Author Topic: Su'aal: Waa maxay hydrocele?  (Read 4226 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Sayid Cali Cumar

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waa maxay hydrocele?
« on: December 25, 2016, 02:57:25 PM »
Asc dre alle ajar haka siiyo shaqda fiican ee aaf umada uhaysid .hada kahor mudo sanad laga joogo ayaa xaniinta layga qabtay dactor ayaan u tagay wxuu iiga baadhay ultara sound  wuxuu i yidhi waxaa ku haya hydrocele  (yacni biyo ayaa kaaga jira) marka waa qaliin ayuu iydhi.  Doctor kale ayan u  tagay wuxuu iydhi xanuun kaas kuma haye ee waa infection  daawo ayuu ii qoray waa ku roonaaday hada ayuu igu so noqday xanuunkii dre xaniintu waa mida midig xanuunku waa ila gumerka ilaa misigta xataa qanjirka lugta waa ila xanunaya markii uu infection jiro ayuu u daran yahay mida kale wax barar ah majiaaan marka dre khayr alle haku siiye talo  ayaan kaaga baahanahay iyo sida aan tacaalo xanuunkan wabilahi tawfiq




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay hydrocele?
« Reply #1 on: March 12, 2017, 11:00:54 AM »
Hydrocele waa biyo ku aruuro xuubka xiniinyaha ku hareeraysan ee qooraha, waxay cilladaan ka timaadaan unugyada xuubka qooraha oo si xad ka bax ah u soo saaro dheecaano keenayo inay meesha ku aruuraan.

Waxyaabaha keeni kara in unugyadaas ay dheecaan siyaado ah soo saaraan waxaa ka mid ah infekshanka, markaasne waxaa loo yaqaanaa "Reactive hydrocele", caabuqa ugu badan oo keenane waxaa loo yaqaanaa "epididymo-orchitis", waxaana badanaa laga dareemaa hal xiniin.

Haddii caabuqaas lagugu arko waa in safiican lagaaga daaweeyo, sababtoo ah daawo walba waxba kama tarto, muddo ku filanne waa in la qaato, laakiin hadii qooruhu biyo galaan ama ku soo laalaabtaan waa in biyaha looga saaraa qalliin.

Fadlan la xiriir dhakhtar "Urologist", isagaa daawo kuu qori doono insha'llah.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 67761
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 70947
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 63801
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 48350
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46471
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc