Author Topic: Daawo Walba Waxyeello Bay Leedahay, Laakin....  (Read 14220 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Daawo Walba Waxyeello Bay Leedahay, Laakin....
« on: January 05, 2017, 08:23:24 PM »


Bismillah,

Qoraalkaan wuxuu jawaab ka bixinayaa su'aashii ahayd: ma jirtaa daawo aan lahayn waxyeello? maxayse dhakhaatiirta u dhahan daaoowyinka qaar waxyeello ma lahan?

Marka hore, ma jirto daawo la qoro oo aan lahayn waxyeello, waxyeelladaas ha yaraato ama ha badnaato.
Waxyeellada laftirkeeda ayaa loo kala qaadaa laba qeyb: mid badanaa la arko "Common side effects" sida lalabada iyo wareerka la dareemo markii daawo la qaato iyo waxyeello aan badanaa la filan oo halis u keeni karto qofka sida cudur kale oo cusub ama dhimasho.

Daawo kasta markii baaris lagu sameeyo waxay soo martaa heer loogu talagalay in lagu ogaado waxyeelladeeda iyo cabbirka ugu habboon ee laga qaadan karo iyadoo waxyeello aysan dareemin dadka badankood, fadlan akhriso qoraal ku saabsan heerarka baarista daawada ay soo marto: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6541.0

Waxaa kaloo daawooyinka halistooda loo kala qeybiyaa iyadoo la fiirinayo baahida qofkaas daawada u qabo inuu ka maarmi karo iyo in faa'idadeeda ay ka badan tahay dhibkeeda, tan waxay ku xiran tahay aqoonta dhakhtarkaas u leeyahay daawada iyo cudurkaaga.

Tusaale ahaan waxaa jira daawooyin laga ilaaliyo hooyada uurka leh oo la xaqiijiyay inay waxyeelleeyaan uurka, waxaa kaloo jira daawo uurka inay wax u dhibaan laga yaabo, waxaa kaloo jiro daawooyin aan waxne u dhimin uurka. arrimahaasi waxaa lagu ogaaday baaritaanno lagu sameeyay daawooyinkaas, warbixintoodane waa lagu soo lifaaqaa daawo walba.

Waxaa kaloo jira daawooyin aan la dareemin waxyeelladooda illaa in xad dhaaf loo isticmaalo mooyee ama daawo kale lala isticmaalo ama si qalad ah qofka loo siiyo, sidaas awgeed waa muhiim in aad u qaadatid daawada sida dhakhtarka ku faray.

Marka daawo walba oo aad farmashiga ka soo gadanaysid waxaa ku qoran waxyaabaha aad dareemi kartid ama la arkay inay keeni karto intii baarista ay socotay, laakiin taasi macnaheeda maahan in aad waxyaabahaas oo idil aad dareemi doontid haddii aad daawada u qaadatid sidii loogu talagalay, dhakhtarka kuu qorayne uu yahay mid aqoon u leh daaweynta cudurkaaga.

Sidaas awgeed maadaama daawooyinka badankood aysan waxyeello keenin haddii sida saxda loo qaato, waxay dhakhaatiirta qaarkood ku dhahaan bukaanka waxba kuma yeelayso, laakiin taasi macnaheeda maahan inuu dhakhtarka been sheegayo ama uu qarinayo waxyeellada ay keensan karto daawadaas, sababtoo ah waxaa dhici karta in bukaanka uu diido inuu daawada qaato isagoo aad ugu baahan ama uu ku wareero warbixinta dhakhtarka haddii waxyeellada ku tixan lifaaqa loo wada akhriyo, kuwaasoo ay u badan tahay inuusan isku arki doonin.

Haddii aad isku aragtid wax cusub oo aadan horay u lahayn markaad daawo qaadatid, markaas way habboon tahay in lifaaqa daawada aad ka fiirisid waxa aad dareentay ama dhakhtarkaaga aad dib ula xiriirtid.

Liiska Daawooyinka Halista Ku Ah Hooyada Uurka Leh: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1077.0
Haddii aad u baahan tahay faahfaahin intaa ka dheer, igu soo waydii qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Daawo ayuu qaatay Qamaar ayuu ku waashay!

Started by PharmacistBoard Medical Stories and Jokes

Replies: 1
Views: 11754
Last post November 02, 2007, 07:35:10 PM
by Admin
Su'aal: Shahwadayda burqo burqo ayay leedahay?

Started by Yahye1Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 45186
Last post September 18, 2019, 12:46:48 AM
by Yahye1
Daawo Filin: Baraarujinta Kaankarada Naaska (Breast Cancer Awareness)

Started by AdminBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 2
Views: 40563
Last post May 28, 2015, 10:04:42 PM
by SomaliDoc
Frankincense (Xabag): Reer galbeedka oo soomalida ka faaiday daawo cusub!

Started by AdminBoard Health News and Events

Replies: 1
Views: 18149
Last post June 24, 2011, 02:26:05 AM
by Dr.Adnan
Su'aal: Haddii Aa Si Qaldan U Isticmaalo Daawo Caafimaadkeyga Ma Saameyn Kartaa?

Started by AbuJaasumBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9700
Last post May 19, 2012, 04:31:50 PM
by SomaliDoc