Author Topic: Su'aal: Biyahaada uur malagu qaadi karo laakiin?  (Read 4321 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Kunbil2

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Biyahaada uur malagu qaadi karo laakiin?
« on: December 07, 2016, 05:27:51 PM »
Asc

Walaal waxaan ahay Hooyo 4 caruur Ah soo Dhashay
Nin cusub Ayaan is qabnaa asiga Waxaa u joogto 2 caruur Ah 20 Sano wax ma uusan dhalin 3 naag ayuu guursaday waxne Illaaheey ma siin
Dhaqaatiirta waxeey ku dhaheen 50%
Ayaa janis heysataa biyahaada uur malagu qaadi karo laakiin xaaskaada waa lagu beeri karaa
Waana nin darawal bas Ah mudo 18 Sano
Marka Maxaa lagu daaweeyn karaa biyaha ninkeeyga  in ilaaheey Ilmo nasiiyo Ayaan rabnaa




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Biyahaada uur malagu qaadi karo laakiin?
« Reply #1 on: January 14, 2017, 03:45:27 PM »
Waxay ku xiran tahay cillada shahwada lagu arkay nooca ay tahay, laakiin haddii dhakhaatiirta ay dhaheen waa lagugu beeri karaa, waxay u badan tahay cilladaasi mid la xiriirta shahwada dhaqaaqeeda ama muuqaalkeeda, laakiin ay wax bacrimin karto.

Si faahfaahin dheeraad ah kaaga siinno cillada nooca ay tahay iyo jaaniska waxa uu noqon karo, noo soo dir sawirka jawaabta baarista shahwada ee laga qaaday.

Akhriso qoraal kuu faahfaahin doona cilladaha nooca ay noqon karaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7485.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Biyo-bax degdeg ah marka hore kadibna wuu daahaa, maxaa keeni karo?

Started by DiinowBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17580
Last post April 08, 2011, 08:37:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeni karo qof wadnaha ka xanuunsan, baaristune caadi tahay?

Started by QaysBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8206
Last post June 09, 2011, 10:50:09 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeni karo in qofka dhaqso biyaha kaga yimaadaan?

Started by BadarcuneBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13579
Last post November 21, 2011, 10:09:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Suura kal ma tahey in baaris laku ogaan karo sanadka aan jiro (age )?

Started by Gedi20Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 23654
Last post March 10, 2012, 02:47:40 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Walal waxan isku arkey kababiyow maxa keni karo?

Started by Samir YareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6168
Last post April 10, 2016, 11:08:41 PM
by SomaliDoc