Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Jugta xididada madaxa?

(1/1)

Abdi Hasan:
Asc aad bad umahadsantihin sida wanagsan ee aad inoga jahil bixisen bahiyaha cafimad walalayal suashaydu waxa waye
Waxa I haysta xanun daran ona dhamad laheen waxa layga haya madaxa mudo  3 sano ah xaladahaygi hore way is badalen waxan isku arkay hadal yari dadka la shekesigodu wuu idhiba xasuus yari,madax xanun, dhago shanqar, Iyo gacmaha iyo luga oo aad modid in cirbad layga mudmudayo waxan utagay dhaqtar madaxa ayu iga baray waxu dhahay waxba ma qabtid marke walalayal iga jihil bixiya alle ajir badan ha idin siye

SomaliDoc:
Madax xanuunka wuxuu astaan u yahay cudurro badan, wuxuu qofka u baahan yahay waraysi dheer, wiisiteyn iyo baaris cudurrada badanaa keeno madax xanuunka oo halkaan lagu soo koobi karin, fadlan la xiriir dhakhtar ku takhassusay cudurrada guud si uu kaaga caawiyo cabashadaada, sababtoo ah haddii aad u tagtid dhakhtar takhassus u leh cilmi gooni ah sida kan madaxa ee aad sheegtay waxaa laga yaabaa inuusan ku baraarugin xanuuanda kale.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version