Author Topic: Yaraanta Tirada & Tayada Ugxanta Dumarka.  (Read 51817 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Yaraanta Tirada & Tayada Ugxanta Dumarka.
« on: January 04, 2018, 09:27:15 PM »


Bismillah,

Waxaan maanta ka hadlaynaa cashar muhiim u ah haweenka kaasoo ku saabsan mawduuc fikrad buuxda aan laga haysan, taasoo keenta mararka qaar inay ka faa'idaystaan qowleysatada caafimaad si ay uga beec mushtaraan daawooyinkooda iyagoona welwel iyo isku-buuq ku fura haweenka.

Haweenka wuxuu Alle ku abuuray ugxamo ku keydsan ugxan sidaha, ugxamahaas hadafkoodu waa in la bacrimiyo xilliga uurka, sidaasne ay haweentu uur ku qaaddo.

Ogow ugxan cusub ma samaysanto!:
Haweenku way ku dhashaan tiradii ugxanta ee Alle ugu talagalay, haweenku awood uma lahan inuu jirkoodu sameeyo ugxan cusub, mana jirto daawo kordhinaysa tirakoobka ugxanta ee Alle ku abuuray dumarka, waxaa lagu qiyaasaa in ugxansidaha ay ku jiraan 1 ama 2 milyan oo ugxan, wixii markaa ka dambeeyo illaa ay haweentu ka dhalmo dayso, ugxanteedu way sii yaraataa. inta ay ka qaangaarayso gabadhu, bil walba wuxuu Alle ugu talagalay inay wayso 11,000 oo ugxan, waana arrin ay haweentu ka wada siman yihiin. Markay gabadhu qaangaarto waxaa u hara qiyaas ahaan 300,000 oo ugxan.

300 illaa 400 ugxan kaliya ayuu ugxan sidaha soo dayn karaa oo bacrismi kara ama caado isku badali kara inta ay haweentu nooshahay, kullamaa da'da haweentu ay sii kororto, ugxantu way sii yaraataa, markay ugxantu dhamaato, haweentu waxay gashaa xilliga dhalmodayska inkastoo haweenku ay ku kala hormari karaan.

Tirada ugxanta ee ku keydsan ugxansidaha waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Ovarian Reserve" ama "Keydka Ugxanta", waxaana jiro baaritaanno kala duwan oo lagu ogaan karo tirada iyo tayada ugxanta maadaama ay jiraan cudurro dhowr ah oo hoos u dhigi kara tirada iyo tayada ugxanta markii laga reebo da'da sida aan hoos ku faahfaahin doonno.

Sidee ayuu ugxan-sidaha u shaqeeyaa?
Ugxansiduhu wuxuu muhiim u yahay soo saarista ama soo tuurista ugxanta si loo bacrimiyo, xaaladaas oo loo yaqaano "Ovulation", haddii ugxantaas la soo daayay ay fursad u hesho in la kulanto shahwada ragga way bacrisantaa, halkaasne uur ayaa ka dhasho, haddii ay taasi suura gali wayso, caado ayay isku badashaa.

Habdhiska taranka haweenka waxaa xakameeyo hormoonno dhowr ah oo qaarkood laga soo daayo maskaxda, qaarka kalane laga soo daayo ugxansidaha, hormoonadaas oo la isku daray waxay sameeyaan waxa loo yaqaano "meertada taranka" ama waxa loo yaqaano "reproductive cycle" maadaama ay haweentu marto marxalado taran oo kala duwan bil walba.

Meertada taranka wuxuu qaataa 24 illaa 35 maalmood, waqtigaas gudihiisa ayay ku qaangaartaa ugxanta oo ay diyaar u noqotaa in la bacrimiyo.

Illaa 5 hormoon ayaa xakameeyo meertada taranka haweenka waxaana loo kala yaqaanaa "GnRH, FSH, LH, Estrogen iyo Progesterone" sadaxda kore waxaa laga soo daayaa qanjir maskaxda ku yaallo, labada hoosane waxaa laga soo daayaa ugxansidaha laftirkiisa.

