Author Topic: Eksimada Caruurta (Atopic Eczema)  (Read 13354 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Diagnostic

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 281
  • Points: +112/-0
  • Gender: Male
  • Professional Diagnosis
Eksimada Caruurta (Atopic Eczema)
« on: February 23, 2008, 11:46:49 PM »
Eksimada Maxay tahay?
Atopic eczema (oo badanaa loogu yeero eksimada carruurta ama eksima keliya) waa maqaarka oo caabuqa ama jirada kaas oo keena qalayl, guduud iyo furuuruc dusha ah badanaana cuncun leh.
Maqaarka midabka yeesha badanaa wuxuu noqdaa beerbal ama kaffee, maqaarka inuu qolfa yeeshana waxay noqotaa caadi. Wuxuu noqon karaa mid dheecaan ka soo baxa oo qolfa leh. Wuxuuna ku dhici karaa carruurta yaryar oo da’doodu tahay 2-4 bilood. Eksimadu badanaa waa ka soo ba’daa ilmaha markuu ilmuhu soo koraba.
In kastoo aan sababta la ogayn, waxaa badanaa la ogyahay inay la xiriirto xasaasiyada neefta iyo sanboorka. Waxay u badan tahay in ilmuhu yeesho eksimo haddii xubnaha kale ee qoysku ay qabaan eksimada, neef ama xumad.

Xaggee ku dhacdaa?
Eksimadu waxay ku bilaabataa dhallaanka yaryar. Waxayna badanaa ka muuqataa dhabanada ugu horrayn taas oo caabuq noqota oo qalasha.
Waxaa laga yaabaa in maqaarku guduudan yahay ama midab yeesho sida beerbal, kaffee ama cadaan. Dabadeedna waxay ku dhici kartaa wajiga iyo maqaarka dhalada.
Markuu ilmuhu sii waynaadaba waxay ka muuqataa jirka, gacmaha, kalabaxyada iyo ruugaga gadaashooda. Waxay kaloo ka muuqataa canqawga iyo suxulka.
Wajigu badanaa wuxuu baabaáa markuu ilmuhu koro, laakiin furuurucu wuxuu ka sii muuqdaa dhagaha gadaashooda iyo wareegga indhaha.

Maxaa sababa?
Sida kor lagu soo sheegay wuxuu xiriir la leeyahay xasaasiyada, laakiin xaalladaha badankood ma jiro wax la oran karo eksimada ayuu sababaa.
Dhowr shey ayaa keeni kara inuu ka sii daro:
· Iyadoo la taabto wax la dhibsanayo ama waxyaallaha qalayl keena sida saabuunta, kiimikada wax lagu dhaqo iyo shaambada
· Hawada qabow marka maqaarku qalayl noqdo
· Infakshan bakteeriyada keento oo isaga ka sii eksimada
· Welwel
· In kastoo, dad badani ka cabsi qabaan in waxyaalla cuntada ku jiraa sii hulciyaan, carruurta badankeed aad ayey u adag tahay in la muujiyo in cunta gooni ahi keento dhibaatada.

Sidee looga hortagaa laguna daaweeyaa?

Waxyaallaha laga fogaanayo:
· Salaaxida iyo xoqida maadaama cuncunka iyo furuurucuba ay kaga sii daraan
· Saabuunta, kiimikada wax lagu dhaqo iyo wixii barafuun leh maadaama ay qalajiyaan maqaarka
· Dhaqida badan ee jirka marba hadday biyuhu qalajinayaan maqaarka
· Mudda ku jirida biya kulul ayaa siyaadinaya isla markaana qalajinaya maqaarka
· Hawada oo aad u kulul ama aad u qabow
· Qaadashada dhar ku xanxantaynaya sida dharka dhogorta ka samaysan
· Qaadashada, huwashada ama dhigashada wax dhogor ka samaysan sida bustaha, kaarbitka iyo maqaarka idaha.

Waxyaallaha la samaynayo:
· Ku qubayso saliid halkii aad kaga qubaysan lahayd saabuun
· Is mari kareemka maqaarka jilciya, sida sorbolene ama kareemka aqueous cream si joogta ah, khaasatan qubayska ka dib
· Qubaysiga ka dib qalajinta jirka adoo tartiib u marinayaa shukumaanka.
· Dharka iskaga bixi qol diirimaada xilliga qaboobaha
· Xilliga kulaylaha sariirta ka dhig mid qabow
· Gasho dhar cudbi ah oo kaa waaweyn (ama cudbi/synthetic isku jira)
· Ka goo astaanta dharka ku dhegan sida magaca ama awaamiirta

Haddii jiradani (atopic eczema) ay aad u xuntahay dhakhtarku wuxuu kuu qorayaa kareemka cortisone si aad u mariso maqaarka. Guud ahaan, kareemka cortisone oo awoodiisu hoosayso ayaa la isticmaalaa marka eksimadu ay kacsan tahay markay degtona, waa la joojiyaa. Kareemka maqaarka jilciya ayaa la sii marinayaa, xataa marka maqaarku wanaagsan yahay.

Haddii infakshan ku dhaco, daawada lagula dagaalamo infakshanka ayaa laga yaabaa inay lagama maarmaan noqoto. Waxaa laga yaabaa in lagu siiyo daawada dejisa cuncunka, khaasatan haddii ay dhacayso habeenimada ayna keenayso hurda laáan.

Doorka cuntada ee daawaynta eksimadu ma cada carruurta badankeedna natiijadu waa mid aan fiicnayn. In kastoo aanay dhib keenayn in la raadiyo aragtida ku saabsan cuntada, waa inuu ahaadaa qof aqoon fiican u leh fahmida eksimada, iyo fahmida cuntada ilmuhu u baahan yahay.

Wixii macluumaad intaas ka badan halkaan ku weydii

Diagnostic


In diagnosis think of the easy first.
Martin H. Fischer


 

Su'aa: Xanuun caruurta ah Iyo Xanuun indhaha ah?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 6
Views: 23637
Last post September 06, 2011, 09:46:03 AM
by SomaliDoc
FILIN: Faaidooyinka Kala Durkinta Caruurta (Child Spacing)

Started by AdminBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 33883
Last post November 08, 2009, 04:38:03 PM
by Admin
Su'aal: Vitamin C, Haddii Caruurta aad loo siiyo, Dhibaato mise Faa'iido?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10460
Last post October 12, 2017, 02:47:38 PM
by SomaliDoc
Tilmaamtaada Ee Uurka Caafimaadka Leh, Dhalmo iyo Daryeelka Caruurta

Started by ShenamicBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 2
Views: 23569
Last post January 27, 2015, 12:58:16 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Caruurta isku kaadisa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14102
Last post August 21, 2011, 03:10:50 PM
by SomaliDoc