Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Jirka oo dhan ayaa i xanuunayo?

(1/1)

Kaltuun:
asc walaalaha khyrka badan ee pagekan noogu howlan bacda salaan 
Iam 23years old
dr waxaan ka cabanayaa jir xanuun ah in jirka dhan marba meel wax ciriq u eg igaga dhago specially miskaha adinka midig isna waa igaga dhagaa waxaasi  habeenkii saan uhurdi banku toosaa wax igu dhagan halkaa kala gowska ka hoosaysa  lafaha xanuun ban kadareema waqti qabobe ah ban ku jirna xiligas baa adimadu ixanunan xata kicidu dhib igu tahy salaada markan tukanayo oo  kaleeto  hadase waxaadba mooda jeexa bidix inuu isugu waregay wuxu marbaa ilaa xidid gacanta ah ilaa canqowga laygu dhagaa .
fadlan arintayda ika fiiri dr adoo mahadsan ilaah baa cafimaadka baxsha alxmdulilah

SomaliDoc:
Allaha ku caafiyo marka hore.

Midda kale sida laguu haayo waxaa keeni karo cudurro kala duwan, waxay noqon kartaa wax lafaha iyo murqaha la xiriiro sida lafo-beelka, roomaatisamka, kaalsiyam yarida / fitamin D yarida, waxay kaloo noqon kartaa xanuunak thryoid-ka dhacsan oo xilliyada qabowga la dareemo, waxay kaloo noqon kartaa xanuun kale oo jirka ku jiro, waxaad u baahan tahay waraysi qoto dheer iyo wiisiteyn kadibne baaris si loo ogaado xanuunka ku haayo fadlan la xiriir dhakhtar.

Kaltuun:
aad baa umahadsantahy dr

Navigation

[0] Message Index

Go to full version