5-taas hormoon way isla shaqeeyaan, marna kuwaa kacsan, marne kuwaa hooseeya, waxayna ku xiran tahay marxalada ay haweentu kaga sugan tahay meertada taranka ee bishaas. marka hadduu khalkhal ka dhaco isu-dheelli tirka hormoonadaan waxaa dhaca in caadadu ay wareerto ama haweentu ay uur yeelan wayso, waana sababaha ugu weyn ee haweenku u raadsadaan talo dhakhtar.

Sidee loo baaraa tirada ama tayada keedka ugxanta?
4 baaritaan ayaa lagu ogaan karaa arintaas oo kala ah:
  • Hormoonka FSH: waa hormoonka u qaabilsan kobcinta ugxanta, waa baaritaan laga baaro dhiigga, haddii baaritaanka uu sheego in hormoonka uu aad u kacsan yahay oo uu dhaafay heerkii loogu tala galalay waxay tilmaan u tahay in ugxansidaha uu si daciif ah u shaqeynayo, hormoonkane sidaa u batay si uu uga shaqeysiiyo, xaaladahaan oo kale haweentu waxay u baahan tahay daawo kobciso ugxan sidaha si ugxantu diyaar ugu noqoto in la bacrimin karo. baaritaankaan shaqo kuma laha tirada ugxantaada ee tayada ugxanta ayaa looga qiyaas qaadan karaa, waana baaritaan shaybaarrada dalka ka jiro laga wada heli karo.
  • Hormoonka Estrogen: wuxuu ka mid yahay 5-tii hormoon ee shaqada ku lahaa ugxanta, wuxuu qaabilsan yahay xakameynta caafimaadka ugxanta ku jira ugxansidaha, hadduu hormoonkaan uu dhaafsiisan yahay heerkii loogu talagalay isagane wuxuu tilmaan u noqon karaa in ugxantu tiradeedu ay yaraatay ama tayadeedu ay hooseyso, laakiin maahan baaritaan lagu tirin karo keydka ugxan-sidahaaga, waana baaritaan laga heli karo shaybaarrada dalka ka jira.
  • Hormoonka AMH: Waa hormoon aanan ka tirsanayn 5-tii hormoon ee aan kor ku soo tilmaannay, waxaana magaciisa laga soo gaabiyay "Anti-Müllerian Hormone", waana baaritaanka ugu fiican ee maanta dunida ka jiro taasoo lagu qiyaasi karo tirada keydka ugxanta ee haweenka ku hartay laakiin maahan baaritaan sheybaar kasta laga helo, dalkane ma yaallo, waxaa kaloo baaritaankaan lagu ogaan karaa in haweentu ay gashay xilligii dhalmodeyska ama ay uur qaadi karto, midda kale baaritaankaan wuxuu wataa qiyaas la isla yaqaanno oo laga rabo inaysan ka yaraan ugxanta iyadoo da' walba loo fiirinayo, haddii tirada da'daada loogu tala galay ay ka yaraato inta baaritaanka uu soo sheegay waxaad u baahan kartaa in gacan lagu rimiyo ugxanta oo aadan si dabiici ah uurka u qaadi karin inuu si kale Alle idmo mooyee.
  • Kumbuyuutarka hoosta laga geliyo dumarka ee loo yaqaano "Vaginal Ultrasound": Kumbuyuutarkaan markii hoosta laga geliyo dumarka wuxuu awood u leeyahay inuu gaaro minka iyo ugxansidaha, waxaana lagu arki karaa tirada ugxanta kobcisan, taasoo qiyaas ahaan la arki 10 illaa 20 ugxan, haddii tiradu intaas ka yaraato, waxay tilmaan u noqon kartaa in tirakoobka ugxantaadu ay yar tahay ama yaraanayso khaasatan haddii aad ka cabanaysid uur-qaadis la'aan, baaritaankaan markii sidaan loo sameynayo waxaa loo yaqaano "Baaritaanka AFC", lagana soo gaabiyay "Antral Follicle Count". Ogow kumbuyuutar caloosha korkeeda lagaa saaro laguma ogaan karo tirada ugxantaada, waana arrin ay dadka badankood fahansanayn.

