Author Topic: Su'aal: Wajiga oo black skin inoqday?  (Read 43896 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Cabdi Mudalib

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
Su'aal: Wajiga oo black skin inoqday?
« on: December 13, 2016, 05:23:33 PM »
Asc bahda somalidoc aad bd umahadsan tihiin intaas kadib su'aal bn qabaa.

waxn ahay wiil dhalin yaro Age 21. wajiga khaas ahaan inta garka hareedka oo garku ka soo boxo ayaa waxan ku arky Finan badan oo madaq waliba jirka ayaa inoqonaya black skin dhakhtar aan utagay ayaa iyiri cudurka ku hayaa waa SHN  (pseudofolliculitis barbae) boomato ayu iso qoray waxba iskama garan kadibna Laser hair move ayan timaha garka kaga Jarin ayu yiri waayo meshay timihu ka soo baxaan wxa ka so baxayaa finan.
mrka warbixin iga siiya xanuunkan iyo sida loo dawayn karo mahadsanidiin wll




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Wajiga oo black skin inoqday?
« Reply #1 on: January 26, 2017, 01:30:05 PM »


Bismillah,

Rag badan ayaa isku arka cilladaas, waxaana lagu qiyaasaa boqolkiiba 50% ragga afrikaanka inay nabrahaas ama haarahaas ku samaysmaan inta garka ka soo baxo, waana sida aad tilmaantay waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Pseudofolliculitis barbae".

Maxaa keena cilladaan?
Cilladaan waxay ka dhalataa markii garka lagu xiiro sakiin, sidaa darteed waxay dadka qaar u yaqaanaan "Razor bumps" ama "Shaving rash", sababtoo ah markii qofka tinta adag uu sakiin ku xiiro garkiisa, tinta waxay yeelataa af-mudac ah, kadib markay soo baxdo way qalloocataa oo isla maqaarka ayay muddaa, daloolkaas ay maqaarka ku samaynayso ayuu jirka xasaasiyad ku qaadaa waxaana ka dhasho cilladaan.
sidaa darteed waxaa cilladaan lagu arkaa kaliya dadka tinta adag oo qalqalloocan.

Astaamaha lagu garto cilladaan:
Marka ugu horayso waxaa maqaarka garka ka soo yaaco furuuruc khaasatan dhinaca hoose, kadibne furuurucii way adkaadaan, wuxuuna maqaarka u ekaadaa mid godada am dulduleelo leh, kadibn nabraha markay bataan waxaa samaysma maqaar adag oo madaw sida qoloftii oo kale, wuxuuna ku egyahay inta timaha garka ay ka soo baxaan.

Sidee loo daaweeyaa?
Daawada ugu waxtarka badan waa in qofka uu garka daysto ama inuu u sugo 3 illaa 4 usbuuc mar walba uu jaro kadib, waana inuusan adeegsan sakiin markuu garka xiirayo.

Way jiraan kareemyo ay dhakhaatiirta qaarkood qoraan, laakiin waa kumeel gaar waxaana loogu talagalay in nabraha ay baaba'aan, waxayna waxtarkoodu fiican yihiin markay cilladda cusub tahay, haddii aad tinta mar kale sakiin ku xiirtid, cilladii dib ayay u soo laabataa.

Way jiraan dad lagula taliyo in ay laser tinta iskaga xiiraan ama daawooyin kiimiko ah, laakiin akhriso qoraal aan hadda ka hor uga hadalnay adeegsiga qaababkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5328.0

Marmarka qaar waxaa dhici karta in nabraha ay infekshan qaadaan oo ay ku dhalato bakteeriyo, waxayna nabraha yeeshaan dheecaan, waxaana xaaladaas loo yaqaanaa "Folliculitis barbae", waa in qofka markaas uu isticmaalo daawo antibiotic ah.

Haddii aan xiirista ku sii wado maxaa dhacayo?
Nabrihii yaryaraa waxay isku badalaan dulduleelo mar walba marka ka sii dambayso waysii waynaadaan, kadibne waxay isku badalaan kuuskuus adag oo loo yaqaano "Keloid Scar", xaaladaas haddii ay gaarto way joogsanaysaa in tinta ka soo baxdo meelaha kuuskuuska uu daboolay, wuxuuna u baahan yahay in qofka qalliin lagu sameeyo.

Haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahan tahay ku soo gudbi qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Caliqadar

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Ciribta ayaa i xanuuneysa
« Reply #2 on: July 09, 2019, 09:35:25 AM »
ASC Dhaqaatiir ta sharafta leh ee shaqada fiican u hayaa bukaanada walaalaha ah

waxaan i haya xanuun iga hayo ciribta lugta bidix in muda ahbaan ka xanuunsanahay salaada subax markaa u soo tooso ayey iigu daran tahay markaan socsocdana waan yara roonaanaa waxaan codsanayaa Daawo u fiican in aad ii sheegtaan Mahadsanidiin


 

Su'aal: Waxaa wajiga iiga soo baxay baro yaryar oo badan?

Started by ZazkyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8942
Last post April 23, 2013, 01:45:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena Finanka badan ee wajiga kasoo daata?

Started by Cabdiraxmaan m.ismaaciilBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9183
Last post August 26, 2015, 02:43:16 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Burada wajiga kasoo baxda ma la iska jari karaa?

Started by KhadarsamiirBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4918
Last post January 24, 2018, 07:59:41 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Wajiga waxaa iiga yaal dhinco u eg qawid?

Started by Mohamed12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6008
Last post May 07, 2015, 11:36:45 AM
by SomaliDoc
Su'aal: maxaa keena findoobka ama nabarada wajiga?

Started by AnkaraBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 11888
Last post December 02, 2009, 08:49:16 PM
by SomaliDoc