Author Topic: Su'aal: Waxaan qabaa xanuunka HIV?  (Read 24019 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hamiida

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waxaan qabaa xanuunka HIV?
« on: January 08, 2017, 12:12:06 PM »
Asc waan idin salaamay Dr adiga iyo dhamaan inta ka hawk gasha pageka salaan kadib su aal Ayaan rabaa inaan Ku waydiiyo mana sahlana lkn waan kuugula soo dhiiraday maadaman xal rabo su aashaydu waxay tahay waxaan qabaa xanuunka HIV manan ogayn uur Ayaan qaaday kadib dr kaygii ayaa io sheegay ninkaygana sadex jeer ayuu iska soo baaray oo sadex blood u dhaxayso waxaana lagu dhahay negative ayaad tahay walina wuu isbaadha waanan wada noolnahah waxanu Ku wada joognaa wa jacayl lkn xidhiidhkii qosnimo malihin maadaman anigu qabo ISNA aanu qabin ilmahayguna wuu dhashay bill ayuu jiraa o wa laga waayey hada lkn baadhid ayaa u socota ilaa 6bilood intuu ka gaadhayo  markaa Dr sua aashaydu waxay tahay inaad ila talisaan rabaa maadaman xanuunka qabo ninkaygiina wada joogno aanu igagatagin daawana a an qaato virus kuna dr igu dhahay aadbuu u hooseeyaa boqolkiiba shaniyo taban buu marayaa haday jirto dad nalamida o aad aragtay noloshayda sideen Ku kaamilueelanaa maadamanu isku baahanahah caqabdna dhexdayda taalo awlaad kalena aanu rabno inaanu dhalno haduu alle nasiinayo fadlan ila tali ma jecli inu xanuunkaasi u gudbo odaygayga lkn muxuu xalku noqonayaa se raje inteeleeg ayuu caalamku kaqabaa ayaad isleedahay dawaynta xanuunkan hadii aad war u hayso mahadsanidiin




Offline Mr Mahamed

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 57
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Waxaan qabaa xanuunka HIV?
« Reply #1 on: January 11, 2017, 06:58:47 AM »
Asc walashey horta illah hakaa caafiyo xanuunkaas mida kale waxan ku leeyahay haku kolsoonaan halsheybar oo kali ah waxaad isku daydaa in aad tagto shaybaaro kale waxaad kale oo aad sameysaa in aad illah talo saarato hadad danbi kaa dhacayna alle u toobadkeen ayaan ku leeyahay

Offline Jamaaluddiin

  • Newbie
  • *
  • Posts: 20
  • Points: +0/-0
Re: Re: Su'aal: Waxaan qabaa xanuunka HIV?
« Reply #2 on: January 11, 2017, 08:52:41 AM »
Hadaan wax ku darsado suaashan jawaabteeda inta yar aan ka aqaano waa laga yaabaa inuu cudurku uusan u gudbin ninkaaga iyo cunugaba maadaama viral loadku ama xadiga viruska uu yaryahay sida laguu sheegey waayo xilliyadan danbe waxaaba soo baxay xitaa dawooyin yareeya xadiga viruska si loo yareeyo suuragalnimada isugudbinta sidaa darteeda waxaan leeyahay ilaah baa ka badbaadiyey xilli fiican ayaana lagaa ogaadey marka meesha ku joojiya xiriirka xaasnimo ilaah baana qadareye ama tijaabiya qaababka kale ee tiknoolojiyada oo ilmo lugu dhali karo iyadoon la is taaban maadaama halista ay hooyada qabto cudurkan ugu gudbin karto uur ku jirkeeda meelaha qaar lagu sheegey 50%
Sidoo kale baaritaanada qaar sida saxda ah uma soo saari karaan natiijada halagu baaro odayga baaritaanada heerka sare.
Fiiro gaar ah: Aidska keliya laguma gudbin karo isutag ama galmo

