Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Nabro Yaryar Oo Ku Yaala kala goysyada jidhka?
(1/1)
CilmiSabca:
ASC dhamaantiin. Salaan ka dib.
Dhakhtar, Inan yar (oo 12 jir ah) oo aan dhalay ayaa waxaa in muddo ah haya furuuruc yaryar oo qalalan oo leh xanuun cuncun badan, mar walbana waxaan arkaa iyada oo xoq xoqeysa. Wuxuuna u badan yahay laabatooyinka gacmaha iyo lugaha.
Waxaan u keenay saliid Macsaro iyo Xabatu sowda, waxaana is lahaa si dabiici ah u daawee, balse saliidaha waxay ka yareeyaan cuncunka kaliya, nabruhuna wey joogaan.
Marka Dhakhtar, waxaan u baah nahay in aan ogaado nooca xanuunkani uu yahay. Mahadsanid.
SomaliDoc:
Xanuunada nabraha ama furuuruca leh waxaa lagu gartaa aragti, waxaa haboon in aad dhakhtar maqaar u gaysid si loo garto cilladaas.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version