Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Waa maxay kaniiniga Vascular 20mg?

(1/1)

Rayaan Ahmed:
Marka hore salama calaykum dr.aad iyo aad bad ugu madahsan tahay sida wacan ee aad  nagu hagar baxdo inta ka dib dr waxan ahay gabadh uur leh waliba ilmihi u horeyay 7aad banan ahay waxan ka shakiyay in u ekfshan aan leyahay dhakhtarkan u tagay igu yidhi waxba kuma hayaan waxanu isoo qoray laba kinin mid vitamin ah iyo mid kale kininkaas kale xanuun dhabar xanuna ayuu igu keenay magaca kininku waa (vascular 20mg) ee dr muxu yahay kininkan ? Maxase lagu talo galay?

SomaliDoc:
Kaniinigaan wuxuu waasiciyaa xididada jirka ku jira sidaa darteed waxaa lagu daaweeyaa qulqul yarida dhiigga ee maskaxda iyo gacmaha.

Wuxuu kaloo kaniinigaa joojiyaa giigsanaanta minka ama raximka, sidaa darteed waxaa loo adeegsadaa in looga hortago dilanka iyo dhicisoobidda, dhakhtarkane wuxuu haweenka u qoraa haddii ay horay u jirtay taariikh dilan ama uga shakkiyo inay dilmi rabto.

Marka kaniiniga labadaas siyaabood ayaa loo isticmaalaa, waxase badan u adeegsiga haweenka uurka leh.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version