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 30003
Last post November 02, 2011, 02:11:17 AM
by CilmiSabca