Author Topic: Xanuun-baabi'yeyaal (Pain Killers)  (Read 20234 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Pharmacist

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 231
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Real Pharmacist
Xanuun-baabi'yeyaal (Pain Killers)
« on: March 06, 2008, 10:31:59 PM »

Daawooyinka xanuun-baabi'iyeyaasha (analgesic) waxa loo kala qaadi karaa saddex qaybood:
# obiyoodh (opioids),
# obiyoodh ma ahe (on-opioids), iyo
# xanuun-baabi'iyeyaasha isku-darka ah (combined analgesics).

Obiyoodhka (opioids)
Xanuun-baabi'iyeyaasha obiyoodh ah (opioids analgesics) waxa kale oo loo yaqaanaa xanuun-baabi'iyeyaasha naarkootiga ah (narcotic analgesics). Waxa loo isticmaalaa in laga nafiso xanuunka daran waxana badanaa loo qoraa bukaanka ka bogsanaya qalitaanada iyo
dhaawaca culus. Xanuun-baabi'iyeyaasha obiyoodhka ah (opioid analgesics) waxa ka mid ah:
# Codeine,
# Fentanyl,
# Meperidine,
# Methadone,
# Morphine,
# Pentazocine, iyo
# Tramadol.

Obiyoodh-ma-ahe (non-opioids)
obiyoodh-ma-aheyaasha waxa kale oo loo yaqaanaa naakootig-ma-aheyaal (non-narcotic drugs). Waxa badanaa loo isticmaala in lagaga nafiso xanuunka khafiifka ah ee ka yimaada madax-xanuunka, xanuunka muruqa iyo laabatooyinka iyo xanuunka caadada.

Xanuunbaabi'iyeyaal badan oo ah obiyoodh-ma-ahe ayaa farmasiiyada iyo dukaanada laga iibsan karaa iyadoo aan warqad dhakhtar la haysan. Obiyoodh-ma-aheyaasha (non-opioids) waxa ka mid ah:
# Etodolac,
# Fenoprofen,
# Ketoprofen,
# Ketorolac,
# Mefenamic acid,
# Paracetamol, iyo
# Piroxicam.

Qaar ka mid ah obiyoodh-ma-aheyaasha (non-opioids) ayaa waxa kale oo ay leeyihiin faa'iido ah yareyn barar, waxana kuwaa loo yaqaanaa daawooyinka lidka-bararka ee aan ahayn istariyoodh (non-steroidal anti-inflammatory drugs) (NSAIDS), waxa kuwaa ku jira:
# Aspirin (NSAID),
# Diclofenac (NSAID),
# Ibuprofen (NSAID),
# Indomethacin (NSAID), iyo
# Naproxen (NSAID).

Xanuun-baabi'iyeyaasha isku-darka ah (combined analgesics)
Xanuun-baabi'iyeyaasha qaarkood waxay ka sameysan yihiin daawooyinka obiyoodh-maaheyaasha ee khafiifka ah sida asbiriinka ama baaraasitimoolka (paracetamol) oo lagu daray qadar yar oo ah obiyoodh (opioid) gudaha hal kiniin. Xanuun-baabi'iyeyaashaa iskudarka
ah waxa badanaa loo qoraa dadka si ku filan aan uga faa'iideysan obiyoodh-maaheyaasha (non-opioids) kaligood.
Dadka uu ku dhaco dhafoor-xanuunku (migraines) waxay isticmaali karaan xanuun-baabi'iyeyaashaa isku-darka ah.

Xanuun-baabi'iyeyaasha isku-darka ah waxa ka mid ah:
# Asbiriin uu ku jiro codeine,
# Dextropropoxyphene uu ku jiro paracetamol,
# Dihydrocodeine uu ku jiro paracetamol,
# Paracetamol uu ku jiro codeine.

