Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Acid reflux and Asthma?

(1/1)

Abdi21:
salaan aad uqiimo badan kadib acid reflux Iyo asthma maxaa ka dhaxeeyn Karo ma is. kicin karaan

SomaliDoc:
Laabjeexa iyo xiiqda / neefta (Asthma) xiriir way yeelan karaan, sababtoo ah markuu qofka laabjeexo ama aashitada caloosha ay ku soo rogmato, waxaa kaco neerfaha kontaroola murqaha hawo mareenka, ciriiri ayayne noqdaan si looga ilaaliyo in aashitada ay gasho tubooyinka hawo mareenka, ciriiriyowgaas hawo mareenka ku dhacay wuxuu keenaa in la dareemo astaamihii lagu yaqaanay xanuunka xiiqda (Asthma), qofka qufac aad ah ayaa qabanayo kadibne naqaska ayaa ku dhagayo.

Sidoo kale daawooyinka loo qaato neefta (asthma), way kuu keeni karaan laabjeex, gaas ayaadne dareemi kartaa.

Akhriso qoraal ku saabsan Gaaska: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=405.0
Akhriso qoraal ku saabsan Asthma: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=351.0

Navigation

[0] Message Index

Go to full version