Author Topic: Su'aal: Waa maxay sleep paralysis?  (Read 55955 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abdiqalib Mohamed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waa maxay sleep paralysis?
« on: December 19, 2016, 09:05:32 PM »
Waa maxay sleep paralysis? Maxana sababa? Hadaan isku arko miyan jiranahy?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay sleep paralysis?
« Reply #1 on: February 28, 2017, 12:33:47 PM »


Bismillah,

Curyaamidda hurdada, afka qalaadne lagu yiraahdo (Sleep paralysis) waa xaalad la soo daristo dadka qaar, taasoo qofku uu dareemayo markuu ka soo kaco hurdada inta uusan safiican u galin ka hor ama markuu ka soo toosi rabo ka dib in uusan wax dhaqaaq ah uusan samayn karin, wax hadalne uusan awoodin muddo kooban, kadibne caadi uu noqonayo.

Waa cillad bulshada lagu arko laakiin dad badan aysan aqoon u lahayn laba sababood dartood: Tan 1-aad: Iyadoo badanaa cilladaan loo saariyo sixir, shaydaan, jinni am cudur dhimirka ah. Tan 2-aad: Iyadoo dadka cilladaan isku arko aysan dadka la wadaagin iyagoo aaminsan inay gaar u tahay ama aan lala fahmi doonin hadday dadka u sheegaan.

Waa cillad hurdada la xiriirto oo gaal iyo muslimba lagu arko, markuu qofka xaaladaan ku jiro wuxuu dareemayaa cabsi siyaado ah, wuxuu isku dayaa inuu niyadda ka qayliyo ama quraan akhristo laakiin ma awoodo oo carabkii ma dhaqaaqi karo, wuxuuna is dhahaa waad dhiman rabtaa ee ashahaado iyadane ma awoodo, waxayna ugu sii daran tahay markay xaaladda kugu cusub tahay.

Wuxuu kaluu dareemaa qofka in culeys ka saaran yahay feeraha oo dhulka lagu hayo ama dhuunta lagu dhagan yahay oo uu hadal soo saari karin, wuxuu kaluu qofka maqli karaa dhawaaq aan jirin sida in shanqarta qof qolka dhex socdo ama qolka banaankiisa iyo muuqaalo kaloo dhalanteed ah.

Umadihii hore waligood waxay aaminsanaayeen inay cilladaan tahay weerar shaydaan ama sixir.

Sidee ku timaadaa curyaamidda hurdada?
Qofka markuu hurdo bilaabayo illaa uu ka soo kaco wuxuu maraa heerar hurdo oo kala duwan, mid walbane way ka duwan tahay tan kale, jirkane qeyb qeyb baa Alle u seexiyaa ee hal mar wada seexdo, sidoo kale kicitaankuna waa la mid, laakiin heerarkaas waxaa u dhaxeeyo ilbiriqsiyo aan badanaa la dareemin.
Cilladaan waxay timaadaa markii maskaxda iyo jirka ay soo kala hor toosaan, qofka maskaxdiisa, aragiisa, maqalkiisa way soo jeedaan laakiin jirkii ayaa weli hurdo ku jiro oo wax dhaqaaq iyo cod ah qofka ma samayn karo.

Meeqo nuuc ayay u kala baxdaa curyaamidda hurdada?
Haddii aad isku aragtid cilladaan hurdada markay bilawga tahay waxaa loo yaqaanaa "Hypnagogic Sleep Paralysis",  haddii aad isku aragtid hurdada markaad ka soo kacaysidne waxaa loo yaqaanaa "Hypnopompic Sleep Paralysis".

Maxaa keeno curyaamidda hurdada?
Cilladaan waxaa la qiyaasaa in 10-kii qofba 4 qof ay isku arkaan xilli ka mid ah noloshooda, waxaana badanaa la arkaa xilliga dhalinyaranimada, laakiin da' kasta waa lagu arki karaa, waxaa kaloo dhacda in qoysas gooni ah badanaa lagu arko iyadoo loo malaynayo nuglaan hidde raac ah.
Curyaamidda hurdada waxaa lala xiriiriyaa waxyaabahaan soo socda:
  • Hurdo la'aantu waa sababta ugu horayso ee keento cilladaan, qofka hadduu dhafarkiisu badan yahay ama xanuun dartiis uu hurdo ku filan u helin waxaa khalkhal galo heerarka hurdada ee aan kor uga soo hadlay waxaana yimaado cilladaan. Akhriso qoraal ku saabsan caafimaad darrida dhafarka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6186.0.html
  • Hurdada oon waqti lahayn waa sababta 2-aad ee keenta cilladaan, dad badan ayaanan lahayn waqti go'an oo ay hurdaan, markay firaaqo helaan kaliya ayay jiifsadaan, tanne waxay khalal galisaa qaabka dabiiciga ah ee Alle ugu tala galay in jirka u nasto.
  • Welwelka iyo diiqada waa qodobka sadaxaad ee sababta u ah cilladaan, hadduu qofka yahay qof welwel badan ama noloshiisu diiqad u badan tahay ma helo hurdo ku filan ama mid raaxo leh.
  • Dhabarka oo loo jiifsado waa qodobka afaraad ee lala xiriiriyo cilladaan, dadka caadadu u tahay in dhabar-dhabar u jiifsadaan ayay ku badan tahay cilladaan.
  • Hurdada maalintii iyaduna waa sabab lala xiriiriyo, dadka hurdo subaxii ama galabtii iyaguna badanaa way isku arkaan cilladaan, waxaan horay uga hadalnay farqiga u dhaxeeyo hurdada habeenkii iyo maalintii iyo inaysan isku dhigmin waxtar ahaan, akhriso qoraalkaas: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5785.0
  • Cillad hurdo haddii ay jirto sida qaraw, calwasaad, hurdo-socod, jaraynta lugta iyo kuwa kalaba waxaa lala xiriiryaa cilladaan.
  • Maandooriyeyaasha sida qaadka, waxay keenaan cilladaan.
  • Daawooyinka qaarkood iyaguna waa lala xiriiriyaa cilladda curyaamidda hurdada.

Maxay dhibaato keeni kartaa curyaamidda hurdada?
Dhibaatadaan qofka kuma reebto wax caafimaad darro ah, laakiin waxay keentaa welwel badan, caajis maalintii oo idil iyo hurdada oo laga baqo iyaduu qofka uu suuraysanayo in sidii oo kale uu dareemi doono khaasatan hadduusan fikrad ka haysan cilladaan.

Sidee loo daaweeyaa curyaamidda hurdada?
Badanaa cilladaan uma baahno wax daawo ah in loo qaato, waxaa muhiim ah in laga hortago waxyaabaha sababta u ah iyo adigoo ku dadaalo waxyaabaha kugu caawin kara hurdo caafimaad leh.

Rasuulkeena suuban NNKH wuxuu na baray ducooyin la akhristo inta aan la jiifsan ka hor oo isugu jira aayado iyo adkaar, wuxuu kaluu na baray in dhinaceena midig aan u seexano, iskan ilaalino in aan dhabarka u seexano intaasba waxay ka hortagaan cillado badan oo lagu arko hurdada, mana ahan kaliya shaydaan iyo jinni.

Waxaa kaloo rasuulkeena suuban nagu booriyay in nafteena xaqeeda aan siinno, waana inay heshaa hurdo ku filan, weliba xilliga habeenkii uu Alle ugu tala galay hurdada. wuxuu kaluu  rasuulkeena suuban NNKH noo sheegay inaysan haboonayn waqtiyada qaar in aan jiifsanno sida subaxii hore iyo salaada casir ka dib oo ah xilliyada ugu badan ee la isku arko curyaamidda hurdada.

Waxaa kaloo muhiim ah in aan ka fogaano waxyaabaha doorin karo maankeena sida daroogada nuucyadeeda kala duwan.

Akhriso qoraal ku saabsan Hurdada culus: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4151.0.html
Akhriso qoraal ku saabsan Hurdo la'aanta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2045.0.html
Akhriso qoraal ku saabsan Faa'idada hurdada duhurkii: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4818.0
Akhriso qoraal ku saabsan Madax xanuunka hurdada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5558.0
Akhriso qoraal ku saabsan Kabuubyada gacanta iyo hurdada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7488.0

Haddii aad faahfaahin dheeraad ah uga baahan tahay iigu soo dir su'aashaada qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 67133
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 70297
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 63110
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 47665
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 45872
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc