Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Galmada afka iyo HIV?

(1/1)

Dujama:
Dr aad baan kuu salaamayaa
Salaan kadib haddii aan suasha ugudbo waxaa weeye Haddii ninku haweenayda lasameeyo Oral sexy haweentuna qabto xanuunka HIV ga Afkeedana uu ku biyo baxa isla markaa afkeedana uu dhiig ka imaado xiliga biyo baxa uusana isticmaalin wax difaaca sida Condom ilaa halis intee le'eg buu ku qaadi karaa halista xanuunkaas
kolay waa sual dadkoo dhan anfacaysa wacyigelina kujirto

SomaliDoc:
Galmada afka waa lagu kala qaadaa cudurka HIV-ga, waxyaabaha badiyo jaaniska in cudurka laga qaado galmada afka waxaa ka mid ah hadduu qofka afka nabro ku leeyahay, xubinta ay nabar leedahay, ciridka uu dhiigayo ama qofka horay u qabay cudur kale oo galmada lagu kala qaado.

Aqoon u yeelo cudurka HIV-ga iyo siyaabaha loo kala qaado, akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=446.0

Navigation

[0] Message Index

Go to full version