Author Topic: Dhibaatooyinka Daawashada Filimaanta Jinsiga!  (Read 40521 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Dhibaatooyinka Daawashada Filimaanta Jinsiga!
« on: December 14, 2016, 10:53:28 PM »


Bismillah,

Wax walba uu Alle reebay faa'ido ayaa ugu jirto bini'aadanka inay ka haraan ha ogaadaan ama yaysan ogaan.

Daawashada filimaanta jinsiga waa dhibaato dunida ku baahday, waxayna dhibaato wayn ku haysaa diintaada, caafimaadkaaga iyo noloshaada guud, waxayna u horseedaa duminta qoyska.

Waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa warbixinno laga soo aruuriyay cilmibaarisyo kala duwan oo sheegay in daawashada filimaanta jinsiga ay isbadallo kala duwan ku sameeyaan maskaxda bini'aadanka, dhibaatooyin badanne u horseedaan:

  • Xaaskaaga kuma qancaysid: Maskaxda bini'aadanka wuxuu alle ku abuuray xarumo u xilsaaran dareenka kacsiga iyo raaxaysiga waxaana loo yaqaanaa "Arousal Centers" hadduu qofka joogteeyo daawashada filimaanta iyo sawirrada qaawan waxay maskaxda la qabsanaysaa in daawashadaas kaliya ay dareen ku helaan, dad badan oo laga waraystay arintaan waxay sheegeen in xittaa markii ay haweenkooda la kulmayaan inay suuraystaan sawirradii iyo filimaantii ay daawadeen si ay dareen u helaan laakiin si dabiici ah aysan howsha ku gudan karin.!.
  • Dareenkii dabiiciga ayaa dhumayo: Bini'aadanka wuxuu Alle ku abuuray qaab si dabiici ah uu dareen ugu helo, waxaana caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Natural Sex Drive", daawashada filimaanta jinsiga waxay lumiyaan dareemahaas, wuxuu qofka noqonayaa inuu dareenkii si dabiici ah ku heli waayo ama kaba daran uu waxyaabo aad loola yaabo uu dareen ku helo, waxyaabahaas uu ka caadaystay daawashada filimaantaas, sida in la garaaco, la ceejiyo, la jirdilo, la kufsado iyo waxyaabo qofka bini'aadanka dabiiciga ah aan u cuntamin.
  • Fikrado qaldan oo aan jirin inuu qofka aamino: Filimaanta jinsiga waxay faafiyaan fikrado qaldan oo uu qofka u aamini karo inay dabiici tahay in sidaa la sameeyo ama sidaa la arko ama sidaa la noqdo, haddii aysan dhicinne in qofka ay wax ka qaldan yihiin, ama xaaskiisa u arko inaysan lahayn muuqaal uu dareen ku heli karo maadaama qaab iyo muuqaal gooni ah maskaxdiisa lagu beeray taas oo keeni karto in qofka ay niyad jab ku abuurto ama isku taxallujiyo waxyaaba aan jirin inuu raadiyo ama gurigiisaba ku dumiyo.
  • Jinsi aan jacayl iyo kalgacal la socon:Ilaahay wuxuu labada qof ee is qaba dhex dhigay kalgacal iyo jacayl, taasoo isu taggooda lagu xaqiijin karo waxyaabo badan oo ka qeyb qaato farxadda iyo raynraynta nolosha, laakiin daawashada filmiaanta jinsiga waxay qofka ku beertaa fikrad ah in isu-tagga dhanba uu yahay fal la samaynayo kaliya taasoo ay ka maqan tahay wixii kale ee asalka ahaa ee dareenka kalgacalka, naxariista iyo hilowga, taasoo afka english-ka lagu dhaho "Intimacy", waana arrin muhiim u ah lamaanayaasha xalaasha isku ah.
  • Mar walbo wax dheeraad ah ayaad raadinaysaa: qofka cabo khamriga ama isticmaalo maandooriyaasha kale, mar walba marka ka dambayso waa inuu kordhiyaa si uu u helo marqaankii uu heli jiray maxaayeelay qiyaastii hore uu isticmaali jiray kuma filna, daawashada filimaanta jinsiga waa la mid, taasi waxay keentay inuu qofka uu raadiyo waxyaabo aan dabiici ahayn si uu raaxo ama dareen kacsi u helo. waxayna tani u horseedaa in guryaha ku dumaan, lamaanahane ay isku fahmi waayaan, qofkane uu dabciyo aan lagu aqoon uu la soo baxo.
  • Kacsiga iyo hammi yarida: waa cilladda ugu wayn ee laga dhaxlo joogteynta daawashada filimaanta jinsiga, akhriso qoraal ku saabsan mawduucaan:http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=625.0
  • Biyo-bax degdeg ah: Waa dhibaato kale oo laga dhaxlo daawashada filimaanta jinsiga, taasoo ka timaado in qofka uu ka lumo kontaroolka xakamaynta dareenkiisa, inkastoo ay jiraan waxyaabo kale oo keena, laakiin akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2121.0
  • Caadaysiga iyo ku qancidda siigeysiga: Waa dhibaato kale oo laga dhaxlo daawashada filimaanta jinsiga, wuxuuna qofka gaarayaa heer uu gacantiisa uu kaga maarmo xaaskiisa, taasoo dhibaato wayn ku ah wada noolaanshada qoyska.
  • Dabci anaanimo: La qabsashada filimaanta jinsiga waxay qofka ku abuurtaa inuu ka fakaro kaliya naftiisa iyo siduu u raaxaysan lahaa isagoo aan ka fakarin baahida iyo dareenka lamaanihiisa, una arkin inay muhiim tahay.
  • Isbadal ku yimaado qaabka uu lamaanaha ula dhaqmo: Tan waa fikrad qaldan uu qofka ka barto filimaanta jinsiga, kuwaasoo haweenta badanaa u sawiro qaab sidii qalab la adeegsado oo kale oo aanan wax ixtiraam ama qadarin mudnayn, qofkaasoo ula dhaqmi karo lamaanihiisa ama ka codsado inay sidaa ula dhaqanto, taasoo mararka qaar diinta iyo dhaqankaba ka baxsan.
  • Hilmaan aadan horay u lahaan jirin: Filimaantaan oo la joogteeyo waxay dhaawacaan xasuusta qofka, wuxuuna qofka isku arkaa hilmaan badan iyo diirad-saaris la'aan, akhriso waxyaabaha kale ee hilmaanka keeno: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4524.0

