Author Topic: Aafada Idlaysa Dadka Sinaysta (AIDS)  (Read 23725 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Dr.Hamsa

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Aafada Idlaysa Dadka Sinaysta (AIDS)
« on: March 06, 2008, 10:39:11 PM »
akhriste qormadeenan manta waxaynu kaga hadli doona cudurka dilaaga ah ee AIDS "Auto immune deficiency syndrome ",inaga oo dhinacyo badan ka eegi doona ,xaga caafimadka , dhaqaalaha , bulshada iyo hadi ay noqotaba dhinaca diinta ,hadaba akhriste maxaad ka taqaana cudurkan? Ma u haysataa inu ku dhaco dadka gaalada ah oo kaliya sida ay dadbadani oo somaliyi qabaan? Ma u aragtaa inu yahay aafada qarniga 21aaad?..ma u haysata inu kugu dhici karo adiga oo aan wax xun samayn sida ay dadbadani aaminsan yihin ? ..ma ogtahay inuu waxyeeleeyo dhaqaalaha dadka iyo dalalkaba?..hadaba suaalahaas jawaabahooda iyo waxyaale kale oo badan waxaan kaga hadli doona maqaalkan hadi alle idhaa ……
hordhac
sida dadka badankoogu ka war qabaan cudurkan HIV/AIDS waa cudur dilaaya ,waxaanu ku jiraa kalinta afraad waxyaalha sababa dhimashada ,sidaa daraadeed waxa uu caalamku u aqoonsaday inu yahay aafada qarniga 21aad.
Waxa kale oo aynu ogsoonahay in sidiisaba cudurkani asal ahaan u ku dhaco dadka dhaqanka xunxun khaasatan kuwa aynu u naqaano luudiyinta (beede) "homosexual",iyo guud ahaan dalalka ay sida xun ugu faaftay cadada sinadu ,hadaba marka ay umadu noqoto mid is farta xumaha iskana reebta wanaaga alle (swt) waxa uu ku soo dajiyaa ciqaab , akhriste bal xadiisan ila dhuux ,nabigana (nnkh) waxa uu ka hadlay 14 qarni ka hor in ay dhacayaan waxan ama ay faafayaan cuduradan oo kale hadii la caadaysto sinada wana kan xadiisku , waana saxeex (rasulku (nnkh) waxa uu idhi isaga oo la hadlaya muhaajirnta(dadkii nabiga maka ka soo racay ee madina u soo racay) shan shay hadii aad soo gaadhan waxanan ilaahay idinka magan galinaya inaydaan soo gaadhin ...waxaana ka mid ahaa 
1.ma jiro qowm (umad) muujisanaya (cadaysanaya ) xumaha ila waxa uu ilaahay ku salidaa xanuuno iyo cuduro aan hore loo aqoon ama u ba jiri jirin wakhtiyadi ka horeeyay …..)
Akhriste hadaba waxa la odhan kara in cudurkani markiisi hore ahaa cadho ilaahay balse imika uu noqday cudur ,cudurna sidiisaba waxa uu ku dhaca qof xun iyo midka wanaagasanba .
Marka aynu eegno dadka ugu badan ee uu ku dhaco waa dhalinyarada da'doodu u dhaxayso 16-35 jir waana da'da u ah udub dhaxaadka dhaqaalaha dalkasta hadii ay da'daasi meesha ka baxdana waxa la baxaya waa dhaqaaalaha dalka iyo umada dhaamanteed ,sidaa daraadeed cudurkane waxa uu ku leeyahay samayn aan toos ahayn dhaqaalaha dalalka iyo umadaba .
Waa maxay hadaba AIDS (Auto Immune Deficiency Syndrome)
Wa cudur ka dhasha daciifida difaaca jidhka oo uu sabao virus lo yaqaan HIV, marku ugu horaysay waxa la ogaaday sanadku marku ahaa 1981 waxana lagu arkay dalka maraykana ,dadka laga helayna waxay u badnaayeen dadka khaniisinta ah "homosexual"
Hadaba laga soo bilaabo wakhtigaa cudurkan waxa u dhintay sida ay warbixin ku soo sareen UNAIDS iyo WHO dad lagu qiyaasay in ka badan 25 million qof..,waxa kale oo ay sheegtay in 2005ki ay 2.4-.3.3 million ay qabeen HIV/AIDS in kabadan nus malyuuna ay ahayeen caruur.
Caalamiyan dadka qaba HIV/AIDS wakhtigan xaliga ah waxa lagu qiyaasa ina u dhaxaysa 33.4 iyo 46 million ,3.4 – 6.2 million waa xaaladah cusub" incidence new cases) "- (bimacnaa waa dadka dhawaan qaaday),-waxaana u dhinta sanadkasta in kabadan 2.4-33 million .
Marka aynu u nimaadno dawladaha ka hooseeya saxara "sub-saharan afirca"waa meesha u ugu badan calamka ee uu ku dhaco HIV/AIDS ku ,waxaana lagu qiyasa dadka qaba 21.6 ila 27.4 million ,1.5 ila 3.0 million ka midi waa caruur ka yar 15 jir ,64% daka qaba hiv/aidsa waxa ay ku nool yihin dawladaha ka hooseeya saxarah ,in kabadan afarmeelodaw sedix meelod ahaan 76% waxa weeyan dumar,wax kale oo uu agoomeeyay in ka badan 12 million oo caruurara .
Qarada asia iyadana waxa la sheegay in 2/3 dadka qaba ay ku nool yihin dalka India waxan lagu qiysaa inay gaadhayaan 3.5-10 million dadka qaba xanuunkaas ,waxa kale oo la sheegay in wadamada uu ku dhacay ay soo yaraadeen da'doodi 6.5 sano "life expectancy"
In Somalia 
Marka hadaba aynu Somalia ka hadalno ,runtii dad badani waxay u qabaan inaanu somalia  dadkeda kuba dhicin ,waxan la sheegayaana ay yihiin hadal iyo sheeko balse waxa xaqiiqo ah in uu ku soo batay cudurkani dalka laga soo bilaabo 2000 ,taasna waxa u sababa isku furunka aynu isku furanay Ethiopia iyo africada kalaba ,inta waxa dheer iyada oo wacyi galintu ay aad uhoosayso iyo dadkeena oo iskaga badan dad jaahilina taasina waxay sababtay inuu aad u sii kordho oo ku socdo xawaare ….
Hadaba data ay soo ururisay wasarada cafimadka iyo shaqadu ee somaliland ayaaynu  uga so qaadanayna miqyaas somalia da kale  eek u saabsan HIV/AIDS ee sanadki hore ayaa waxa uu ahaa sedan
Hargiesa /MCH xarumaha hooyada iyo dhalanka ,waxa la baadhay 499 qof waxa laga helay 8 qof taas micnaheedu waxa weeyaan in ay 1.6% laga helay
Hargeisa / OPDI ,waxa la baadhay 243 qof waxa laga helay 30 oo u dhiganta  12.3%
Hargeisa /TB center, waxa la baadhay 249 qof waxa laga helay 14 qof,oo u dhiganta 5.6%
Berbera /MCH, waxa la baadhay 350 qof waxa laga helay 8 oo u dhiganta 2.3%
Boorama / MCH ,waxa la baadhay 363 waxa laga helay 4 qof oo u dhiganta 1.1%
Burco /MCH ,waxa la baadhay 352 qof ,wax laga helay 2 qof oo u dhiganta 0.6%
Human immune deficiency virus "HIV"
Waxa uu ka mid yahay virus yada loo yaqaan retrovirus, waxaana loo qaybiya laba nooc HIV-1 iyo HIV-2,
Hadaba noocni waxa u kaga duwan yahay kuwa kale , waxa uu leehay enzyme la yidhaa reverse transcriptase kaas oo u badala RNAga virus ka DNA,dabadeed DNA gaasina uu waxa uu ka mid noqonaya jiinadka "genetics" bu' yarada (nucleus)...kadib waxa uu badalaya hab difaaci bu'da "cell"
HIV-1 waxa uu u qaybsama laba qaybood
1.group M subtypes ,waana ka ugu badan
2.group O subtypes
Sidee loo kala qaada "mode of transmission"
1.galmada "sexual intercourse": waxa ugu badan ee lagu kala qaada wa galmada ha noqoto tan raga iyo dumarka "heterosexual" ama luudiyinta "homosexual"
2.hooyada oo u gudbisa ilmaheeda "mother to child" :noocan waxa loo yaqaana "vertical transmission" ,waxaanay hooyadu u gudbisaa wakhtiga uu ilmahu caloosha ku jiro , wakhtiga dhalmada ama waxaba ay u gudbisa wakhtiga ay naaska jaqsiinayso "prantelly,perinatally or breast-feeding" inta ugu badana waxa ay hooyadu ugu gudbisa waa wakhtiga dhalmada iyo inta uunaska jaqayo ,inkasta oo dalalka hore u maray "developed countries" ay imika aad u yareeyan iyaga oo kaga hortagaya in hooyada ilmaha lagu qalo lagana ilaaliyo inay naaska siiso taasina waxay yaraynaysa in hooyadu ilmaheeda u gudbiso cudurka .
3 dhiiga "contaminated blood": waxa habkan laysku gudbin kara waa iyada oo dhiiga ama dhamaan dareerayaasha ku jira jidhka "body fluids" qofka qaba cudurka oo gaadha qofkale, sida dhiig u shibida "blood transfusion"
4.qalabka taabtay dhiig qaba cudurka "contaminated needles":waxa ka mid ah noocan sida makiinadaha,irbadaha ,waxaana ugu badan ee ku kala qada waa dadka daroogada ku wada isticmala hal irbad ama dadka lagu wada mudo hal irbad
Waxyaalha aan lagu kala qaadin
1 taabashada
2.dhunkashada
3.wax la cunida
4.dhar la xidhashada
5.iyo dhaman la macaamilida kale
Side ayuu u waxyeeleya cudurkani jidhka "pathology "
Cudurkani wax uu waxeelo wayn soo gaadhsiya difaaca jidha ,kaas oo uu marka ba weerarayo difaaca jidhka isla markaan uu jidhka laciifinaya oo aanu u aqoonsan Karin inu yahay wax jidhka didbada ka soo galay "antigen" uu yahay fayras,ka dibna uu ku faafayo dhamaan jidhka isaga oo aad u tarmaya
Inta ka dib jidhku waxa uu noqonaya mid khatar ugu jira wax kasta oo wax yeeli kara maadama oo anay jirin wax jidhka ka difaaca waxa waxyeelaynaya waana sababta uu u dhintaan dadku
Calaamadaha lagu garta AIDS ka
shuban
Xumad
Finan jidhka ka soo baxa oo cas cas "rash"
Hadaba inta badan dadka qaba AIDS malaha calaamado lagu garto balse waxa jira cuduro uu sababo AIDS ku oo lagu garto dadka qaba waxaan ka mida
Timo afka ka soo baxa "oral hairy leucoplakia"
Carabka oo cadaada "candidiasis"
Kaposi's syndrome
Tuberculosis "TB"
Sidee looga hortagi kara ama layskaga ilaalin kara AIDS ka
Horta sideedaba cudurkani malaha dawo ama talaal, waxa qudha ee lagula dagaalama waa in la iska ilaaliyo dhamaan wax yalaha sababi kara inaad qaado cudurkan.
Run ahaanti inagu ma odhanayno sxb qudha ku eekada,ama isticmaala kondhab, waayo waxaynu nahay umad islaama sidaa daraadeed waxa qudha ee aynu kaga hortagi karnaa waa inaga oo ku dhaqana diinteena suuban .
waxyaalaha laga hortagana waxa ka mida :
1.iska ilaali sinada xaaranta
2.noqo qof dhawrsoon oo iska ilaliya xumaha
3.xusuuso markasta waxani inay tahay cadho alle oo qofka caasiya uu ku ciqaabayo aduunyada
5.iska ilaali makiinada iyo irbadaha lawada isticmaalo
6.baro waxyaalha lagu kala qaado si aad uga feejignaato
7.ka tixadir dhiiga qofka qaba iyo dheecaankisaba
8.hadii aanad waxaas oo dhan ku joogsanayn isticmaal kondhab "condom" inaga oo ka duulayna qaacidada islaamiga ah ee tidhaa " akhafa dararayn"
Gunti iyo gaba gabadi waxan rajaynaya inaad wax yaalo badan ka faaiidaysateen…..waxii fikira ama aragtiya fadlan igu soo hagaajiya cinwaynkayga hoos ku qoran
 
xamse cali xuseen
IUA, faculty of medicine
khartoum ,sudan
00249925550508




Offline Munim

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 607
  • Points: +15/-0
  • Gender: Male
  • رضا ك يا امي
Re: Aafada Idlaysa Dadka Sinaysta (AIDS)
« Reply #1 on: March 07, 2008, 09:52:09 PM »
Thanks Dr.Hamsa dabcan wa moduuc aad u wanaagsan
sida aad qoralkagaba ku sheegtay shacabkeena wali si fiican ugama feejigna qatarta u cudurkan leeyahay waxana laga yaba in aad aragto dad shaki galinaayo jiritaanka cudrkan ama ku dhahaayo wa cudur loogu talagalay galada bas ee inaga musliminta ah naguma dhacaayo taasna waxa ay ku tuseeysa heerka hoose ee wacyigalinta shacabka u maraayo. marka qofwaliba oo naga mid waxan ka codsanaa fursad kasto oo wacyigalin ah uu helo ha uga faideeyo shacabka iyado la kashanaayo culumada diinta madama somalida badana ay wax ka maqasho culumada diinta.
Education Opens the Doors

Offline Waxbaro!

  • Global Moderator
  • *****
  • Posts: 242
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Aqoontu Waa Iftiin
Re: Aafada Idlaysa Dadka Sinaysta (AIDS)
« Reply #2 on: March 08, 2008, 09:03:50 PM »
Walaal dr.hamsa aad ayaa ugu mahadsantahay qoraalkaaga qiimaha leh ee ku saabsan cudurka aidska.

Mushkilada ugu weyn ee cudurkan ku faafo somalida dhexdeeda sida aad sheektayba waa wacyi gelin la'aan ka jirta mujtamaca.
Sidaa darteed dad badan ayaa u dhinta, dad hor lehne wuu ku dhacaa.

Mida kale ee jirta waa takoorka ay la kulmayaan dadka cudurkaan qaba, oo qof waliba u fiirinayo inuu yahay qof danbi weyn galay oo in laga fogaado ay tahay, xitaa mararka qaar aan salaanta laga qaadin.

Hadii aan kaaga sheekeeyo sheeko aan goob joog ka ahaa:

Isbitaal ku yaalo gobol ka mid ah gobolada somaliya aan ka shaqeynayay ayaa waxaa la keenay islaan qabta cudurkaan, waxaa la socday walaalaheed, waxa ay doonayeen in isbitaalka la jiifiyo wayna ka war qabeen inay qabto cudurka AIDS-ka.

Nidaamka u dagsan isbitaalka wuxuu dhigayay dadka qabo cudurada joogtada ah in la baaro, daawooyin loo qoro, kadib lagu celiyo guryahooda maadaama isbitaalka uu iska yaryahay oo la jiifiyo kaliya, dadka qaba cudurada dagdaga ah (Emergency) iyo qaliimada kaliya.

Lakin haduu qofku qabo cudur joogto ah (chronic) la na socdo dhibaatooyin kale oo helis galinaysa qofka xaaladiisa waa in la jiifiyaa isbitaalka oo laga daaweeyaa cudurada kale uu qabo qofka.

Marka maadaama islaantani aysan qabin cuduro kale oo keensanaya in isbitaalka la jiifiyo waxa kaliyane ay u baahantahay ay tahay in daawooyin kor u qaada ka hortagga jirka iyo difaaciisa la siiyo kadibne lagu celiyo gurigeeda.

Markii aan u sheegnay walaalaheed arintii waxay dhaheen, anaga waxaan u baahanahay in na loo jiifiyo isbitaalka, waxaan u sheegnay inay taasi suura gal aysan ahayn.

Waxay dhaheen waan soo tashanaynaa oo banaanka ayay u baxeen dib dambane uma soo laaban, 3 saac kadib baan u soo laabtay islaantii keligeed oo ay uga kala dhuunteen isbitaalka, markii ay ogaatay waxa ay ku dhaqaaqeen walaalaheed ayay ooyday, oo tiri awalba  iyaga lama daganeyn oo islaan ayaa i xanaaneyn jirtay iyadane waxay dhimatay shalay oo markii ay ka war heleen ayey isbitaalka ii soo qaadeen, ee hadaa awoodaan taksi ii soo qabta anigaa garanaya meel aan aado.

Akhristaha sharafta lahow dhibaatooyinkaas iyo kuwa aan halkaan lagu soo koobi karin ayaa ka jira wadankii oo u baahan wacyi galin in lagu sameeyo.

Waxbaro!
Your posts reflects your personality, so be Wise and Polite!


 

Su'aal: Maxaa keena in lugaha biyo galaan dadka sokorta qaba?

Started by Iraado MacalinBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9136
Last post March 26, 2016, 02:29:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Sidee Lagu Gartaa, Dixriga Dadka Jirka Ka Gala?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 11245
Last post December 06, 2011, 12:54:43 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Ma isticmaali karaa sonkorta ay isticmalan dadka sokorta qaba?

Started by AmulaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14045
Last post February 28, 2016, 05:18:12 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay ilko isku riiqa dadka waaweyn?

Started by FatimaaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17367
Last post October 07, 2011, 05:13:04 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Qal-qalka Ku Dhaca Dadka Qaarkood, Maxaa Keena?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 8947
Last post February 06, 2012, 12:32:24 AM
by CilmiSabca