Author Topic: Su'aal: Qalliin dhinaca qabsinka ayaa sameeyay?  (Read 5903 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Abukar77

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Qalliin dhinaca qabsinka ayaa sameeyay?
« on: December 28, 2016, 04:27:12 AM »
Asc dr. Salaan kadib aad ayan kaga mahad celinayaa sida wangsan oo aad noga haqabtirtay baahida cafimad .
Bishii 5aad ee sanadkan 2016 ayan qalin galay dhanka qabsinka ama bintajiido marki ley qalay kadib ayan waxa isku arkay malin shahqadeyda oo kadida so raceyso waxa u labtay dhaqtarki baritan kadib waxa oo igu yiri wax dhib ah ma jiran xitaa infakshan majiro aniga wax xanun ah ima hayo muda marki aan jogay ayan hadane isku arkay marka makeni kartaa dhibato danbo waxa ahay xasle marki ley qalay kadib xaskeyga uur ayee qaday lkn wili meysan dhalin waxa u dhiman wax yar.
marka shahwada kaadida soo racdo  anigoo cadi iska ah wax dhibaato ah maledahay? Maxaa keenay in ay soo raacdo shahwada kaadida?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Qalliin dhinaca qabsinka ayaa sameeyay?
« Reply #1 on: March 25, 2017, 07:56:59 PM »
Shahwada kaadida soo raacdo waa arrin ay isku arkaan ragga qaarkood waxay ka timaadaa qanjirka borostaatada, waxaana badanaa la isku arkaa xilliga la jiirinayo saxarada, akhriso qoraal aan ku faahfaahiyay arrintaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2631.0

Way dhacdaa mararka qaar qalliinka qabsiga ka dib, in qanjirka xoogaa barar yeesho, kadibne la isku arko shahwadaan kaadida la socoto, mana ahan wax joogto ah ama dhibaato keeni doono insha'llah.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: