Author Topic: Su'aal: Midhaha Sabiib, Daawo Ahaan Ma Loo Isticmaali Karaa?  (Read 59195 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Su'aal: Midhaha Sabiib, Daawo Ahaan Ma Loo Isticmaali Karaa?
« on: January 23, 2017, 10:12:14 AM »
Salaan diiran ka dib.
Midhaha geedka sabiibka oo la sheego in ay daawo u yihiin xanuuno badan, sida qandhada, iloowshaha, cudurrada caloosha, macaanka, cudurrada ilkaha iyo qaar kale oo badan, ayaan waxaan rabaa in xaqiiqada arrimaha sabiibka haddii ay jiraan cilmi baadhisyo la xidhiidha sida loo isticmaalo wax na looga sheego.
Mahadsanidiin.


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Midhaha Sabiib, Daawo Ahaan Ma Loo Isticmaali Karaa?
« Reply #1 on: April 30, 2017, 08:08:42 PM »


Bismillah,

Sabiibku waa miraha geedka cinabka oo la qallajiyay iyadoo qorax loo dhigay ama lagu qalljiyay mashiinada waxyaabaha qallajiyo, wuxuu yeeshaa midab dahabi ah ama midab cagaara ama midab madaw ah, sabiibaka wuxuu jirka bini'aadanka u leeyahay faa'idooyin caafimaad oo badan, waxaana ka mid ah:
  • Shubanka Iyo Saxaro Adaygga: Sabiibka markii la cuno, wuxuu mindhicirrada ka nuuqaa dareeraha caloosha iyo mindhicirrada ku jiro, sidaa darteed wuxuu yareeyaa shubanka, wuxuuna ku caawiyaa cunnada la shiiday in si aan dhib lahayn ku baxdo.
  • Caatannimada: Sabiibka wuxuu si caafimaad leh u kordhiyaa miisaanka qofka, wuxuuna siiyaa tamar badan maadaama ay ka buuxaan sokorta "Fructose" iyo "Glucose" oo tamar badan laga helo, waxaa intaa sii dheer in borotiin iyo fitamiino kala duwan laga helo kuwaa soo u roon kobcinta murqaha jirka, waxaa kaloo intaa sii dheer in sabiibku ku caawiyo nafaqada cunnada laga shiiday in jirka si sahlan ku nuugo.[/b]
  • Kansarka: Sabiibka waxaa ka buuxo maaddo loo yaqaano "Catechins", taasoo ah sunsaare awood leh, wuxuu jirka ka saaraa sunta nuuca loo yaqaano "free redicals" oo haddii ay jirka ku badato la sheego inay sabab u noqon karto cudurka kansarka.
  • Dhiig-karka: Dhowr sano waxaa la aaminsanaa in sabiibka uu yareeyo cadaadiska dhiigga, laakiin mar dhaw ayaa arintaan lagu xaqiijiyay cilmibaaris iyadoo la arkay maadada "potassium"-ta ee ku jirta sabiibka inay yarayso cadaadiska dhiigga.
  • Macaanka: Dhowr cilmibaaris oo laga sameeyay arrintaan, waxaa la arkay in sabiibka uu xakameeyo nuugista sokorta ee jirka, wuxuu kaloo habeeyaa heerarka hormoonada kala ah "leptin" iyo "gherlin" oo maskaxda u sheego heerka gaajada iyo dheregta qofka.
  • Dhiig-yarida: Sabiibka waxaa ku jiro bir ku filan in looga hortago dhiig-yarida, waxaa kaloo ku jiro Vitamin B Complex oo muhiim u ah samaysanka unugyada cascas ee dhiigga.
  • Qandhada: Sabiibka waxaa ku jiro maadada "phenolic phytonutrients" oo ah jeermis dile, sidaa darteed waxay hoos u dhigtaa qandhada iyadoo la dagaallanto jeermisyada bakteeriyada iyo fayraska.
  • Aragga: Sabiibku wuxuu muhiim u yahay caafimaadka indhaha, wuxuu ka hortag u yahay caadka indhaha iyo arag xumada ka dhalato da'da.
  • Gaaska: Haddii aashitada caloosha soo dayso ay ku badato jirka waxay keentaa xanuuno dhowr ah sida gaastirikada, laab-jeexa iyo kalaogysyo xanuunka, sidaa darteed sabiibka wuxuu yareeyaa laabjeexa iyo gaaska.
  • Hammi Yarida: sabiibka weligiis ayaa lagu yaqiinay inuu kordhiyo hammiga iyo rabitaanka jinsiga, wuxuu kaloo kordhiyaa xawaaraha shahwada, meelo badan oo dunida ka mid ahne waxaa la isku karkariyaa sabiib, sacfaraan iyo caano, waana la isku cunaa si arrintaan loogu daaweeyo, faa'idadu waxay ku jirtaa in joogto loo isticmaalo sabiibka.
  • Lafa Xanuunka: Sabiibka waxaa ku jiro maadada kaalsiyamta oo muhiim u ah lafaha, waxaa kaloo ku jiro maaddo loo yaqaano "Boron", taasoo muhiim u ah korriimada lafaha iyo nuugista kaalsiyamta, wuxuuna ka hortag u yahay cudurka lafobeelka ee ku dhaca haweenka dhalmo-deyska ah.
  • Suuska Ilkaha: Sabiibka wuxuu ka hortag u yahay bololidda iyo suuska ilkaha galo, wuxuu yareeyaa tarmidda bakteeriyada ciridka ku dhacdo ee loo yaqaano "Streptococcus Mutans iyo Prophyromonas Gingivalis" taasoo sabab u ah in ciridka caabuqo, kadibne ilkaha ka durko.

Sabiibka waxaa kaloo lagu sheegay inuu leeyahay faa'idooyin ka badan inta kor ku xusan, laakiin intaas waa kuwa lagu hubiyo cilmibaarisiyo lagu sameeyay miraha sabiibka.

Qaabkee loo isticmaalaa?
Miraha sabiibka sidooda ayaa loo cuni karaa, waxaa lagu darsan karaa cunnooyinka kala duwan, laakiin markii daawo ahaan loo isticmaalayo waa in sidooda lagu cuno ama cabitaan laga dhigto ama la shiido, kadibne lagu qasto ama lagu karkariyo cabitaannada uu qofka cabayo khaasatan caanaha.

Haddii aad su'aalo qabtid iigu soo gudbin qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Su'aal: Midhaha Sabiib, Daawo Ahaan Ma Loo Isticmaali Karaa?
« Reply #2 on: April 30, 2017, 08:46:22 PM »
Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay Somalidoctor.
Talo SAARO Allaah