Author Topic: Su'aal: Ciridka oo durka?  (Read 4236 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Shamsawarfa

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Ciridka oo durka?
« on: December 29, 2016, 10:02:10 PM »
Asalamu Caleykum Dhakhtar,

Waxaan arkay in ciridku haduu durkoo in cirird la soo jaro oo lagu tolo meesha ciridku ka yaraaday ama ciridka la soo durkiyo oo plastic la geliyo, laakiin wax dhib ah ma igu keeneysa hadhow? ama ma jira wax dabiiici ah oo lagu soo celin karo ciridka?

JazakAllah khayr dhakhtar

Shamsawarfa




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Ciridka oo durka?
« Reply #1 on: March 26, 2017, 10:41:03 AM »
Ciridka oo booskiisa ka durka waa cillad bulshada ku badan, waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Gum recession", waxyaabaha keeno waxaa ka mid ah caabuqa ciridka ku dhaca oo aan horay uga hadlanay qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1409.0

Qoysas qaar ayay cilladaan ku badan tahay, sidaa darteed waxaa la aaminsan yahay in cilladaan dhaxal noqon karto boqolkiiba 30%, waxay kaloo ku badan tahay dadka cadayga aad ugu xoqa ilkaha oo ciridka dhaawac gaarsiiyo.

Daawaynta ugu horaysa waa in jiridka ciridka la nadiifiyo, qallajiyane lagu daboolo si looga hortago in jeermiska uu dhameeyo ciridka, haddii taasi suura gali wayso, xalka ku xiga waa qalliin in lagu sameeyo iyagoo meelaha banaan lagu tallaalayo unugyo kale si meeshii banaanayd u qarsanto ama  in isla ciridka durkay qeyb ka mid ah la fiiqo oo dib loogu daboolo meesha banaan.

Badanaa wax dhib ah ma keento arintaan laakiin jaaniska in arintaan ay fashilanto way badan tahay, laakiin talooyin badan oo arintaas ka hortagi doonto ayuu dhakhtarkaaga ku siin doonaa markii la guda galo qalliinka tallaalidda.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Cuduradada ku dhaco Ciridka maxaa lagu daween karaa?

Started by Abdirashiid.osmaanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 2996
Last post May 22, 2016, 07:36:24 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ciridka ilkaha hoostiisa ayaa i xanuuno?

Started by AwliyaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4874
Last post April 26, 2019, 03:41:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ciridka ilkaha ayaa i sigto?

Started by Mr MahamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3703
Last post November 19, 2016, 06:43:39 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ilkaha qafiif iyo ciridka faqmaya?

Started by Safiya CaliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3495
Last post November 28, 2018, 08:10:36 PM
by SomaliDoc
Su'aal: 4 bilood oo ciridka i barasan?

Started by Khadar WahiibBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 7815
Last post October 24, 2012, 10:21:39 PM
by Cabdulahi