Author Topic: "Shooga Dhaqanka" Waa Dhibaato Qurbaha Lagu Arko.  (Read 29269 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
"Shooga Dhaqanka" Waa Dhibaato Qurbaha Lagu Arko.
« on: January 17, 2017, 05:34:31 PM »


Bismillah,

Waxaan casharkaan maanta kaga hadli doonaa dhibaatooyinka soo waajaho ama ay la kulmaan dadka u safra dhulal dhaqan ahaan ka duwan dhulka ay ka tageen.

Kala duwanaanshaas khaasatan dhinaca dhaqanka ah wuxuu qofka ku ridaa wax caafimaad ahaan loo yaqaano "Shooga dhaqanka" ama "Culture Shock". waa dhibaato ay la kulmaan soomaali badan oo safar dheer ku tagay dhulal ka duwan dhulkeena sida qaaradda yurub, ustaraaliya iyo maraykanka.

Waa muhiim in qofka uu ogaado xaaladaan inay tahay wax jira, astaamaha lagu garto iyo marxaladaha uu qofka maro inta uu kala qabsanayo dhulka cusub ee cagaha uu dhigay.

Dhibaatooyinka ka qeyb qaata shoogaan ama argagaxaan waxaa ugu horeeya 7 waxyaabood:
  • Aqoon iyo warbixin xad ka bax ah.
  • Caqabad luqadda ah
  • Farqiga labada jiil oo aad u kala fog
  • Farqi dhinaca tiknolojiyada
  • Farqiga diinta iyo dhaqanka
  • Xirfadda isku-tiirsanaanta
  • Daltabyo dhaqameed

Qofka markuu intaas la kulmo, weliba uu ishordhigo suuradduu ka heestay meesha uu safarka dheer u soo galay iyo waxa uu la kulmay waxaa ku dhaca waxa loo yaqaano "Culture Shock", wuxuuna qofka maraa 4 marxaladood illaa uu kala qabsado nolosha cusub.

Marxaladda Toddobobaxa
Qofka oo la dhaco isbadalka cusub, isagoo isbar bar dhigo dhulka uu ka yimid iyo meesha uu joogo. isagoo indhiisa ay soo jiitaan wixii ku cusub oo idil sidii qof dalxiis ah oo kale, waxaa laga yaabaa in isbadalkaan uu jeclaado usbuucyada ugu horreeyo, weliba hurdada iyo hoyaadka inay ku yaraadaan dhaldhalaalka uu yimid awgeed.

Marxaladda Waan-waanta
Markii usbuucyo ilaa 3 bil ka soo wareegato, qofka wuxuu dareemaa murugo, xanaaq iyo caajis uusan horay isugu aqoon, waxaana u soo muuqdo waxyaabo badan oo uusan horay u arkin oo uu la yaabo dhinac diin iyo mid dhaqan ahanba, caqabaddii luqadda ayuu dareemaa wuxuuna isku arkaa qof ka go'an bulshada uu ku dhex nool yahay khaasatan hadduusan heysan bulsho luqaddiisa ku hadasha. marka qofka nafsaddiisa gudaheeda waxaa ka bilaawdo waan-waan iyo gorgortan wuxuu la qabsan karo iyo wxuu la qbsan karin, wuxuu ka tanaasuli karo iyo wuxuusan ka tanaasuli karin taasoo sii abuuri karta cadaadis nafsi ah iyo kilinnimo, waa marxladda ugu adag ee la maro, dadkane way ku kala duwan yihiin.

Marxaladda Heshiiska markii 6 bilood illaa 1 sano laga soo wareego, wuxuu bilaabaa qofka inuu la heshiiyo dhaqanka cusub, fahmo nolosha iyo sida loo maareeyo waxyaabaha soo waajaho, go'aano badan oo marxaladdii hore qaatayne wuu ka tanaasulaa, wuxuuna bilaabaa inuu la qabsado. Marxaladdaan hadduusan qofka la kulmin qof meesha uga soo horeeyay waxaa dhici karta inuuba ka leexdo dhaqankiisa hore oo uu dhaqankaan cusub sidiisa u qaato, sidasne ku fallaagoobo waa marxalad aad u adag, dadkuna sadax ayay u qeybsamaan: 1- qof iska carara markuu fahmi kari waayo nolosha, kuna soo laabta meesha uu ka yimid ama meel kale aada, 2- qof ku dhex milma oo dhaqanka cusub siduu yahay u qaata iyo 3- qof kartinimo muujiyay oo bulshada la heshiiyay isagoo dhaqankiisa ilaashanayo.

Marxaladda La-qabsashada
Qofka wuxuu la qabsanayaa deegaanka cusub, dhib uma arko dhaqamada qaarkood uu awal dhibsan jiray inkastoo weli ay ku dambeeyaan caadooyin iyo dhaqamo ku haray uu wadankiisii kala yimid laakiin qofka wuxuu galaa heer loo yaqaano Laba-dhaqanle (bicultureal stage), wuxuuna qofka awoodi karaa inuu dhaqankiisii xifdisto bulshadane uu fahmo.

Hadduu qofka muddo joogo dalka uu tagay, wuxuu dareemaa ka mid noqosho bulshadaas, wuxuuna la qabsanayaa dhinacyada kala duwan ee nolosha iyo la xiriirka dadka illaa uu gaaro inay dhib ku noqoto dib u dhex-galka bulshadiisii asal ahaan uu ka soo jeeday markuu booqasho ku yimaado, waxaana xaaladaas oo la yaqaanaa "Reverse Culture Shock", waxaad arkaysaa dad inta soo guuro, dalkoodii ku soo laabtay tobaneeyo sano kadib, markay bilooyin ama sanad joogaan dib u laabtay sababtoo ah way la qabsan kari waayeen maxaayeelay noloshii hore oo la qabsadeen iyo middaan ayaa iskeeni la'.

Ogow arrintaan kuma eko Soomaalida kaliya oo ummado badan ayaa dhibkaan la kulma, midda kale kuma xirna in aad si sharci ah ku tagtay wadankaas ama tahriib. waxaa dhibkaan looga bixi karaa in qofka dhulkuu tagaba uu ku xirmo dadkiisii meesha uga soo horreeyay kuwa dhaqankooda weli ku dhagan si ay uga caawiyaan fahanka nolosha cusub, culeyskane uga yaraado, sababtoo ah dad badan oo isku dayay in kaligood xallistaan dhibaatooyinka soo waajaha oo ku wareeray ayaa jira oo warkooda dib dambe aan loo maqlin.

Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid ama faahfaahin aad u baahan tahay hoos ku qor.
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?

Started by HaykalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 64456
Last post February 16, 2016, 10:07:14 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 53586
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Ilma yar oo markuu hadlayo, hadalka ku dhex nax naxa, maxaa lagu tilmaami karaa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 34500
Last post December 08, 2012, 08:59:58 PM
by CilmiSabca
Su'aal: Waa maxay astaamaha lagu karto marka jirka ku yartahay birta (Iron)?

Started by HeetiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 31134
Last post January 16, 2010, 06:58:51 PM
by SomaliDoc
MAXAA KA OGTAHAY Shaqaalihii Caafimaadka ee lagu dilay Soomaaliya 1991 - 2009?

Started by AdminBoard Health News and Events

Replies: 3
Views: 49760
Last post September 10, 2015, 04:45:26 PM
by Mo Digdig