Author Topic: Su'aal: Faa'iida da saliid macsarta?  (Read 5216 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Ashom

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 97
  • Points: +0/-0
Su'aal: Faa'iida da saliid macsarta?
« on: December 26, 2016, 07:53:00 PM »
Sidaan horay usoo arag nay faa'iida da saliid macsarta
Oo aad u badan waxaa Ka mid ahaay
In xasaasiyada lagu daaweeyo
1:qaab kee ayaa loogu daaqeeyn karaa xasaaiyada ??
Maadaama ee saliid macsarta ee maqaarka Si sahlan ku gasho
2 : hadii LA marsho seedaha maxoojin kartaa?
Hadii "haa" tahay
 Xubinta taran Ka Maadaama ee seed tahay

Maxoojin kartaa ?
Thanks somalidoc.com




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Faa'iida da saliid macsarta?
« Reply #1 on: March 18, 2017, 03:28:10 PM »
Macsartu waa saliid leh faa'idooyin badan, waxaan uga soo hadalnay qoraal gooni ah oo aad halkaan ka akhrisan kartid: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3195.0
Markii xasaasiyadda loo isticmaalayo waxay ku xiran tahay nuuca xasaasiyadda ku hayso, waxay badanaa waxtar u leedahay nuuca dhuunta, sanka iyo xabadka, waxaana la marsadaa sanka oo waa la jiidaa ama dhuunta ayaa la marsadaa ama caruurta yaryar waa lagu uumiyaa.

Midda kale, xubinta taranka ma ahan seed kaliya oo waxay ka kooban tahay muruq, xidido iyo neerfo. saliiduna waxtar uma lahan kobcinta ama adkaynta xubinta taranka, dad badan baa aaminsan in saliidaha la mariyo xubinta ama lagu daliigo inay xoojiyaan. laakiin taasi sax ma ahan maxaayeelay kicintaanka xubinta kuma xirna seedka ee waxay ku xiran tahay qulqulka dhiigga ee ku soo aruura markuu qofka dareen galo, murqaha way ka shaqeysiiyaan xubinta, seedkane wuu xejiyaa culeyska xubinta.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Faaidada Saliid Xabad Sowdada (Benefits of Black Seed Oil)

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 118701
Last post August 16, 2020, 04:44:27 PM
by Cabdalle78
Su'aal: Finanka wajiga iyo saliid xabad sowdada?

Started by Jalani772Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6055
Last post September 17, 2017, 04:37:50 PM
by CilmiSabca
Su'aal: Saliid saytuun ma la marin karaa xubinta?

Started by شرحبيلBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13837
Last post February 05, 2019, 08:20:02 PM
by SomaliDoc
FAAIDOOYINKA CAAFIMAAD EE SALIID MACSARADA

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 7
Views: 104449
Last post April 16, 2012, 01:12:03 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Saliid Caddeyda, Faa'iido ma lee dahay?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 39455
Last post September 05, 2015, 02:58:33 PM
by SomaliDoc