Author Topic: Su'aal: Nefsashada oo igu adkata markan wax cuno?  (Read 28857 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Anassom

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Nefsashada oo igu adkata markan wax cuno?
« on: December 06, 2016, 08:39:23 PM »
Asc Dr waxan ahay wiil yar oo da'disu ay tahay 17 jir culeyskeyga neh waa 80kg
Marka Dr waxan isku arkay malmahan marka an dhargo iney nefsashada igu adkata marka maxey tahay sawabta Dr ,
Mahadsanid...!!




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Nefsashada oo igu adkata markan wax cuno?
« Reply #1 on: January 10, 2017, 12:03:36 PM »


Bismillah,

Dad badan ayaa ka sheegto inuu neefsiga dhibo ama naqaskaba ku dhago markay wax cunaan, waxyaabo fudud iyo waxyaabo halis ah intaba way keenaan laakiin 6 sabab ayaa ugu muhiimsan.

  • Cunto badan oo aad si dhakhso ah ku cuntid waxay keentaa in hawo badan aad la liqdo, taasoo caloosha dibbirnayso, kadib waxay soo cadaadinaysaa muruqa kala teeda caloosha iyo feeraha, sidaas ayuuna qofka ku dareemaa culeys dhinaca neefsiga ah. cunnada waa in aayar ah u cunto, una ruugto, in kugu filanne aad ka qaadato, ka fogow dharagta siyaadada ah.
  • Xasaasiyadda cuntada: haddii cunnada aad cuntay ay ku jiraan wax aad xasaasiyad ku qabto waad dareemi kartaa in naqaska kugu dhago ama neefsiga uu dhib kugu noqdo.
  • Cillad sanbabka: haddii aad qabtid cillad dhinaca sambabada ah sida xab ku xiran hawo mareenka, haddii aad qabtid cudurka neefta/xiiqda ama oofwareenta.
  • Laabjeexa: gaaska nooca laabjeexa wato wuxuu keenaai n qofka neefta ku dhegto, wadne garaac badanne waa la dareemaa, sababtoo cunnadii iyo aashitadii ayaa dib ugu soo laabanayso jidiinka, akhriso qoraal ku saabsan cudurkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=405.0
  • Wadna garaaca khalkhalsan: waa cillad dadka qaar ay qabaan, taasoo wadnaha ka dhigayso inuu gariiro maadaama garaaca uusan saxnayn, qofka cilladaan qabo wuxuu dareemaa dhib neefsiga ah cunnada ka dib, wuxuu kaloo dareemaa wareer, feero xanuun iyo in indhaha ay madoobaanayaan oo kale.
  • Cillada welwelka: diiqada iyo welwelka waxay ka mid yihiin waxyaabaha keeno culeys xagga neefsiga ah markaad wax cuntid, qofkaan wuxuu kaloo isku arkaa cabsi, daganaansho la'aan iyo cillad argagax oo aan waqti lahayn taasoo la dareemi karo dharagta kadib.

Haddii aad cilladaada ka fahantay liiskaan iyo haddii kalaba, fadlan la xiriir dhakhtar si loo hubiyo xaaladaada, waxaa kaloo jiri kara cillad ka duwan kuwa aan kor ku soo xusay.

Ha Samaynin Waxyaabahaan Cunnada Ka Dib:

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Cuno xanuun iyo calool xanuun?

Started by Mumtaz19Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5054
Last post February 09, 2020, 12:37:41 PM
by SomaliDoc
Su'aal: kaadida oo tifiq-tifiq iga imata markan foorarsado kadib xaajada suliga?

Started by Dhool-yareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13514
Last post May 01, 2017, 09:50:00 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxan cuncun ka dareema cagaha markan inbadan taagnaado sida (tukashada)

Started by Wahiib143Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 7843
Last post November 10, 2012, 01:13:42 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Mar walba oo cunno cuno, laabjeex ayaan dareemaa?

Started by KallunBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4405
Last post May 07, 2015, 11:34:28 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena in marka wax la cuno hurdo timaado?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 40639
Last post March 04, 2016, 12:34:42 PM
by SomaliDoc