Author Topic: Su'aal: Bariiska Caaga ah?  (Read 56091 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Dawiil

  • Newbie
  • *
  • Posts: 16
  • Points: +0/-0
Su'aal: Bariiska Caaga ah?
« on: December 22, 2016, 11:10:05 AM »
Dr waa maxaay Bariiska Caaga ah oo lasheego?
maxow ka sameysan yahay Bariiskaas?
maxow saameyn caafimaad leeyahay?
Sidee ayaan ku garankaraa bariiska caaga ah ?

Mahadsanid




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Bariiska Caaga ah?
« Reply #1 on: March 01, 2017, 12:42:08 PM »


Bariiskaan bugta ah waxay sheekadiisu ka bilaabatay dalka China dhowr sano ka hor.

Laakiin wuxuu ku faafay dhowr dal oo kala ah India, Indonesia, Vietnam iyo wadamo kale oo daris la ah.

Waxaa bariiskaas si qarsoodi ah lagu gayn jiray dalalkaas, inkastoo markii dambo laga bilaabay in warshado hoos taga shirkadahaas si qarsoodi ah looga furay sida dalka Vietnam.

Baaris lagu sameeyay bariiskaan bugta ah waxaa la ogaaday in laga sameeyay baradho iyo caag la isku shiiday, taasoo loo ekeysiiyay wax aan laga garanayn bariiska caadiga ah, kadibne la midabeeyay, laguna buufiyay caraftii bariiska oo kale. (Sawirka kore waa bariis caag ah).

Way adag tahay in aragti lagu garto bariiskaan laakiin markii dabka la saaro, sida bariiska saxda ah ma noqdo oo sidii caag la shiilay oo kale ayuu isku dhegdhegaa, wuuna burburaa, gacantaadane kuma dhegdhegayo, wuxuuna yeeshaa ur sida baradhada oo kale oo ka duwan tan bariiska saxda ah ee la yaqaano.

Waxaa kaloo lagu gartaa in bariiska cusub markii biyo lagu shubo uu weelka korkiisa sabbeeyo oo uusan salka weelka fadhiisan.

Markii ugu horeysay ee qaaradda afrika uu soo gaaro bariiskaan caaga ah waxay ahayd laba bil ka hor markii dalka Nigeria lagu qabtay boqolaal jawaan oo bariiskaan lagu soo qariyay, lagana keenay dalka shiinaha, taasoo walaac ku abuurtay dalal badan oo aysan ka jirin xarumo dabagala badeecadaha nuucaan ah in suuqooda la soo geliyo.

Arrintaan haddii aad dabagal ku samaysid waxaad ogaanaysaa in warbixinta bariiskaan meel walba lagu soo bandhigay, digniino badanne laga bixiyay taasoo caafimaadka halis ku ah, laakiin nasiib xumo dadkeenu wax akhriska way ku liitaan.

Waxaan ganacsatada soomaalida kaga digaynaa in bariiskaas ay il gooni ah ku hayaan, si ay uga feejignaadaan in lagu soo qiyaameeyo, bulshaduna uga badbaado bariis caag ka samaysan oo caafimaadkooda halis gelin karo.

Beeralayda soomaaliyeed hala maalgeliyo, hana la dhiirogeliyo si aan dhulkeena u tabcano, bariis nagu filanne aan u abuuranno. Mahadsanidiin.

Haddii aad warbixin dheeraad ah ka haysid bariiskaan ama aad wax ku biirin lahayd, hoos ku soo gudbi fariintaada.

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Haweenka Uurka leh ee cuna Bariiska ceydhiinka ah?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 31124
Last post October 07, 2011, 11:44:53 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Bariiska basmatiga sokorta ma kiciyaa?

Started by Fadxi2019Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3794
Last post November 24, 2018, 02:53:32 PM
by SomaliDoc