Author Topic: Su'aal: Faa'ida looska?  (Read 95209 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abuuqaalid

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Faa'ida looska?
« on: January 05, 2017, 11:31:56 PM »
Asc Dr marka waa mahad santihin sidaa sharafta leeh oo aad nooga caawisaan xaga cafimadka su'aasheda waxaa waaye cunista LOOSKA maxay faaido ah ee raga u leedahay




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Faa'ida looska?
« Reply #1 on: April 08, 2017, 08:45:32 PM »

Lawska wuxuu faa'idooyin badan u leeyahay jirka bini'aadanka, waxaana halkaan idin kugu soo gudbin doonaa faa'idooyin lagu xaqiijiyay cilmibaarisyo kala duwan:

  • Wadnaha: Lawska waxaa ku jira saliida aan cufnayn taasoo faa'ido u leh wadnaha, wuxuu lawska la dagaalamaa cudurka kolesatroolka oo ah subaga fadhiisto xididada wadnaha, taas oo ka hortag u ah xanuunka wadne qabadka iyo faaliga (Stroke).
  • Macaanka: Diraasad mar dhaw la sameeyay waxaa lagu ogaaday in lawska uu yareeyo boqolkiiba 21% halista macaanka, sababtuna waxaa la sheegay inay tahay maaddo ku jirto lawska oo loo yaqaano "manganese" taasoo muhiim u ah kontaroolka sokorta jirka.
  • Dhagaxa xameetida: Cunista lawska wuxuu ka hortag u yahay dhagaxaanta ku samaysma xameetida, taasoo badanaa la burburiyo ama xameetida lala soo saaro.
  • Kansarka: Lawska waxaa ka buuxo maaddo loo yaqaano "beta-sitosterol), waxay maadadaan ka hortagtaa samaysanka burooyinka, waxayna xakamaysaa korriimadooda, diraasad lagu sameeyay dalka maraykanka waxaa lagu arkay dadka lawska cuno usbuucii laba jeer ugu yaraan inay boqolkiiba 58% uu yareeyay halista kansarka ku dhaca malawadka.
  • Xasuusta: Lawska wuxuu ka mid yahay cunnooyinka loo yaqaano "brain food" sababtoo ah waxaa ku jira fitamiinka B3, loona yaqaano "niacin" kaasoo kobciyo shaqada maskaxda, sarena u qaado xasuusta, waxaa kaloo lawska ku jira maadada loo yaqaano "resveratrol" kaasoo boqolkiiba 30% siyaadiyo qulqulka dhiigga ee maskaxda, taasoo muhiim u ah firfircoonida maskaxda.
  • Niyad jabka: Lawska waxaa ku jiro borotiin loo yaqaano "tryptophan" kaasoo ka qeyb qaato soo saarista maaddo kale oo lagu magacaabo "serotonin" oo muhiim u ah la dagaallanka niyad-jabka iyo diiqada, wuxuuna lawska u shaqeeyaa sida qaar ka mid ah daawooyinka lagula tacaalo niyad-jabka (anti-depressants).
  • Uurka: Lawska wuxuu muhiim u yahay hooyada uurka leh, maxaayeelay waxay ka helaysaa maadada "Folic acid" oo hooyooyinka lagula dardaarmo inay cunaan markay uurka leeyihiin, wuxuuna muhiim u yahay korriimada uurjiifka, sida lagu arkay dhowr diraasadood oo lagu sameeyay hooyooyinka lawska cuno, waxaa la arkay in boqolkiiba 70% ay ka badbaadaan caruur ku dhalato cillada dhabar furanka.
  • Korriimada Caruurta: Lawska wuxuu muhiim u yahay lafaha iyo murqaha caruurta korayo maadaama ay ka buuxaan borotiinno kala duwan, waana sababta loogu dardaarmo in caruurta cunno ahaan loo siiyo laws la shiiday ama laga dhigay dhiiqo.
  • Cayilka: Lawska waxuu ka mid yahay cunnooyinka lagu dhargo "high satiety food" sidaa darteed qofka joogto u cuno, badanaa dhakhso ma cayilo.
  • Maqaarka: Lawska wuxuu muhiim u yahay maqaarka, wuxuuna yareeyaa laalaabka maqaarka sababtuna waa fitamiinka C iyo E oo ka buuxo lawska, taasoo iyadane muhiim u ah qashin saarka.
  • Tinta: Lawska wuxuu xoojiyaa jiridka tinta, sidaa darteed wuxuu ka hortag u yahay daadashada tinta iyo bidaarta ragga nuuca ka dhalato cilladaha hormoonka.
  • Nafaqo: Lawska waxaa ku jiro macaadin iyo fitaamiino kala duwan oo jirka bini'aadanka faa'ido ugu jirto, qofka wuxuu ka helaa tamar badan.

Isticmaalka siyaadada ah ee lawska wuxuu dadka qaar u keenaa xanuunka gaaska, laabjeexa, dadka qaarne waxay ku yihiin Allergy taasoo halis galin karto nolosha qofka.

Haddii aad xasaasiyad ku qabtid lawska fadlan ka fogow isticmaalkiisa, haddii aad xasaasiyad ku qabtid caanaha, hilibka ama digaaga, waxay u badan tahay in aad xasaasiyad ku qabtid Lawska ee iska ilaali.

Waxaad kaloo ka fogaataa lawska duqoobay ama raagay ama muddo la kaydinayay sababtoo ah waxaa lawskaas ku dhasho jeermiska loo yaqaano "Aspergillus flavus" oo halis ku ah caafimaadka beerka.

Haddii aad su'aal caafimaad ah qabtid iigu soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Kaltuun

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 33
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Faa'ida looska?
« Reply #2 on: April 10, 2017, 12:15:24 PM »
dr hadaan ka daba tago faa idoyinka lowska waxaad sheegtay inuu cayilka ka hor tago balse waxan ku waydiinayaa  cayilka maka bi'inayaa qofka buuran haduu cuno kwrn