Author Topic: Su'aal: Jiifka iyo furaashka ku haboon?  (Read 28494 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Diihaal Guuto

  • Newbie
  • *
  • Posts: 23
  • Points: +0/-0
Su'aal: Jiifka iyo furaashka ku haboon?
« on: December 26, 2016, 11:19:06 AM »
Asalaamu caleykum.

Joodariga aadka u jilicsan ee dabacsan iyo kan adag een kuu diismeyn midkoodeebaa caafimaad ahaan wanaagsan? wax farqi cafimaad ahi se ma u dhexeeyaan?.

Anigu waxaan isticmaalaa mid dabacsan lkn waxaan la soo tosaa bur bur iyo dhabar xanuun yar oo isleeyahay waxaa kugu kenay jodarigan dabacsan,




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Jiifka iyo furaashka ku haboon?
« Reply #1 on: March 18, 2017, 02:48:47 PM »


Bimsillah,

Joodariga ama furaashka tayada leh waa laga maarmaan si aad u heshid hurdo raaxo leh iyo caafimaad.

Siyaabo kala duwan ayaa loo sameeyaa joodariga, qaar waxaa laga sameeyaa isbuunyo kala duwan, qaar waxaa laga sameeyaa biro moollo ah, qaar waxaa laga sameeyaa cinjir, qaar waxaa laga sameeyaa dhareerka gel-ka loo yaqaano, qaar kalane waxaa laga sameeyaa biyo aam hawo.

Mid walba wuxuu leeyahay waxtar gooni ah, qaarkoodne cudurrada qaar ayaa lagu daaweeyaa ama looga hortagaa dhibaatooyin caafimaad oo hor leh.

Sidaa darteed waa muhiim in aad aqoon u leedahay joodariga aad isticmaashid nuuciisa iyo tayadiisa iyo inuu dhib leeyahay iyo in kale, waxaana qoraalkaan ku soo qaadan doonaa 4 nuuc oo jaadariyada ka mid ah oo badanaa la isticmaalo iyo mid walba faa'idada uu leeyahay.

Joodariga waxaa loogu talagalay inuu caawiyo qallooca dhabarka, garbaha, sinaha, cirbaha iyo madaxa si aysan xanuun murqaha, seedaha iyo lafaha aad uga badbaadid.

Hadduu joodarigaagu uu yahay mid adag, wuxuu cadaadis kaa saarayaa meelaha jirkaagu ka fiiqan ayahay "pressure points", wuxuna kaa lumayo qaab-muuqaaleedkii dabiiciga ahaa ee jirkaaga. hadduu jilicsan yahayne, jirkaagu wuu ku dhex dhacayaa oo qallooc ayaa ku galayo, taasina caafimaad darro ayay keentaa sida dahbar xanuun, kor-burbur iyo hurdo xumo.

Sidaa darteed waa inuu joodarigu ahaado mid aan adkayn, aadne u dabacsanayn si aad uga badbaadid xanuunada laga dhaxlo furaashyada qaarkood.

