Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Waxaan ahay xaamil bishi 9aad?

(1/1)

Ahlaam mohammed:
Doctor waxan ahay xaamil bishi 9aad ayan gali rabaa wana ilmahaygi ugu horeyey
Waxay i dhahen dhakhatirta ilmaha waa Dabo keen ama Breech 3 dhakhtar aya saa i dhahay maxay khatar ledahay maxa se igula talin lahayd?
Mahadsanid

SomaliDoc:
Markuu ilmaha madax keen yahay, foosha way ka sahlan tahay markuu dabakeen yahay, haddii aad ugub tahayne way ka dhib badan tahay markii aad dhashooy tahay.
Hadduusan ilmaha soo galin kafka, way dhacdaa in ilmaha ay isgadiyaan ama istoosiyaan waqti walba, waxaa kaloo dhici kara in aad caadi u dhashid, waxaa kaloo dhici karta in qalliin lagula taliyo, laakiin muddo bil ah ayaad haysataa ee la soco xaaladda uurkaaga. waxay talada dhakhaatiirta u badan doontaa in lagu qalo, iyadoo laga iska ilaalinayo fool dhib badan oo aad uurjiifka ku wayn karto kadibne qalliin aad ku qasbanaan kartid. Allaha kuu fududeeyo foosha, si sahlanne ha kuugu dhameeyo.

Akhriso qoraal ku saabsan qalliinka hooyada uurka leh iyo siyaabaha loo sameeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1103.0

Ahlaam mohammed:
Thank u so much Dr
JazakAllahu Khieraa ????????

Navigation

[0] Message Index

Go to full version