Author Topic: Su'aal: Dilan ama soo dhicisid?  (Read 2932 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Aburidwaan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Dilan ama soo dhicisid?
« on: December 11, 2016, 12:39:35 PM »
Asc ditoore xaaskayga ayaa waxay lahayd uur bil iyo bar ah dhiig ayaa ka yimid waxaa la gu duray cirbad dhiig joojin ah kadib halmaalin un ayuu socdaye wuu istaagay weliba dhawr saac dabeeto 10 maalin ka dib dhiiga badan ayaa ka yimid iyo wax cad oo kuusan oo adagna way kasoo dhaceen dhiigii waxuu ka socday 9maalin kadib wuu istaagay marka hada waxaa laga joogaa isbuuc iyo xooga xaaskayga waxay leedahay mudo laba maalin ah waxaan dareemayaa hadana lallabo iyo madax wareer saakay ayaan pregnant test ku tijaabannay waxuu na tusinayaa in uur jiro marka sidee wax yahiin ditoore ma uur cusub baa ma kii hore oo  soo noolaaday baa see wax u jiraan awalkii hore markii dhiiga ka istaagayna waan baaray oo negative buu ahaa




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dilan ama soo dhicisid?
« Reply #1 on: January 21, 2017, 02:42:42 PM »
Waa in baarista la sameeyo ugu yaraan 4 usbuuc ka dib dilanka si loo hubiyo in dilanka soo dhamaaday iyo in kale.
Baarista ka horeysa waqtigaas laguma kalsoonaan karo oo Positive ayay sheegtaa sababtoo ah weli hormonkii uur ee loo yaqaanay "HCG" weli jirka ayuu ku jiraa.

Barista horeysay ee aad baartay suuragal ma ahan inay Negative sheegto, waxbaa qaldanaa.

Si aad u shakki baxdid waa in xaadka la saaro qalabka kumbuyuutarka "Ultrasound" si loo hubiyo in uurka soo dhamaaday iyo in kale, laakiin waxay u badan tahay inuusan uur jirin, degdegtaasne uur cusub kuma dhici karo.

Akhriso qoraal ku saabsan dilanka iyo asbaabta keento: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1083.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: