Author Topic: Su'aal: Cunidda Naccnac Kuleylka, Dhib Ma Lee Yahay?  (Read 33910 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Su'aal: Cunidda Naccnac Kuleylka, Dhib Ma Lee Yahay?
« on: January 14, 2017, 09:02:35 PM »
Asc dhamaan, salaan ka dib.
Dhakhtar, gabar ehelkeyga ah, ayaa waxaa ay si aad ah u cuntaa Nacnac kuleylka, halkii bac waxa ay ku cuntaa ugu yaraan saddex maalmood, waxaanu u qabtaa sidii balwad. Markaa Dhakhtar, waxaan rabnaa in aan wax ka ogaano in uu nacnac kuleylka (tiffany mintz) lee yahay dhibaato iyo in kale.
M A H A D  S A N I D.


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cunidda Naccnac Kuleylka, Dhib Ma Lee Yahay?
« Reply #1 on: April 21, 2017, 06:25:57 PM »


Bismillah,

Nacnac kuleelka waxaa lagu soo daraa ama lagu soo carfiyaa wax ka mid ah geedka loo yaqaano nacnaaca, afka ingriiskane lagu dhaho "mint", laba siyaabood ayaa loogu soo daraa:
  • In nanaca loo yeelo dhadhan geedka nacnaaca, taasne waxaa loo yaqaanaa "mint flavoring", kan ma lahan faa'ido caafimaad.
  • In nacnac kuleelka lagu daro wax ka mid ah geedka nacnaaca sida saliidiisa, taasina waxaa loo yaqaanaa "mint extract".

Geedka nacnaaca waa geed ka baxo meelo badan oo dunida ka mid ah, dadka qaar shaaha ayay ku darsadaan, dadka qaarne cabitaan ayay ka dhigtaan, dadka qaarne suugada iyo cunnada ayay ku carfistaan.

Aad ayaa nacnac kuleelka looga isticmaalaa dunida meelo badan oo ka mid ah cunno ahaan iyo geedo daaweed ahaan.

Faa'idooyinka caafimaad ee nacnac kuleelka?
Saliidda geedka nacnaaca waa laba nuuc oo kala duwan, mid waxaa loo yaqaanaa "peppermint oil" midka kalane "spearmint oil".

Nacnac kuleelka laga sameeyay saliidda nooca "peppermint oil" oo ah nuuca ugu badan wuxuu u roon yahay dheefshiidka khasatan markuu qofka dharagsan yahay, sababtoo ah wuxuu dabciyaa murqaha jirka khaasatan kuwa caloosha iyo mindhicirrada taasoo fududeynayso dheefshiidka, kana hortagayso calool fadhiga.

Waxay kaloo saliidaan u roon tahay dibbiryada iyo calool majiirka, sidaa darteed waa muhiim in saliida nacnac kuleelka ku jirto aad aqoon u leedahay, waana in saliidu ay tahay mid dabiici ah, waxaana badanaa kuwa dabiiciga ah lagu soo qoraa "pure mint", "virgin oil mint" "natural oil mint" iyo wax la mid ah.

Nacnac kuleelka laga sameeyay saliidda nooca "Spearmint oil" wuxuu u roon yahay hargabka, cabburka sanka, lalabada, madax xanuunka ka dhasho isku-buuqa, goonjabka iyo cudurka kacsanaanta mindhicirrada ee loo yaqaano "irritable bowel syndrome".

Ogow nacnac kuleelka ay ku qoran tahay "mint flavoring", ma lahan faa'ido caafimaad sababtoo ah waa dhadhan iyo carfin kaliya ee wixii faa'ido lahaa laguma darin, marka waa inaad raadsataa midka ah lagu daray wax nacnaaca ka mid ah sida saliidiisa oo kale.

Waxyeellada Nacnac Kuleelka:
Wax walba xadkoodu haday dhaafaan dhibaato ayay keenaan, tusaale ahaan sida aad ku tilmaantay su'aashaada, waa qalad sida ay gabadha u isticmaasho nacnanc kuleelka, saliidaha geedka nacnaaca ee aan kor kaga soo hadlay hadday jirka ku bataan waxay hoos u dhigaan garaaca wadnaha, waxayna keenaan calool xanuun, wareer, dubaaxin jirka ah iyo khalkhal ku dhaco hormoonka loo yaqaano "androgen" taasoo sabab u noqoto inhaweenka ay timo ka soo baxaan.

Waxaa intaa sii dheer in nacnac kuleelka ay ku jirto sokor badan weliba aan xambaarsanayn wax nafaqo ah, haddii la badsado waxay dhibaato u gaysataa caafimaadka ilkaha, waxayna keentaa ilka bolol iyo suus.

Saliidaha laga soo saaro geedka nacnaaca waxaa loo isticmaalaa daawo dhireed ahaan, waxaana loo isticmaalaa xanuunada an kor ku soo xusay, haweenka ilmaha nuujiyane waxay ku subkiyaan naasaha si ay uga hortagaan qalfoofidda naasaha iyo dildilaaca ibta.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Nin jidhkisu kala weyn yahay (XAGA SARE OO YAR IYO XAGA HOOSE OO WEYN)

Started by Hotboy911Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 23191
Last post June 13, 2015, 03:26:34 PM
by SomaliDoc
Muxuu yahay "Internal Medicine"?

Started by AdminBoard Clinical Rotations

Replies: 0
Views: 45429
Last post February 11, 2007, 12:34:45 PM
by Admin
Ogow waxa uu yahay "Ummu-Sibyanka"!

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 0
Views: 291313
Last post December 05, 2018, 08:41:26 PM
by SomaliDoc
Albaabkaas markii la furo nalku shidmaayo, markii la xidhona damaayo, muxuu yahay?

Started by CilmiSabcaBoard Medical Stories and Jokes

Replies: 2
Views: 30249
Last post December 08, 2012, 08:50:56 PM
by CilmiSabca
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 53667
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc