Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Wareer, Afqalayl, Dibbiro iyo Cuntada saliida oo i dhibto?

(1/1)

Abdisalamali:
Asc dhakhatiirta sharafta leh waxaan isku arkay calamadahan hoos Ku xusan.
1.daal iyo hamaansi
2- afqalayl
3-dibiro iyo daaco aniga oon  waxbaba cunin
4-cuntada saliida leh oon Ku lalaboodo
5- qandho badan
6- dhidid habeen iyo maalin
7-cagaha oo I hura
8- carabka oo I cadaaday
9- xabadka dhanka kore ee midig oo  I xanuuna
Kadib dhakhtar Ayaan  la xiriiray wuxuu igu sheegay in aan qabo xanuunka gastric iyo typhoid- anigana waswaaas badan ayaa I galay waxaan isaga shikiyay xanuuuno ka halis badan intaan la igu sheegay. Waxaana qaatay antibiotics aaad u badan wali isbadal quman mahayo- maxaa ila quman hada-calaamadahan aan  kor Ku xusay ma yihiiin sida  dhakhtarku ii sheegay

SomaliDoc:
Calaamadaha kor ku xusan waxay u badan tahay cudurka gaaska, weliba waxaa dhici karto daawooyinka qallajiyayaasha tirada badan ee aad qaadatay in ay sabab u tahay xanuunkaaga, akhriso qoraal aan kaga hadalany cudurkaan iyo talooyinka kugu haboon: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=405.0

Navigation

[0] Message Index

Go to full version