Author Topic: Hargab Xumaaday Iyo Qufac Kugu Qallalay.  (Read 29307 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Hargab Xumaaday Iyo Qufac Kugu Qallalay.
« on: January 12, 2017, 03:43:18 PM »


Bismillah,

Hergabka ama Durayga waxaa sababa jeermiska fayraska, waana xanuun dunida si aad ah ugu baahsan, laakiin nasiib wanaag waa cudur si dhakhso ah looga bogsado iyadoo wax daawo ah loo qaadanin, wax raad ahne reebin, maxaayeelay xanuunada fayraska keeno badankood jirka ayaa iska difaaca oo uma baahna in loo qaato daawo, mana jirto daawo aad kaga bogsanaysid hergabka, laakiin waxaa jiro daawooyin ku caawin kara jirkaaga inuu fayraska iska difaaco. akhriso qoraal faahfaahsan oo ku saabsan arrintaas: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6018.0

In aad dhakhso ka bogsatid waxay ku xiran tahay difaaca jirkaaga heerka uu gaarsiisan yahay, hadduu difaacaaga uu hooseeyo, nafaqo darro ay jirto ama aad qaadatid daawooyin kale sida qallajiyayaasha oo kale waxay hoos u dhigi karaan difaaca jirkaaga, waxaadna u nuglaan kartaa in jeermiska bakteeriyada ku dhasho hergabka, markaasne isku badalo infekshan cusub oo bakteeriyo keentay sida oofwareenta, quumanka, boronkiitada IWM.

Isbadalkaas hergabka isku badalayo caabuq bakteeriyo waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Secondary bacterial infection" ama "Superimposed infection", waxayna soomaalida tiraahdaa "Hergab Xumaaday", waxay kaloo dhahaan: daawo aan qaatay ayaa hargabka igu qallajisay.!!

Si aad uga badbaadid in hergabka kugu xumaado, ku caawi jirkaaga in difaaca sare u qaadmo, kana fogow daawo aan laguu qorin, waxaa laga yaabaa in xanuunka kugu xumaado inta aad si dhakhso ah uga bogsan lahayd, ku kalsoonow difaaca jirkaaga.

Hadduu qufacaaga yeesho xaako midabkeedu jaalle ama cagaar yahay, xabad xanuun, neefsashada oo ku dhibto  ama qandho la socoto dhaxan iyo qarqaryo oo aadan horay u lahayn, waxaad u baahan tahay in aad dhakhtar la xiriirtid si daawo lagaaga siiyo caabuqa cusub.

Fadlan daawo video-gaan oo kugu caawin doona sida dabiiciga ah ee aad ula tacaali kartid hergabka dhakhtar la'aan:


Haddii aad su'aal qabtid ama faahfaahin u baahan tahay iigu soo dir qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Birta dhiiga oo badan? Wareega dhiiga oo yar? Qufac markii aan ordo?

Started by DurdurBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15534
Last post May 19, 2011, 08:49:53 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Qufac badan iyo nabro carabka ku yaalo?

Started by SaneetiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5105
Last post August 23, 2015, 01:35:02 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan isku arkay qufac riiraxyo leh?

Started by DegmooBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4330
Last post November 28, 2017, 02:03:53 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cod xirmay ayadoo aysan jirin qufac?

Started by Osman HajiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7566
Last post November 10, 2019, 12:30:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Qufac muddo labo sano ah?

Started by NimcaanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9553
Last post March 04, 2011, 09:17:10 PM
by SomaliDoc