Dhibaatadaan waa mid hadda dunida si aad ah ugu faaftay, waxayna ka soo bilaabatay wadamada reer galbeedka, waxaana meelaha qaar ka jiro xarumo lagu daaweeyo ku "walfidda daawashada filimaanta jinsiga" loona yaqaano "P0RN addiction", meelaha qaar waxaa ka furan xarumo latalin ah oo lagu badbaadinayo qoysaska uu kala fogeeyay daawashada jinsiga.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa oo intaan oo dhibaato ah looga badbaadi karaa in qofka Alle ku xirnaado, kana fogaado wixii laga reebay isagoo aan ka fiirin dhinac caafimaad kaliya. Mahadsanidiin.

Wixii faafaahin ama su'aalo ah iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Dhibaatooyinka Caafimaad Ee Khat-ka. (Khat-ka waa la dhaliilaa, lamana joojiyo!)

Started by CilmiSabcaBoard Topics in Healthcare

Replies: 0
Views: 13756
Last post December 01, 2011, 12:32:03 PM
by CilmiSabca
Dhibaatooyinka laga dhaxlo daawada oo aan sidii loogu talo galey loo qaadan

Started by JamaaluddiinBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 14199
Last post April 03, 2016, 10:41:02 PM
by Jamaaluddiin
SU'AAL: DHIBAATOOYINKA EEY KEENAAN DAAWOOYINKA GALMADA LOOGU KAALMEEYSTO?

Started by GEEDOOWBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 9
Views: 93737
Last post June 05, 2011, 06:41:43 PM
by SomaliDoc
Dhibaatooyinka Aragga (Vision Problems)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Indhaha

Replies: 0
Views: 40395
Last post April 09, 2008, 12:42:46 AM
by SomaliDoc
Dhibaatooyinka uurka (Pregnancy problems)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 14
Views: 124296
Last post August 18, 2008, 07:30:56 PM
by SomaliDoc