  • Joodariga Birta Leh "Innespring": waxay dadka qaar u yaqaanaan "Aaspiriin" waa joodariga leh birta moollada ah oo ku dhex jirta, wuxuu ka mid yahay joodariyada aad looga isticmaalo dunida, siyaabo kaal duwanne waa loo sameeyaa. tayada joodarigaan kuma xirna tirada biraha ku jira, culeyskiisa ama lacagta aad ka baxsatay, waxaa muhiim ah inay samaysay shirkad lagu yaqaano samaynta joodariyada nuucaan ah oo aqoon u leh, maxaayeelay kuwa la iska sameeyo waxaa dhici karta in biraha ay ka soo dhex baxaan joodariga oo ay dhaawac ku gaarsiiyaan ama in biraha isku dhex daataan. Wuxuu kaluu joodarigaan faa'ido u leeyahay dadka cayilan, markii moollada ku jirta joodariga ay adag tahay oo aysan dabacsanayn waxay u roon tahay dadka qaba dhabar xanuunka.
  • Joodariga isbuunyada nuuca "Memory Foam": waa nuuc ka mid ah joodariyada oo aad loo isticmaalo, wuxuu ka samaysan yahay dhowr isbuunyo oo la isdul-saaray, wuxuu isku qaabayn karaa miisaanka qofka iyo heer-kulka qolka aad jiiftid, culeysne ma saaro laf-dhabarta iyo sinaha, haddii lagula jiifane ma dareemaysid qofka kula jiifo inuu kacayo iyo inuu isgadinayo laakiin ceebtiisu waxay tahay hadduu jawiga maalintaas uu kululaa, habeenkii kuleel ayuu soo daynayaa, haddii maalintii qabaw ay tahayne, habeenkii qabaw siyaado ah ayaa dareemaysaa. wuxuu joodarigaan ku fiican yahay dadka ka sheegto murqo xanuunka iyo caajiska joogtada ah.
  • Joodariga cinjirka ka samaysan "Latex": waa nuuc ka mid ah joodariyada caafimaadka leh, wuxuu u dhaw yahay joodariga "memory foam" ee aan ka soo hadalnay laakiin wuxuu aad ugu roon yahay dadka dhabar xanuunka qaba oo is-gadinta dhibayso habeenkii.
  • Joodariga la buufiyo "Air": waa nuuc ka mid ah joodariyada loogu talagalay dadka laf-dhabarta jug ka gaartay oo qeybta dambo jirka dareenka ka tagay ama cudurro kael ay curyaamiyeen, wuxuu joodarigaan ka hortagaa inay sinaha iyo barida nabro ku yeeshaan dadka naafada ah maadaama muddo ay sariir saarnaanayaan oo aysan isgadin karin. joodariga waa la buufiyaa sida taayarka baabuurta oo kale.

Joodariyada afartaas nuuc loo sameeyay ayaa caafimaad ahaan jirka u roon, sababtoo ah sida an kor ku soo tilmaannay, ma ahan adeeg sida dhulka oo kale oo cadaadis saarayo jirka meelaha uu ka fiiqan yahay sidan sinaha, garbaha, jilbaha iyo qoobabka. mana hana jileec hoos u diismayo oo jirka qallooc galinayo, kadibne aad la soo toosaysid dhabar xanuun iyo murqo xanuun.

Haddii aadan heli karin nuucyada halkaan ku xusan, ku dadaal in joodarigaagu uusan ahayn mid aad u jilicsan oo markaad ka soo toostid, weli jirkaagu uu ku sawiran yahayn, muddo markaad ku jiiftidne uu dhexda god ka noqonayo, kaasi caafimaadka uma roona. waxaad kaloo iska ilaalisaa nuuca aadka u adaga oo aadan dareemaynin in aad joodari ku jiiftid iyo in kale ilaa inuu dhakhtar kuu qoro mooyee.
Nuucyada badanaa dalka la keeno waa nuuca isbuunyada, laakiin qaar badan oo ka mid ah ma lahan tayo oo maalmo ka dib, way isbadalaan. waxaana laga qaadaa dhabar xanuun iyo caajis badan.

Akhriso: DHIBAATOOYINKA LAGA DHAXLO DHAFARKA: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6186.0
Haddii aad su'aalo qabtid ama faahfaahin u baahan tahay iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Cuntada qofka macaanka qabo cuni karo ee ku haboon?

Started by QaysBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7101
Last post June 24, 2014, 01:58:40 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xiligee ugu haboon ayaa la baraa uurka?

Started by AyanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5808
Last post August 12, 2015, 01:55:38 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Sidee ugu haboon ee loo kobciyaa garaadka caruurta?

Started by Abdirahman AhmedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3205
Last post May 27, 2016, 09:02:56 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Joodariga iyo meelaha ad-adag ee jiifka ah, kee baa Caafimaad badan leh?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 6419
Last post May 20, 2012, 01:27:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Sidee ugu haboon ee loo daweeyaa Fibroids?

Started by BarwaaqoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13145
Last post July 12, 2015, 02:18:37 PM
by SomaliDoc