Yaa baaritaannadaan akhrin karo ama tala ka bixin karo?
Waa muhiim in aad la kulantaa dhakhtar ku takhassusay cudurrada haweenka si uu baaritaannadaan kuugu diro, talane kaaga siiyo, sababtoo ah baaritaannadaan xilliyada la dirayo iyo in go'aan lagu dhisi karo waxay ku xiran tahay in qofka kaa baarayo aqoon u leeyahay, laakiin waxaa dhibaato ah in baaritaannadaan uu kuu diro qof aan aqoon u lahayn, jawaabta soo baxdane aan talo haboon kaa siin karin, waana dhibka ugu badan ee haweenka qaar heysto, tusaale ahaan baaritaannada kor aan ku soo xusay markii laga reebo kan ugu hooseeyo ee "AFC" waxaa la sameeyaa xilliga caadada ay haweentu ku jirto khaasatan maalinta 3-aad, maalmaha kale haddii lagaa qaado, jawaabta warbixin badan laguma dhisi karo khaasatan haddii aad baaraysid awoodda tarankaaga "Fertility Testing".

Talada SomaliDoc:
Waxaan filayaa akhrintaan dheer kadib inaad fikrad kooban ka haysatid baaritaannada lagu baaro keydka ugxanta dumarka tiro ahaan iyo tayo ahaan labaduba, laakiin ogow inay jiraan baaritaanno kale oo lagu ogaado cilladaha keeni karo inaad uur qaadi waysid ama isku aragtid dilan joogto ah ama soo laalaabto, akhriso qoraalkaan kale oo aan kaga hadlay dilanka soo noqnoqdo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6060.0
Cilladaha kale ee ugu badan ee uur la'aanta keeno waxaa ka mid ah tubooyinka oo xirma oo iyadane nasiib xumo aan loo baarin qaabka saxda ah ee loogu tala galay, horay ayaana ugu faahfaahinnay cashar kale ee ka akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5791.0

Alle wuxuu na faray dadaal intii karaankeenna ah inaad raadinno talo iyo baaris wixii aad caafimaad ku heli kartid, laakiin isaga kaliya ayaa Awlaad bixiyo, fadlan ka digtoonow qowleysatada caafimaad oo haweenkeena u adeegsada suuq ay ka ganacsadaan iyagoo wax faa'ido ah u soo kordhinayn, fadlan la xiriir dhakhtar la hubo aqoontiisa, takhassusne u leh cilladaha aad ka cabanaysid, ha rumaynin rajooyinka been abuurka ah ee lagugu beer laxawsanayo si jeebkaaga loo baarto.

Haddii aad u baahan tahay faahfaahin dheeraad ah ama su'aalo kale aad qabtid igala soo xiriir barnaamijka dhakhtarka la sheekeyso ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
Caafimaad baan idiin rajaynayaa, Intii awlaad raadinayso Alle ha siiyo, intii xanuusanne Alle ha caafiyo.
http://www.somalidoc.com[/list]


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Dhiiga xaydku intee inleeg ayuu ka maqnaankaraa dumarka.?

Started by AbumohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 59542
Last post August 23, 2010, 06:10:06 PM
by Abumohamed
Su'aal: Waa maxay waaxa dumarka laga gubo xagga hoose?

Started by XanaanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16733
Last post April 14, 2011, 06:57:00 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxay dumarka qaar habla un u dhalaan qaarna inama?

Started by Khadar AhmedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7182
Last post February 02, 2016, 03:15:53 PM
by SomaliDoc
Su,aal: Xanuunada dumarka kaga dhaca naasaha ibtoda?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 20114
Last post May 29, 2009, 08:37:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal:Maxaa keena caadada dumarka oo aan xiligeeda ku iman?

Started by CadarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 251831
Last post July 24, 2009, 12:54:57 AM
by SomaliDoc