Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Maxa keena faraha oo khaloocma?
(1/1)
Bintu.cumar:
Asc wr wb salaan kadib waxaa iga khaloocan labada suul iyo farta dhexdaa ee lugta sulka midig ayaa aad u khaloocan hadii aan farta ku riixana wey I xanuuneysa. Faraha gacmahana waxa iga khaloocan tan dhexe tan bidix ayaana farta ku riixi karin oo I xanuuneysa. Maxa keena faraha oo khaloocma??
Mahadsanidiin
SomaliDoc:
Sida aad u tilmaantay qallooca faraha waxay astaan u tahay cudurka roomaatiisamka, afka qalaadne lagu dhaho "Rheumatoid Arthritis", waxaa astaamihiisa ka mid ah in suulasha iyo faraha dhexe uu qalloociyo sida ka muuqato sawirka hoose.
Kalagosyka farahane wuxuu u yeelaa kuuskuus haddii aad riixdo ku daqnanayo, waxaad u baahan tahay in aad la xiriirtid dhakhtar ku takhassusay cudurrada guud ama dhaqatarka cudurrada roomaatiisamka "Rheumatologist" iyagaa baaritaano dheeraad ah kuu diri doono, waxaadne u baahan doontaa daawooyin in laguu qoro si qallooca iyo xanuunka loo xakameeyo.
Bintu.cumar:
Kalagoyska garabka middig iyo lugaha iyo feerta bidix ee hoose intuba wey I damqanayan. Hadii aan hada la dhaweynin dhib miye keenness?
SomaliDoc:
Waa muhiim in la ogaado waxa kuu keenay xanuunka, hadduu yahay wax iska fudud waxaa laga yaabaa inusaan dhib kuu keenin mustaqbalka.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version