Author Topic: Su'aal: Kaarka lugaha galmada kadib?  (Read 6602 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Tawane

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Kaarka lugaha galmada kadib?
« on: December 11, 2016, 11:01:15 PM »
Assalaamu Alaikom,

Mahad Eebaa leh, kadibna dadaal wacan ninkiisaa leh.

Waxaan ahay 26 jir, 4sano xaas ah, labo reer leh, aan wali waxbo dhalin.
Xanuunada aan isku ogahay waxaa ka mid ah: Infaction-ka lafaha.
Baaritaankii iigu dambeeyey waxaa laga joogaa muddo bil kayar.

Xanuunka aan ka cabanaayo waa:
                                                "Kaarka lugaha ama Caga-gubyoodka".
Xanuunkaan waxaan isku arkey inta aan xasuusto 3sano gudahood.
Inta badan xilliga aan socod sameeyo ayaan isku arkaa xilliga oogu horeeyo ee aan nasiinyada galo iyo waliba xilliga aan galmo sameeeyo.
Xanuunkaan waan dareemaa xilliyada aan kor ku xusey, balse waxa uu iigu daranyahay xilliga aan galmada sameeyo kadib, kaar aad ufaro badan oo aan mararka qaar gaaraayo in aan wax qabow (Biyo ama Cream) marsado ma'ogiye uusan qaboobeynin.
Enclosing: Habeen iyo Maalin waa isugu key mid.
Note: Infanction-ka kaadida si'joogta ah ayaan iskaga daaweeyaa hadaan isku arko, muddo bil iyo bar ahna baaritaankii la igu sameeyey NEGATIVE ayaan ahaa.

Dheeraad: Baaritaano badan oo aan la xariiray dhakhaatiirta ku shuqulka leh shahwada wax cillad ah la iguma sheegin markii iigu dambeysay, balse waxaa igu jira tuhun ah, in Somalia sheybaaro fiican aysan oolin, dabcan hadii ay jiraan takhaatiir arrimaha shahwada khuseeya oo aad igula talin lahaydeen inaan la xariiro oo xamar jooga waan idinkaga mahadcelin lahaa..




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Kaarka lugaha galmada kadib?
« Reply #1 on: January 21, 2017, 04:49:48 PM »
Luga xanuunka ama luga hurka la dareemo markaad howl qabatid kadib sida jimicsiga, socodka, istaagnida, orodka ama galmada waxaa keeni karo waxyaabo dhowr ah oo ay muhiim tahay in la kala sooco.

Cilladda ugu caansan waa cillad lafaha sida riixa, roomaatiisamka, tayada lafaha oo liito sida kaalsiyamta ama fitamiin D-ga oo kugu yar.
Cillad neerfaha ka socoto sida in jirkaaga ku yaryihiin fitamiinnada neerfaha caawiyo, cillad loo yaqaano ciriiriyoowga xangullaha ama "Spinal cord stenosis" ama hormoonada jirka oo aan isku dheelli tirnayn kuwaasoo saamayn ku leh neerfaha jirka.
Cillad xididada lugaha sida in dhiig ku filan aysan murqaha lugaha heli karin sida dadka wadne xanuunka ama kolestaroolka qabo. inkastoo middaan sadaxaad aysan u badnayn dadka da'daada oo kale.

Waxyaabaha aan xanuunka ahayn ee keeni kara waxaa ka mid luga gororka sida istaagnida badan ama cadaadiska murqaha lugaha sida dadka xirto kabaha ciriiriga ah.

Waxaad u baahan tahay in aad dhakhtar la xiriirtid aqoon u leh kala soocidda cudurradaas si loo ogaado cillada jirto, midda kale ee aad dhahday "infekshan lafaha" ayaan qabaa, taasi sax ma ahan dad badan ayaana adeegsado eraygaas.

Midda kale infekshanka lafaha ku dhaco maahan cudur la iska wadan karo sida dadka qaarkood ay aaminsan yihiin, waa cudur halis ah oo lafaha burburiyo waxaana sababa cudurro dhif ah sida TB-da ama caabuqa jeermiska ee nabarha ka gudbo. waxaan filayaa in aad ka wadid cillada hurka lafaha "Inflammation" waana eray ka duwan "Infection", baarista aad samaysay oo lagu sheegay in aad infekshan qabtidne waxaan filayaa inay tahay dhiigga "ESR" soomaalida qaarkoodne ay u yaqaanaan "dhiigga fayska", akhriso baaritaankaan sababta loo sameeyo iyo macnaha uu ku fadhiyo iyo cudurrada uu ka tarjumayo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6001.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxaa sababa xanuun ku yimaada raga xiliga galmada?

Started by Shamso MohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 20866
Last post September 16, 2015, 02:20:23 PM
by SomaliDoc
Su'aalo: Caadada Wareersan? Galmada Badan? Xilliga Uurqaadka?

Started by CaaishaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 51572
Last post January 01, 2011, 08:43:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Kiniinka awooda galmada maxuu udhimi karaa caafimaadka?

Started by TimocadeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 36225
Last post March 31, 2017, 07:43:12 PM
by SomaliDoc
Suáal: Cudurka macaanka galmada ma layskugu gudbiyaa?

Started by Ahmed333Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 26818
Last post June 12, 2009, 12:08:53 AM
by SomaliDoc
SU'AAL: DHIBAATOOYINKA EEY KEENAAN DAAWOOYINKA GALMADA LOOGU KAALMEEYSTO?

Started by GEEDOOWBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 9
Views: 94023
Last post June 05, 2011, 06:41:43 PM
by SomaliDoc