
Bismillah,
Rag badan ayaa isku arka cilladaas, waxaana lagu qiyaasaa boqolkiiba 50% ragga afrikaanka inay nabrahaas ama haarahaas ku samaysmaan inta garka ka soo baxo, waana sida aad tilmaantay waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Pseudofolliculitis barbae".
Maxaa keena cilladaan?Cilladaan waxay ka dhalataa markii garka lagu xiiro sakiin, sidaa darteed waxay dadka qaar u yaqaanaan "Razor bumps" ama "Shaving rash", sababtoo ah markii qofka tinta adag uu sakiin ku xiiro garkiisa, tinta waxay yeelataa af-mudac ah, kadib markay soo baxdo way qalloocataa oo isla maqaarka ayay muddaa, daloolkaas ay maqaarka ku samaynayso ayuu jirka xasaasiyad ku qaadaa waxaana ka dhasho cilladaan.
sidaa darteed waxaa cilladaan lagu arkaa kaliya dadka tinta adag oo qalqalloocan.
Astaamaha lagu garto cilladaan:Marka ugu horayso waxaa maqaarka garka ka soo yaaco furuuruc khaasatan dhinaca hoose, kadibne furuurucii way adkaadaan, wuxuuna maqaarka u ekaadaa mid godada am dulduleelo leh, kadibn nabraha markay bataan waxaa samaysma maqaar adag oo madaw sida qoloftii oo kale, wuxuuna ku egyahay inta timaha garka ay ka soo baxaan.
Sidee loo daaweeyaa?Daawada ugu waxtarka badan waa in qofka uu garka daysto ama inuu u sugo 3 illaa 4 usbuuc mar walba uu jaro kadib, waana inuusan adeegsan sakiin markuu garka xiirayo.
Way jiraan kareemyo ay dhakhaatiirta qaarkood qoraan, laakiin waa kumeel gaar waxaana loogu talagalay in nabraha ay baaba'aan, waxayna waxtarkoodu fiican yihiin markay cilladda cusub tahay, haddii aad tinta mar kale sakiin ku xiirtid, cilladii dib ayay u soo laabataa.
Way jiraan dad lagula taliyo in ay laser tinta iskaga xiiraan ama daawooyin kiimiko ah, laakiin akhriso qoraal aan hadda ka hor uga hadalnay adeegsiga qaababkaan:
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5328.0Marmarka qaar waxaa dhici karta in nabraha ay infekshan qaadaan oo ay ku dhalato bakteeriyo, waxayna nabraha yeeshaan dheecaan, waxaana xaaladaas loo yaqaanaa "Folliculitis barbae", waa in qofka markaas uu isticmaalo daawo antibiotic ah.
Haddii aan xiirista ku sii wado maxaa dhacayo?Nabrihii yaryaraa waxay isku badalaan dulduleelo mar walba marka ka sii dambayso waysii waynaadaan, kadibne waxay isku badalaan kuuskuus adag oo loo yaqaano "Keloid Scar", xaaladaas haddii ay gaarto way joogsanaysaa in tinta ka soo baxdo meelaha kuuskuuska uu daboolay, wuxuuna u baahan yahay in qofka qalliin lagu sameeyo.
Haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahan tahay ku soo gudbi qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com