Author Topic: Su'aal: Faararka / Fiishka Indhaha?  (Read 3724 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Cabdi Cali

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Faararka / Fiishka Indhaha?
« on: December 23, 2016, 11:45:32 PM »
asc doctor ???? ???? ???
aniga waxaan isku arkay indhaha oo fiishka iga soo gala anigoo aan daaf iheynin mar walba waxan gacanteyda ku badantahay indhaheyga si aan u soo bixiyo fiishka .  Daqiiqado ka dib waxn dareemaa in uu soo galay hadana waan bixiyaa.
maxaa keeni kara arintaas?
                ????




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Faararka / Fiishka Indhaha?
« Reply #1 on: March 10, 2017, 08:28:00 PM »
Fiishka indhaha waxaa loo yaqaanaa "Rheum", waa wax ka samaysan xab ama duuf, siigada indhaha gasho iyo unguyo dhintay, waxaa badanaa la arkaa markii hurdada laga soo kaco, waxayna ku soo aruurtaa isha dhinaceeda.

Markuu qofka soo jeedo badanaa la iskuma arko sababtoo ah isku-qab-qabashada indhaha iyo ilinta ayaa nadiifiyo, laakiin markuu qofka jiifo labadaasba lama sameeyo oo fiish ayaa la isku arkaa markii la soo tooso khaasatan caruurta.

Haddii aad isku aragtid fiish joogto ah, waxaa laga yaabaa in aad leedahay indho-qallayl ama allarjiga indhaha, taasoo keenayso in si dhakhso ah u samaysmaan fiishka.

Haddii aad isku aragtid fiish joogto ah adigoo soo jeedo waa in aad la xiriirtaa dhakhtar indhaha ku takhassusay si laguu eego.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aa: Xanuun caruurta ah Iyo Xanuun indhaha ah?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 6
Views: 23795
Last post September 06, 2011, 09:46:03 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wuxuu bilaabay inuu indhaha bilig bilig ka siiyo?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8028
Last post June 26, 2017, 10:06:28 AM
by SomaliDoc
Su?al: Seddexdii biloodba indhaha waxaa iiga soo baxaa nabar yar oo cuncun leh?

Started by Dr baddalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 15354
Last post March 17, 2011, 11:26:04 PM
by SomaliDoc
Daawada Indhaha: ma loo isticmaali karaa soo nooleynta Timaha daatay?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 11816
Last post January 02, 2013, 10:07:40 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay Indhaha oo iska ilmeynaya bilaa sabab?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16858
Last post August 26, 2011, 09:15:07 PM
by SomaliDoc