Author Topic: Su'aal: Buro naaska ah?  (Read 4353 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Mgargar

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Buro naaska ah?
« on: January 07, 2017, 03:30:11 PM »
asc mudanayaal ilaahay ha idin  garab ahaadee waad ku mahadsantihiin baraarujinta iyo kaalmaynta shuruud la  aanta ah ee bulshada soomaaliyeed u haysaan mudanayaal waxaa iga su aal ah xaaskayga  ayaan ilaa 7 sano  buro yar oo la dareemayo marka naaska la taabto ku taalaa dushana  way usoo baxsantahay gudahana inay kusoo jirto waad  arkaysaa  waa buro sifiican loo taaban karo lkn ma wayna  waana daawaday muuqaalka vedio ga ah ee aad soo dhigteen sidoo kale waa aqristay hal cashar oo aad ka qorteen  kansarka  naasaha  hadaba buradaasi maxay  noqon kartaa?
buro kastaa ma kansarbaa ?
buradaas iminka waxay ka dareentaa xoogaa xanuun ah lkn wax is badalah  naaska kuma keenin maxaa  talo ah ?
dhaqtar aqoon u leh xanuunkan maxaan ku ogaan karaa  maadaama oo soomaaliya dadku iska sheegtaan aqoon aanay lahayn ?
haddiise  buradaa in laga bixiyo naaskasema ku talin lahaydeen ?
mahadsanidiin ilaahay ha idin waafajiyo  markasta xaqqa iyo xusuustiisa.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Buro naaska ah?
« Reply #1 on: April 04, 2017, 03:15:53 PM »
Burooyinka ugu badan ee naaska ka soo baxo ma ahan kansar, waxaana lagu kala ogaan karaa muuqaalka iyo taabashada burada iyo iyadoo la saaro aaladda kumubyuutarka sida Mammogram, Ultrasound ama CT Scan.

Waxaan horay uga hadalnay cashar ku saabsan astaamaha lagu kala garto burooyinka naasaha ka soo baxo iyo xilliyada la isku arko ee halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2224.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waxaa igu yaallo buro "Fibroadenoma"?

Started by HabsaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12646
Last post July 05, 2017, 01:34:23 PM
by SomaliDoc
Daawo Filin: Baraarujinta Kaankarada Naaska (Breast Cancer Awareness)

Started by AdminBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 2
Views: 40545
Last post May 28, 2015, 10:04:42 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun ayaan ka dareemaa feerta bidix naaska hoostiisa?

Started by LaabtaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 11999
Last post November 21, 2011, 09:41:16 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Canug raba naaska kaliya hadane uusan ku filnayn?

Started by BalqiisahaajiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 3598
Last post December 18, 2015, 07:32:36 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Caanaha naaska dhagaha ilmaha malagu shubi karaa?

Started by BalqiisahaajiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12469
Last post February 06, 2016, 02:44:30 PM
by SomaliDoc