Sidee bay u shaqeysaa
Xanuun-baabi'iyeyaasha kala duwani waxay u shaqeeyaan siyaabo kala duwan. Qaarkood waxay shaqeeyaan iyaga oo yareynaya xanuunka ka jira goobta dhaawaca (NSAIDS), halka qaar kale ay dhambaalada xanuunka ee ka tagaya cirifyada dareemeyaasha ay ka
horjoogsadaan inay u gudbaan maskaxda. Si buuxda looma fahamsana sida dhamaan xanuun-baabi'iyeyaashu u shaqeeyaan.

Xanuun-baabi'iyeyaasha waxa badanaa loo isticmaalaa qaab ah kiniin ama kaabsal, laakiin waxa kale oo la heli karaa iyagoo ah cabbitaan ama hoore (syrup), dabo-galis ama subooso (waa daawooyin la galiyo malawadka ka dibna ay nuugaan xididada dhiigga ee gidaarka malawadku), waxa kale oo jira mudis (injection).

La soco qeybaha xiga.


Pharmacist is highly-trained and skilled healthcare professional who perform various roles to ensure optimal health outcomes for his patients.


Offline Pharmacist

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 231
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Real Pharmacist
Xanuun-baabi'yeyaal (Pain Killers) - Part II
« Reply #1 on: March 10, 2008, 05:04:40 PM »
Faa'iidooyinka
Xanuun-baabi'iyeyaashu waa hab dhakhso ah oo waxtar leh oo wax looga qabto xanuunka khafiifka ah ilaa ka daran. Xanuun-baabi'iyeyaashu waxay qaataan 30 ilaa 60 daqiiqadood inay shaqeeyaan haddii loo qaato qaab kiniin, inkastoo xanuun-baabi'iyeyaasha qofka lagu duro ama faleebo ahaan loo siiyo intaa wax badan ka hawlgal badan yihiin.

Qadar-qaadasho
Qadarka qaadashadu waxa uu ku xirnaan doonaa nooca xanuun-baabi'iyaha la isticmaalay, iyo xaaladda loo isticmaalayo. Raac fariimaha qaadashada ee ku yaalla baakada ama warka la socda daawada iyada oo Dhakhtarkaaga Guud (GP) si kale kuu sheego mooyaane.

Maxa loo isticmaalaa?
Xanuun-baabi'iyeyaasha waxa caadi ahaan loo isticmaalaa ka-nafisaadda xanuunka.
Waxay daweeyaan calaamadaha xaaladda balse ma daaweeyaan xaaladda lafteeda. Daawooyinka xanuun-baabi'iyeyaasha qaarkood waxay leeyihiin faa'iidooyin ama saameyn kale. Tusaale ahaan, asbiriinka waxa loo isticmaali karaa yareynta bararka waxa kale oo loo isticmaalaa yareynta halista sameysanka xinjiraha dhiigga. Waxa kale oo baaraasitimool (paracetomol) loo isticmaalaa yareynta qandhada ama kulka sareeya.

Yaa isticmaali kara?
Waxa marwalba ugu fiican in la ogaado dhibaatada ka hor intaan la daaweyn calaamadaha.
Marka si kale loo macneeyo, xanuun-baabi'iyeyaahsa oo la qaato kaligood waxa laga yaabaa in lagaga nafiso xanuunka laakiin waxa kale oo ay taasi qarin kartaa xanuunka waxana ay dhibaatada ka dhigi kartaa mid sii daran.

Booqo Dhakhtarkaaga Guud (GP)haddii aad isku aragtid xanuun mudo dheer jira, ama haddii xanuunku aan kaaga tagin xanuun-baabi'iyeyaasha obiyoodh-ma-aheyaasha ah (non-opioid analgesics).

Waa inaan la isticmaalin daawooyinka qaarkood haddii aad uur leedahay ama naasnuujisid.
Inkastoo xanuun-baabi'iyeyaasha qaarkood laga soo qaadi karo inay amaan u yihiin dumarka uurka leh ama naaska nuujiya, haddii aad uur leedahay waxa marwalba ugu fiican inaad la tashatid Dhakhtarkaaga Guud (GP) ama umulisadaada ka hor intaanad qaadan wax daawooyin ah.

Caruurta 16 ka yar waa inaanay qaadan asbiriinka sababta oo ah waxay kordhin kartaa ciladda Reye (Reye's syndrome), oo ah xaalad saameysa maskaxda iyo beerka.
Waa inaad la tashato Dhakhtarkaaga Guud (GP) ka hor intaanad qaadan xanuunbaabi'iyeyaal haddii aad hore u qaadanaysay noocyo kale oo daawooyin ah. Xiitaa obiyoodh-ma-aheyaasa (non-opioids) sida baaraasitimool (paracetamol) waxay keeni karaan dhibaatooyin caafimaad oo culus marka qadaro waaweyn laga qaato, sidaa daraadeed waxa ugu fiican inaad u hubsatid in daawooyinkaaga imminka aanay ku jirin xanuun-baabi'iyeyaal, ama waxyaabo si ba'an ula falgali kara xanuun-baabi'iyeyaasha.

Obiyoodhku (pioids) waxay kugu ridi karaan hurdo-hurdo waxana la rabaa inaanad la qaadan daawooyinka kale ee leh saameyn la mid ah.

Waa inaad la tashato Dhakhtarkaaga Guud (GP) ka hor intaanad qaadan xanuun-baabi'iyeyaasha (la iska iibsankaro warqad dhakhtar la'aan) haddii aad qabtid, ama qabi jirtay, mid ka mid ah xaaladahan soo socda:
# dhibaatooyin ah beerka, kalyaha ama qanjirka xaniinyaha (prostate),
# neef ama asma,
# barankiito,
# dhibaatooyin wadne ama wareeg dhiig,
# boogo,
# guluukooma (glaucoma), iyo
# qalal.

La Soco Qeybaha Xiga
Pharmacist is highly-trained and skilled healthcare professional who perform various roles to ensure optimal health outcomes for his patients.

Offline Pharmacist

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 231
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Real Pharmacist
Re: Xanuun-baabi'yeyaal (Pain Killers) - Part III
« Reply #2 on: March 18, 2008, 05:53:35 PM »
Waxyeellooyinka
Waxa fiican in asbiriinka iyo daawooyinka kale ee ah NSAID la qaato ka dib cunto sababta oo ah waxay xajiimeyn karaan caloosha waxana marka ay dhacaan xaalado darani keeni karaan dheefsheedid la'aan, boogo ama dhiig-bax.
Dhagaha oo aad ka maqashid sanqar garaac ah waxay kuu tilmaami kartaa inaad asbiriin aad u badan qaadatay. Haddii aad isku aragtid dhib neefsashada ah, xiiq ama neef qabasho, ama finan ku aad yeellatid qayb ka mid ah jirkaaga, jooji daawada una tag Dhakhtarkaaga Guud (GP) kaasoo kaala talin doona daawo xanuun oo beddelaad ah.

Baaraasitimool (paracetomal) waa xanuun-baabi'iye khafiif ah marka kuwa kale la barbardhig, oo lagu og yahay waxyeellooyin aad u yar. Hase yeeshee, haddii qadaro waaweyn laga qaato, baaraasitimool (paracetamol) waxa uu keeni karaa waxyeellooyin culus oo uu ku jiro dhaawac ama hawlgab ku dhaca beerka.

Xanuun-baabi'iyeyaasha ah obiyoodh (opioid analgesics) waxay keeni karaan calool-adayg, lallabo ama matag iyo hurdo-hurdo. Caadi ahaan waxa obiyoodhyada (opioids) loo qoraa isticmaal mudo gaaban. Xoogaa marag-kac ah ayaa tilmaamaya in isticmaalka mudada
dheeri u kordhin karo halista walfid ama qabatin sababta oo ah xanuun-baabi'iyeyaasha obiyoodhka ahi (opioid analgesics) waxay isticmaalayaasha siiyaan dareen ah farxad.

Pharmacist
http://somalidoc.com
Pharmacist is highly-trained and skilled healthcare professional who perform various roles to ensure optimal health outcomes for his patients.


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33239
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32276
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 23470
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 41595
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?

Started by GaadhhayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29396
Last post December 23, 2010, 07:28:23 PM
by SomaliDoc