Author Topic: Su'aal: Qufac ku bilaabanayo sixasho?  (Read 4629 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Qawdhan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 16
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Qufac ku bilaabanayo sixasho?
« on: March 11, 2017, 02:00:42 AM »
Asc  dr  mahdi  slnta islamka kadib dr  sida hagar la'aanta ah ee ad bulshadada ugu  shaqeyneysid   aad ban kaga mahad celineyna wanan ku ogney  tariikhduna iyada is qorta dibna isku aqrida ee Alleh ha ku xafido.

dr  waxan raba  in aad iga caawiso arin yar oo toddobad yadan ugu dabeyey iguso koradhey.
dr  muddo imika ilaa laba week ah   waxan i helay arin aan layaabey   dr  sidan u joogo ayan qufacaya oo waliba sidii wax saxdey oo kale  kadib xoog ban u qufacaya oo sidii wax cunaha wax igaga istageen baa naqasku i qabanaya oo qufacu igaso wada baxeyn  kadib candhuuf iyo balqan aad u badan baan tufaya oo cunaha iyo laabtuna waxay u muuqanayan in ay balqan badan i fadhiyan  madaxuna aad buu i xanuunaya markan qufaca wado  in yar kadibna wuu i ladnaanaya    arintaas   baa dr i haysata muddo  2weeks
ah  oo waliba waxa la mooda maalmahan dambe in  markan qufaco ee candhuufta iyo balqanka ama dheererk hore ee qufaca lasocda  aan isk tufo in mid  in yar oo dhiga wadata ku xigto  ee dr bal  igaso jaahil saar waxad u maleyneyso iyo waxan talo ee aan sameeyo?   wcs  Alleh ayey mahad oo dhami u sugnaatey.

fiiro gaar ah dr qufacu maaha mid joogto ah ee  waa marmar sidii wax saxdey oo kale mana sii dheeranayo ee waa markaas qabka saxashada u eeg    ayamihii hore duri baa i helay kadib buu waxana la socdey lkn imika durigii ima hayo ee waxan  marmarka ah ee waliba  mararka aan hoos u sheekeysanayo ama aan isla faqayo aya lamooda in qufacu cunaha hoostisa kaso bilaamayo. lkn  wax intaas dheer oo xanuun ah ama lasocda ma jiro  nooc kasta oo ay tahayba.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Qufac ku bilaabanayo sixasho?
« Reply #1 on: June 13, 2017, 10:59:08 AM »
Duriga ama hergabka wuxuu reebaa badanaa qufac wata candhuuf ama xab adag, taasoo ka timid caabuq marinnada hawada ku dhashay iyadoo uu ka faai'idaystay difaaca yarida durayga uu keenay.

Badana markay sidaa noqoto antibiotics / qallajiye ayaa la qaataa waana laga fiicnaadaa, qof walba sidaa ma noqdo dadka qaar ayaa sidaa noqdo waxayne ku xiran tahay qofka caafimaadkiisa guud, nafaqadiisa, inuu balwad leeyahay sida sigaar cabis iyo wixii la mid ah ama in hergabka ku dhacay uu ka duwan yahay kii bulshadu taqaanay oo uu yahay mid safar ku yimid oo uu keenay qof meelo kale ka soo dhoofay.

Laakiin mar walba waxaad u baahanaysaa in feerahaaga la dhagaysto, xaaladaadan la qiimeeyo, hadduu qufacaas uu muddo laba usbuuc uu dhaafo, qandho uu keeno, cunno xumo iyo dhidid badan habeenkii markaas waa qasab in aad dhakhtar ula xiriirtid si lagaaga baaro xanuuno kale sida Tiibishada.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Birta dhiiga oo badan? Wareega dhiiga oo yar? Qufac markii aan ordo?

Started by DurdurBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15756
Last post May 19, 2011, 08:49:53 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Qufac badan iyo nabro carabka ku yaalo?

Started by SaneetiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5137
Last post August 23, 2015, 01:35:02 PM
by SomaliDoc
Hargab Xumaaday Iyo Qufac Kugu Qallalay.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 29693
Last post January 12, 2017, 03:43:18 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan isku arkay qufac riiraxyo leh?

Started by DegmooBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4451
Last post November 28, 2017, 02:03:53 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cod xirmay ayadoo aysan jirin qufac?

Started by Osman HajiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7884
Last post November 10, 2019, 12:30:13 PM
by SomaliDoc