Author Topic: Su'aal: Scaphoid fractures?  (Read 2558 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Axmed Caydaruus

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Su'aal: Scaphoid fractures?
« on: December 22, 2016, 09:05:01 PM »
Asc Dr waxaan ku weydiin lahaa Scaphoid fractures dhaawaca soo gaaro qeybta Snuffbox suulka korkiisa labada gacan hadaa isku fiirisi isku mid ma ahan mid caadi waaye mida kale oo dhaawac iga eh na suulka qeybta kore god cml ay noqotay raajo aa liiga saaray caadi waaye aa lii dhahay markaasaa ku dhahay hadey caadi thy oo dhib aysan qabin maxey mida kale cml u noqon weyday oo isku mid ay u simmaan markaas caadi waaye lee ligu dhahay wey fiicnaanee anna waa isaga qancay waa fiicnaanee saa u dhahaayey mudo ayaa laga joogaa welina is badal maka haayo gacanta oo sideeda waxaana u sabab ah feer aan galay gacanta push up markaa sameeyo awood saa'id ma lahan mida kale sidaa rabaa wax ugu sameesan karaa mida dhaawaca iga soo gaaray na wax culus iyo traning markaa sameenaayo xanuunyar aan ka dareemaa ee dr arintaan mudo sidaan ah caawa waa isku sii fiirin waayey ee maxaa xal u ah oo lagu daaweyn karaa Scaphoid fractures qeybta Snuffbox
Mahadsanid :




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Scaphoid fractures?
« Reply #1 on: March 06, 2017, 04:47:28 PM »
Jabla lafta "Scaphoid" waxay ka mid tahay jababka badanaa lagu qaldamo, si loo hubiyo in tarar (crack) uu jiro ama cillad seedka ah, waxaa aad u fiican in lagu saaro MRI Scan, haddii daqnasho aad ka dareemayso meesha "Snuffbox" markaad cadaadiso waxay astaan u tahay jabka "Scaphoid". mararka qaar jabka waa lagu arki karaa raajada haddii ay tayo leedahay, jabkuna uu yahay mid raajo lagu arki karo.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: