Author Topic: Caabuqyada Naafeeyo Uurjiifka (Muhiim)!!  (Read 47191 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Caabuqyada Naafeeyo Uurjiifka (Muhiim)!!
« on: January 04, 2017, 08:54:51 PM »


Bismillah,

Waxaan kaga hadli doonaa casharkaan cudurro la kala qaado oo haddii ay hooyada uurka leh ku dhacaan u gudbin karto uurjiifkeeda weliba xaaladaha qaar ku reebi karaan iin ama naafoobis.

Badanaa cudurradaan waxaa keena jeermiska fayraska, hooyada markuu ku dhacane wuxuu ka gudbaa mandheerta, kadibne wuxuu saameeyaa uurjiifka.

Badanaa markay xanuunadaan ku dhacaan hooyada uurka leh ma dareento wax wayn oo aan ka ahayn astaamaha hergabka ama ifilada oo kale.

Xanuunada fayraska uu keeno way badan yihiin, laakiin waxaa jira dhowr cudur oo la isku waafaqsan yahay inay halis tahay in hooyada uurka leh ku dhacaan, waana muhiim in laga ilaaliyo sababtoo ah waxay naafeeyaan uurjiifka, waxyaabaha ee keenaan waxaa ka mid ah: qalfoofista maskaxda, korriimo la'aanta maskaxda, maskax biyoolaha, Eernada qooraha, cudurka macaanka, duleelka wadnaha, indho la'aan, dhego la'aan ama naafoobis maskax ama jir ah. waxaana ka mid ah cudurradaas:

  • Fayraska unugyada barariyo ee CMV: Waa cudurka ugu badan ee uurjiifka waxyeelleeyo, waxaa la sheegaa boqolkiiba 50% hooyooyinka uurka leh in ay u nugul yihiin cudurkaan, laakiin qaar yar ayaa cudurka qaado una sii gudbiyo uurjiifkooda, astaamaha lagu arko caruurta markay dhashaan waxaa ka mid ah madax yari, beerka iyo beeryarada oo bararo iyo cudurka qallalka. aqoon u yeelo waxyaabaha kale ee qallalka keeno: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2246.0
  • Fayraska maqaarka ku dhaca ee Herpes: Badanaa cudurkaan waxay hooyada u gudbisaa cunugeeda xilliga foosha, wuxuu keenaa infekshan ku dhaca maqaarka, indhaha iyo afka wuxuuna ku sii faafaa sambabada, beerka iyo maskaxda wuxuuna sabab u noqdaa cudurka qoorgooyaha, akhriso qoraal kuu faahfaahin doonaa cudurka qoorgooyaha iyo astaamaha lagu garto: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5470.0
  • Jadeecada Jarmalka: cudurkaan waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Rubella", waana halis hadduu hooyada ku dhaco sadaxda bilood ee ugu horeeyo uurka, sababtoo ah wuxuu uurjiifka u keenaa indho la'aan, dhego la'aan, cillad wadne oo lagu dhasho, maskaxda oo yaraato, beerka iyo beeryarada oo bararto. laakiin nasiib wanaag, cudurkaan badanaa dhulka soomaalida dagto lagama yaqaano laakiin wuu ku dhici karaa hooyada haddii ay la kulanto qof qaba cudurkaan. wadamada laga yaqaano cudurkaan waa la iska tallaalaa. Akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3243.0.html
  • Cudurka uu keeno jeermiska Toxoplasma: Waxaa cudurkaan laga qaadaa saxarada mukulaalaha / yaanyuuraha ama cunista hilibka xoolaha oo aan safiican loo karkarin, badanaa markuu hooyada ku dhaco bilaha hore ee uurka, way dilantaa sidaa darteed haddii hooyada lagu arko dilan soo noqnoqdo waa in laga baaraa dhowr cudur oo uu ka mid yahay midkaan, markuu ku dhacane bilaha dambe wuxuu naafeeyaa uurjiifka wuxuuna ka dilaa unugyada maskaxda iyo xubnaha kale ee jirka, laakiin ogow uurjiif kasta sidaa uma galo, way jiraan qaar Alle uu ka badbaadiyo, cilladaha ay ku dhashaan caruurta uu ku dhacay cudurkaan waxaa ka mid ah madaxa oo aad u waynaado iyo maskaxda oo biyo galaan, indho la'aan ama naafoobis maskax. Waa cudur aqoon badan bulshadeena aysan u lahayn, baaristiisane badanaa lagama helo isbitaallada badankood, dhibkiisa ugu badan waa naafaynta uurjiifka laakiin dhib weyn uma geysto dadka difaaca jirkooda uu fiican yahay oo aysan qabin cudurrada curyaamiyo difaaca jirka sida AIDS-ka oo kale.
  • Isfiilitada: Wuxuu ka mid yahay liiska cudurrada ay muhiim tahay in hooyada uurka leh laga baaro markay soo booqato xarunta hooyada iyo dhallaanka, haddii ay hooyada qabto cudurkaan wuxuu keenaa dhicisoobis ama dilan, hadduuse ku naafoobo uurjiifka wax lagama qaban karo laakiin cudurrada kale badanaa tallaal iyo daawooyin ayaa la adeegsadaa. Aqoon u yeelo cudurkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4315.0

Waxaa jira cudurro kale oo ay ka mid yihiin Busbuska / Hablobaasta, cagaarshawga B, HIV-ga iyo caabuqyada ku dhaca marinka dhalmada, kulligood hooyada way u gudbin kartaa uurjiifkeeda, laakiin ma naafeeyaan oo cudurka ayay ku dhashaan oo daawo ayaa lagula tacaalaa.

Waa maxay ahmiyadda cudurradaan?
Way adag tahay in cudurradaan la ogaado waqti hore, mana lahan astaamo u gaar ah oo lagula dardaarmi karo hooyada inay isha ku hayso, sidaa awgeed qaabka kaliya ee lagu ogaado waa labo xaaladood:
  • Xilliga Uurka: Haddii ay hooyada isku aragto xilliga uurka qandho, furuuruc jirkeeda ka soo yaaco, kalagosyo xanuun, astaamo hergab sida sandurdur iyo caajis badan waa in ay dhakhtar la xiriirtaa si looga baaro cudurradaan, haddii aysan ku baraarugin waxaa laga yaabaa in cillado naafo lagu arko uurjiifka markii Ultrasound-ka ama kumbuyuutarka la saaro hooyada uurka leh, markaasne lagu baraarugo oo baaris lagu sameeyo hooyada.
  • Uurka Ka Dib: Haddii dhallaanka markuu dhasho lagu arko astaamo ka mid ah kuwa aan kor ku soo xusay sida cillad indhaha, madaxa, wadnaha, caloosha, maqaarka iyo astaamo kalaba waa in hooyada iyo uurjiifkaba la baaro, kadibne wixii la tacaalis ah isla markaa lagu billaabo.

Waa muhiim in hooyo walba xilliga uurka ay sameyso daryeelka dhalmada ka horeeya ama waxa loo yaqaano "Perinatal Care" si looga hortago cudurradaan, akhriso qoraal muhiim ah oo mawduucaan khuseeya: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=364.0

Akhriso: Waxyaabaha Keeno Dilanka Joogtada Ah: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6060.0
Haddii aad su'aalo qabtid ama faahfaahin u baahan tahay, fadlan iigu soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Fadumoxasan1

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: Caabuqyada Naafeeyo Uurjiifka (Muhiim)!!
« Reply #1 on: January 10, 2017, 04:24:25 PM »
Mahadsanid Dr uur bn leyhy hargab ba igu dhacay todobadkan gudihisa waxan isku arkay finan yaryar oo calosha dushoda iga so data uurkina inu iyaradan u malaynaya dhakhtarkana waxan balan sanahy bisha dambe marka Dr dhakhtarka balan kale MA LA samaysta oo dagdaga urkayguna WA.7bilod markan qoralkan akhristay Wan walwalay


 

Boogaha Cudurka Macaanka iyo ku Bogsoshada Malabka - Qoraal muhiim ah.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 53898
Last post September 13, 2015, 04:26:15 PM
by SomaliDoc
Ku jooji dhiigbaxa fudud si dabiici ah (Qoraal muhiim ah..)

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 33463
Last post May 22, 2016, 03:59:10 PM
by SomaliDoc
Galmada Xilliga Uurka (Jawaabo Muhiim Ah)

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 250134
Last post January 02, 2009, 10:04:50 PM
by SomaliDoc
Waa maxay Full Check-up? - Qoraal muhiim ah!

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 29821
Last post October 25, 2015, 02:36:40 PM
by SomaliDoc
Dhabar Xanuunka Iyo Saxuunta Lafdhabarka (Muhiim)!.

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 1
Views: 73623
Last post January 31, 2017, 04:46:40 PM
by SomaliDoc