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan qabaa xanuunka HIV?
« Reply #3 on: January 11, 2017, 07:55:25 PM »


Bismillah,

Wax walba Alle qadartii ayay ku dhacaan, siyaabo kala duwan oo aan ahayn Isutagne waa lagu kala qaadaa cudurkaan, sidaa darteed sax ma ahan in qofkii laga helo cudurka HIV-ga inuu dambi galay ama macsi uu sameeyay, fadlan akhriso cashar aan uga hadlay cudurkaan sida lagu kala qaado iyo astaamaha lagu garto: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=446.0

Haddii aan u soo laabto su'aashaada, lamaanaha isla nool ee mid ka mid ahi uu qabo cudurka HIV-ga waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Serodiscordant couples", siyaabo gooni ah ayaa loola tacaalaa, talooyin ka duwan dadka kale ayaa la siiyaa oo waa xaalad gooni ah oo baahi badan la soo baxdo sida su'aalahaaga ka muuqdo.
Midda kale maadaama ay yihiin dad isla nool oo aan kala maarmin, xanuunkane ay isqaadsiin karaan, talooyin taxaddar ku dheehan ayaa la siiyaa si ay u foojignaadaan khaasatan dhinaca galmada, dhinaca uurqaadista iyo dhinaca nuujinta intaba.

Daawada HIV-ga ee maanta dunida taallo hadafkeedu waa inay hoos u dhigto tirakoobka fayraska si gudbintiisu u adkaato, astaamaha cudurkane aysan kaaga muuqan, caafimaad xumane aadan dareemin. laakiin ma jirto daawo aad kaga bogsanayso cudurkaan oo dhakhtar kuu qori karo, laakiin Alle wuu kaa qaadi karaa.

Midda kale ma jirto damaanad ah in aadan cudurka u gudbin karin xaaskaaga, haddii xitaa tirakoobka fayraska uu noqdo eber (0), way dhacdaa inuu gudbo iyadoo qalabyada lagu baaro ay sheegaan in fayraskii la arki la'yahay (undetectable).

Midda kale oo muhiimka ah, dad badani ay si qalad ah u fahansan yihiin waa in condom-ka ama cinjirka galmada aan cudurrada galmada lagu kala qaadin, laakin taasi sax ma ahan, waxay cilmibaarayaashu isku waafaqsan yihiin in cinjirka ama condom-ka uu difaac ka hortag boqolkiiba 82% illaa 98% uu kaa siin karo cudurrada lagu kala qaado galmada iyadoo ay ku xiran tahay qaabka ad u isticmaashay, laakiin weli ay jirto jaanis 2% illaa 18% in cudurka aad qaadi kartid. marka condom-ka fursadda qaadista cudurka ayuu yareeyaa ee ma ahan in cudurka aadan qaadaynin.

Galmada iyo HIV-ga
Lamaanaha sidiina oo kale ah, haddii ay isku waafaqaan inay galmo sameeyaan, waxaa shardi looga dhigaa dhowr waxyaabood oo kala ah:
  • In tirakoobka fayraskaaga (HIV Viral Load) uu eber sheego ama qalabka baarista lagu arki waayo.
  • In cinjirka galmada aad isticmaashaan kaliya hadduu tirakoobka fayraska HIV uu eber noqdo.
  • In lamaanaha cudurka qabo uu qaadanayo daawada "Antiretrovirals-ka" ee lagu yareeyo xaddiga fayraska HIV.
  • In labada lamaanaba aysan qabin cudur kale oo galmada lagu kala qaado, maxaayeelay waxaa la ogyahay in hadduu jiro cudur kale inuu fududeyn karo gudbinta iyo faafinta cudurka HIV-ga, akhriso qoraal aan uga hadlay cudurrada lagu kala qaado galmada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=245.0
  • In galmo aan la samaynin haddii midkiin uu jiran yahay, sababtoo ah difaaca jirka ayaa hoos u dhici kara, waadna u nuglaan kartaan in cudurka aad isqaadsiisaan, khaasatan cudurrada fayrasyada kale keenaan sida Hergabka iyo ifilada.

