Author Topic: Su'aal: Daawooyin loo isticmaalo jir dhiska?  (Read 4649 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Gurey123

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Daawooyin loo isticmaalo jir dhiska?
« on: January 19, 2017, 05:44:37 PM »
asc aad baan idinku mahad celinayaa sida wanaagsan aad bulshada ugu adee geesaan waxaan rabaa inaa iisheegtan daawooyin loo isticmaalo jir dhiska




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Daawooyin loo isticmaalo jir dhiska?
« Reply #1 on: April 24, 2017, 02:25:49 PM »
Marka hore sababta aad Gymka u samaynaysid in la ogaado waa muhiim, dad ayaa u gala si ay miisaankooda ugu xakameeyaan, dadne waxay u galaan in ay murqo ku dhistaan. sidaa darteed in jirka oo murqo yeesho kama mid ahan farriimaha caafimaadka ee dadka lagula taliyo. Waxaa qofka lagula taliyaa inuu jimicsi joogto ah leeyahay, cuno cunno isu-dheelli tiran iyo miisaan dabiici ah.

Sababta waxay tahay jimicsiga xad dhaafka ah iyo murqaha oo la dhiso waxaa dhici karta marmarka qaar in ay caafimad darro keenaan oo ay ka mid tahay murqo xanuun, muqo dillaac, dheecaannada murqaha iyo jirka guud oo khalal galo iyo cillad kale sida cilladaha ku dhaco neerfaha.

Marmarka in jirkaaga uu kala qeybsamo ama murqqahaaga la arko ma ahan hadaf caafimaadka u dagsan.

Cunnooyinka la cuno waxay isugu jiraan cunno dufan leh, cunno tamar laga helo, cunno protein oo murqaha iyo lafaha iyo korriinka jirka ka qeyb qaadato iyo cunno kontaroosho macdana iyo dheecaannada jirka sida fitamiinnada iyo maadooyinka kalaba.

Cunnooyinkaas kala duwan meel kasta waa laga helaa laakiin waxaa muhiim ah in qofka ay u dheelliitran tahay oo uusan hal qeyb xoogga saarin.

Tusaale haddii aad bariis ama baasto kaliya cuntid adigoo qudaar ama hilib ama moos ama salad ama juice aanan ku cunin isuma dheellitirna.

Sidaas awgeed talooyinku waa cun cunno caafimaad leh oo isu dheellitiran.

Dad badan baa aaminsan in Gym aan la samayn karin daawo la'aan, taasina waa khalad dad badan laga dhaadhiciyay, horayne waan uga hadalnay daawooyinka badankood in ay dhibaato caafimaad keenaan, Akhriso qoraalkaas: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3797.0

Haddii aad rabtid daawo dabiici ah, akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7443.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Haddii Aa Si Qaldan U Isticmaalo Daawo Caafimaadkeyga Ma Saameyn Kartaa?

Started by AbuJaasumBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9712
Last post May 19, 2012, 04:31:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cream Loo isticmaalo ( ciji-libaax ) ama Baraha Madoow ee jirka?

Started by Muna1959Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4573
Last post July 05, 2016, 11:30:49 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Suunka loo isticmaalo in lays kaga baabi,iyo baruurta

Started by Muna O.HamariBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 5644
Last post June 05, 2011, 06:58:15 PM
by Muna O.Hamari
Su'aal: Maxay tahay saliida lala isticmaalo kondomka?

Started by AfricaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7278
Last post March 15, 2013, 06:23:17 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxan rabaa inaa isticmaalo subagga idaha?

Started by OskamanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5036
Last post October 14, 2016, 07:18:47 PM
by SomaliDoc