Haddii aad dareentaan shakki in dheecannadiina is gaareen ama cinjirka uu dillaaco ama siyaabo kale aad u shakkisaan khaasatan hadduu tirakoobka fayraska uu sarreeyo, waa in aad dhakhtar la xiriirtaan, si lamaanaha aan cudurka qabin loo siiyo daawada "PEP" oo loogu talagalay ka hortagga qaadista fayraska HIV, waana qasab in daawadaan la qaato 72 saac gudahood markay qofka wax gaaraan.

Uurka iyo HIV-ga
Lamaanaha isla nool ee raba inay uur qaadaan, way u sahlan tahay iyagoo aan cudurka isqaadsiin, haddii qofka cudurka qabo ay haweenta tahay way ka sahlan tahay markuu ninka qabo cudurka, sababtoo ah, shahwada ninkaaga ayaa si toos ah laguugu beeri karaa iyadoo wax galmo ah aysan dhicin, meelo badan oo dunida ah waa lagu sameeyaa, laakiin haddii ninka uu qabo cudurka waa in shahwadiisa laga dilo fayraska, laguna sameeyo waxa loo yaqaano "Sperm washing", meel kastane lagma helo daryeelkaan.
Marka haddii aad uur u baahan tahay in aad qaadid fadlan la xiriir dhakhaatiirta haweenka ee ku takhassusay bacriminta "IVF".

Dhalmada / Nuujinta iyo HIV-ga
Midda kale oo muhiimka ah, haddii aad uur qaadid, waa in uurjiifkaaga laga badbaadiyo in cudurka uusan kaa qaadin, waa in qalliin aad ku dhashaa oo aadan si dabiici ah u foolan hadduu jaaniska qaadista cudurka uu badan yahay ama in si dabiici ah u foolatid haddii dhakhatarkaagu u badiyo in jaaniska gudbinta cudurka uu hooseeyo, waana in aadan nuujin maadaama nuujinta lagu gudbin karo cudurka, xaaladaha qaar cunugaaga waxaa la siin karaa daawooyina ka hortag ah bilaha hore ee noloshiisa.

Fadlan ku dadaal joogteynta daawadaada, waana in aad yeelataan dhakhtar aqoon u leh cudurkaan oo xaaladiina la socda, maadaama aad ka taxaddaraysid in cudurka aadan u gudbin ninkaaga, isagane uu daryeelkaaga ka fakarayo iyo xaaladaada caafimaad, way jiri doonaan su'aalooyin badan oo noloshiina ka soo dhex bixi kara.

Intii cudurkaan qabto, Alle ha ka qaado, intii aan qabinne Alle haka badbaadiyo.
Haddii aad faahfaahin u baahan tahay ama su'aalo dheeraad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Kaltuun

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 33
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Waxaan qabaa xanuunka HIV?
« Reply #4 on: January 11, 2017, 11:20:10 PM »
asc wlshy inyar ban ku darsan lahaa su aashada waxaan wllo kugula talin lahaa in aad qur'aanka isasaarto 30ka jus badisid akhrintisa istiqfaarta umahad celisid markasta alle wuukaa kaxayn karaa insha alla caafimaad taama ban kuu rajynayaa ilaahay hakaa dul qaado xanuunkaas
thnks all


 

Su'aal: waxaan hada wax ka bartaa blood vessels, health & blood components?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25749
Last post January 29, 2012, 10:50:28 PM
by Dr.Adnan
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 47795
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29365
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hooyaday oo waayeel ah ayaa waxaan ku aragnay wareer aad u xoog badan?

Started by GantaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24748
Last post November 01, 2011, 10:39:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay inan biyaha ama shahwada ceshan karin?

Started by CalansideBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 35204
Last post December 18, 2015, 08:07:37 PM
by SomaliDoc